Jiitama

Dhudu geenyadaydii,   Dhex-yartii shakaallayd
Dhirifkiyo wisiisiga,   Dharjadii ku tumatoo
Jarihii ku dhabatoo,   Dhufsataye u sii daa

Magaceedu waa dheel,   Heensaheedu waa dhiin
Shalmad dhabaq-guduudiyo,   Dhowloosyo dahabiyo
Sitaac dheeh leh baw xidhan,   Baal dhalalaayaa suran
Kun hal bay u dhagantaa,   Dhanbaal bay siddaa culus
Dhalandhoolka tiigta ah,   Hadday maagto dheemaal
ama dheelmad soo galo,   Dhudhubaha shareerka ah
Iyo jararka dhiibta ah,   iyadaa dhanbalatoo
Dhabbadeeda falatoo,   Tubta sugan ku dhacantoo
Abataqan dhoweysee,   Dhaxaad humhumatee
Ma dhan tahay Sarmaanow,   Isma Dhiba ku soo bood.

Sida badowga haw dhiqin,   Dhiiftu way cabudhisaa
Yaanay dhaadin guul guul,   Xakamaha sal uga dhawr
Ha la dhicin rakaabbada,   Nabar kulul ka dheeree
Dhengeddana ha ku adkayn,   Yaanay koora dheelliyin
Dhacadiidka fara badan,   Dhabarkaa ku daalee
Dhaqdhaqaaqa tarantari,   Tabahana u dhiib dhiib
Dhabdhab orodka booddada,   Ha ku dhegin majiiraha

Hadba dhaad isugu taag,   Hadba dheeg iskaga looh
Uga suul dhabaalee,   Hadba dhinac u diga-rogo
Dhudhun iyo badh sii soco,   Isku dhereri gaaddada
Bogga dhaxanta kaga qabo,   Dhulka gacanta saar saar
Hadba dhagax ka soo qaad,   Dhanka kale ka soo fuul
Hadba dhool ka muunsood,   Dhoorka raanta tuurtiyo
Taataabo dhabannada

Dhaw-dhawda kala quban,   Hal-abuurka dhabaqda leh
Hawraarta kala dhiman,   Tixahaan dhugta lahayn
Way ku dhega barjowdaa,   Dhudda gabaygu leeyahay
Ereyada dhexroorka leh,   Suugaanta dhaladka ah
Kula hadal af dhawrsoon,   Ha ka dheregto maansada
Dulucdana dhacdo u yeel,   Nin la dhawrayaad tahay
Waa lagaa dhursugayaa,   Yaan darmaantu kula dhixin
Dhakhsaheedu waa laydh,   Badi soo dhirbaaxdee
Dhag-dhagtiyo xawaaraha,   Yaanay dhaafin yoolkii
Ina Dhamac ku sugi jirey,   Isba waa dhigaygee
Dhoodaanna tala geli

Dhugashada ayaamaha,   Haddaan dheehdo waayaha
Sooyaalka dhaxalka ah,   Waxay dhaayo joogeen
Hadda shalay ma dheerayn,   Waxa dhacay ma fududayn
Weli dhaar ma beenayn,   Maalmihii dhanaanaa
Wixii dhiif la soo maray,   Iskastoo la dhabar jabay
Laysma dhiibin goobii,   Dhederbiga la geylamey
Mana jirin qof dhawrsaday,   Dhaqan iyo hiddaa jirey
Dheg la xeeriyaa tiil,   Dhaqashadu hal maahayn
Dhiigna waa la huri jirey,   Dhumuc waa la ridi jirey
Badna waa la dhuri jirey,   Guulna waa la dhalin jirey
Dhiiri buu hubku ahaa,   Dhaadashaa hanku ahaa
Marka dhabi dhabteed tahay,   Dhidar wayska tegi jirey

Miyaan dheelallaysnahay,   Mise waan dhadhabayaa?
Dhammaan guulahaygii,   Riyo iyo ma dholol baa
Ma dhibaad nin bixiyaa?,   Ma runtaan dhacdo ahayn
Dhagaxtuur ma been baa,   Labadii dharaarood
Mee ninkii is dhinac sudhay?,   Miyaan daayey dhagartii
Mise dhiilladaan jirin,   Mise tolow dhalooshaa
Dhibidkeedu adag yahay?

Dhirta waxa ku jira geed,   Wac wac iyo dhalaal badan
Dhulka hoose kama baxo,   Dhuuni yaalla kama qado
Damal dhuumo maaliyo,   Dhamastii hadhka lahayd
Marka dhuuxu ka engego,   Ma ogtahay dhillowyahan!
Hadduu dhaashto jiilaal,   Ama dhiibsho laamaha
Naxariis la kala dhaco,   Dhardharraanta quruxdiyo
Dhaaddanaanta liqanyada,   Si kaluu u dheegtaa.

Maan dhabtayda faaqido,   Dhubbad-qaad la daba galo
Cidla maan is kula dhaxo,   Horta ooda dhacameed
Maan tilmaan ku kala dhigo,   Dhalliishaydu waa tuma
Dhaymahaygu waa maxay?,   Dhabadaan ku taagnahay
Hadday laafyo dheer tahay,   Dhowrteedu badan tahay
mid ka dhow ma helayaa?

Haddaan dhay la heli Karin,   Ama sixin la dhami Karin
Maan dhunkaal ba heensado

Dheeraad nin haystoo,   Aqalkiisu dhalo yahay
Nabaddiyo ku dhaqan keed,   Hadduu tuuryo dhaafsaday
Miyaan kiisa dhagax Karin,   Maan dhadhaabta xaabsado

Hadday dheeshu laba tahay,   Anigiyo dhurwaagay
Ka dhaxaysey guushii,   Dhiniciisa ka holladay
Maan dhankayga ka guntado,   Qayl- dhaanta sama-doon
Nin hadhkiisa uga dhacay,   Dhawaaqayga sahashadey
Inuu ii dheg taagoo,   i dhegeysto maan baro

Haddii awr dhufaanii,   Isku saydhay dhibidii
Dhirta maan jejebiyoo,   Anba dhoosha ka cartamo
Haddii dhoobi fara baxay,   Dhoobeeyey taladii
Anba maan hengelo dhigo

Nin dhukani hadduu jiro,   Anba maan is dhega maro

Nin dhibtayda magan galay,   Anba dhiillo maan bado
Dhaawacayga hoog iyo,   Dhimasho maan ku soo bedo

Ninki Dheeha gawracay,   Hadduu dhuuni qaatiyo
Hubkuu ciidda dhaafsaday,   Dhan kastaba iskaga xidhay
Xilli aanu dhaadeyn,   Sida jibin dhinbilo kulul
Ama danab dhanbala ridey,   Ama dhibic gudgude wado
Dusha maan ka soo dhaco

Hadday dhooftay nabaddii,   Cirka looga xero dhigay
Dhoonbir maan ku soo rogo,   Hadday ceel dhexdiis taal
Dhiigba maan ku soo guro

Dhambaalkaasi waa baaq,   Dhawaaq weeye joogta ah
Dhahay oo haddana dhahay,   Dhigay oo haddana dhigay
Hadba dhinac ka soo diray,   Hadba midab u dhalan rogey
Nin dhegaystey fara badan,   Ninse dhuuxay sheekada
Wax ka dheegtey mooyaan,   Anna dhaawac igu gaadh
Dhimashiyo hed mooyee,   Suugaanta dhacanta leh
Dhibba haygu noqotee,   Inaan dhaafo lama sugo

Ma intaan dhitinayee,   Arrintayda dhilayee
Dhebigeeda qorayaa,   Bahalkii dhabbacan jirey
Iga galay dhufayskii

Dhayalsigu lur weeyee,   Ma dhabbiibyey nabarkaan
Dusha sare ka dhayi jiray,   Dhulka iyo dadkiisii
Intay dhiillo saarayd,   Toban iyo ma dhawr baa
Dhaqaaq joogsigaygii,   Sannad kale dib may dhigay

Intaan hawlo kala dhiman,   Dhirin-dhiris ku foognaa
Maygu dhalatay Jiitami,   Dhaylo dubato caawana
Ma ku iiddey dheel-dheel !!!

Goobtu dhaygag badanaa,   Meydna waa dhex-yaallaa
Dhiigna waa qulqulayaa,   Dhabataala cunayaa
Dhamac baa la tuban yahay,   Dheella waa la tumayaa

Ma bishii dhabcaalkiyo,   Dhaar jiidhka fuleyga ah
Dharaar-maalka tuugga ah,   Nin gumeysi dhaansado
Taladii u dhiibtaa? !!

Ma bishii ma dheregtada,   iyo dhaysa weyntii
Gobanimada dhaawacay,   Nimaan dheefta mooyee
Dhiska qaran ku hawshoon,   Dheeraadka siisaa

Ma bishaan dhoweystee,   Dhololee ku dhololee
Dhawraayey sebenkee,   Sugey dhalashadeedee
Dhiciddeeda raadshaa

Ma bishaan ku dhaatee,   Dhidibkeeda taagee
Dhismaheeda ficilkiyo,   Dhudhunkiyo laxaadkiyo
Ku dhabeeyey kaarkee,   Dhoobadeeda ciidda ah
Dheecaanka seeddiyo,   Ku waraabshey dhididkee
Dhaxan igu bannaysaa

Ma bishaan u dhacartee,   U kal tiriyey dhaaxee
Dhiilkeeda tolayee,   Ceeryaamo dhacantiyo
Dhedo lagu hungoobiyo,   Dhalanteedka beenta ah
Dhibicdeedu noqotee,   Dhicisee is nuugtee
Waxba dhiiqi weydaa

Ma bishii dhallaankiyo,   Dhallinyariyo waayeel
Dhaddig iyo lab labadaba,   Dhammidood qalqalatee
Waxba dhaafi weydaaa

Ma bishii dhaqaaliyo,   Dhaqankii burburisee
Isku dhuuqday labdaa

Ma bishii dhadhamadiyo,   Dhafan-dhaafka hogoshiyo
Wax la mariyo dhuuntiyo,   Qaran lagu dhillaystiyo
Dharabbada u xilatee,   Dhulka lacag ku gadatee
Dhirta wada arradisee,   Dalku dhaxal wareegaa

Ma bishii la dhuuntee,   Sida eeri dhabankii
Dhabbadiyo jidaashiyo,   Lagu jiitay dhoofkee
Dalka laga dhuyaalaa

Ma bishii dhanqalankiyo,   Dhawa-welanka hooggiyo
Xabbad dheelli socotiyo,   Qabri laysku dhacanshiyo
Xabsi lagu dhabriiriyo,   Dhaca iyo colaaddiyo
Dhagartiyo shirqoolkiyo,   Dhimashada jideysaa

Ma bishii laf dhabarkiyo,   Afarteeda kala dhigan
Udubkiyo dhigtiisii,   Dhoomihii is celin jirey
Dhaayihii is tebi jirey,   Gacal wada dhaqnaan jirey
Hilbihii is wada dhalay,   Dab dhexdooda gelisee
Dadku kala dhaqaaqaa

Dhugucdada xajiinta leh,   Waxa loo dhab dhabayaa
Toddobaatan iyo dhowr,   Ama boqol dharaarood
Ama tiro wax sii dheer,   Nafta loogu dhibayaa
Dadka loogu dhacayaa,   Dhaxan loogu joogaa
Dhafar iyo hurdo la'aan,   Dibad loogu dhaxayaa
Dalka oo dhan nuurkiyo,   Dharka loogu xirayaa
Dhaanto loogu tumayaa,   Dhaldhalaalka beenta ah
ayaan dhuux ka hoosayn

Dheeha muuqa guudkaa,   Nuxur looga dhigayaa
Hadii ay dhabeel tahay,   Dadka lihi ku dhaataan
Wuxuu dheefa lagu qabo,   Dhag dhag iyo durbaan iyo
Dharba looma baahdeen

Ninka dhacanta jiitow,   Dharka ceebta qariyaa
Hadal iyo dheh maahee,   Dhaqan suubban weeyaan   

Dhimashadu xabaashiyo,   Kafan laba dhudoodiyo
Rubaddoo ku dhaaftiyo,   Iil dhexdiisa maahee
Dhilashada jidhkaagiyo,   Sharafkoo dhantaalmiyo
Dheg xumaanta weeyaan

Haddaad dhuuxday bawdyaha,   Miyaa dhawrsi kuu hadhay
Ma xanuun la dhaadoo,   Lala dheellintaa maqan

Dhib waxaanku marinlaa,   Adigaa dhammaystee
Haddii dhoof ku soo galo,   Adigaan is dhalan rogin
Ama dhuuman saas yeel

Haddii mawdku kugu dhego,   Dhabaqsigu ku sii hodo
Dhamme kuugu soo galo,   Dhakhso iyo si kedisa ah
Isha oo ku dhugatoo,   Ku dhalliisha mooyee
Dhoonbirkaygu kuma geyo,   Nabar geesi kaa dheer
Birsol kaa dharaarow,   Kuma darin dhallaankiyo
Dhasha oo ku ximisoo,   Dheesha maarrarowga ah
Kugu jiidha dhoohnaan,   Iyo dhoobo digasha ah

Dhinbilaha I shidayaa,   Dhiciddaada maahee
Dhulluxaad abuurtiyo,   Dhidhkaad reebtay baa badan
Dhiilladaydu waa taas

Hadal iyo dhammaantii,   Bal aan dhaarsho heestee
Waxay dhaabadii tahay,   Marka dhamac la huriyee
Dhuxul iyo dab ololee,   Dhirta nooli gubataa
Gari dhaaya furataa,   Dhafoor taabashada qaar
Ha is dhigan nin diidow,   Ha u dhuran waraabii
Laftuu dhuuxay eersaday

Adoo dhiibey hayntaa,   Dhaxdin iyo dalkii huray
Adigoo dhashaadii
Dhawaqiyo codkoodii,   Ku dhaqaajin waayeen
Yaan ninkii ku dhaxal tiray,   Adoo caara dhuubtiyo
Dhulka nabarku kaa yaal,   Dhaxan kaaga daba iman
Dhillistiisa kugu dilin,   Yaan lagaaga soo dhicin
Dhinacaan is bixin Karin,   Dhacadiid iska ogow
Dhagartana is weheshada

Hayska dhiman sidii neef,   Horta dhiig ku fara xalo
Dhudhun kaa hor jeedaa,   ku dhirbaaxi maayee
Dhumucdaadu waar hooy,   Dhumucdaadu yay hooy
Dharab-roorka kugu jebin

Inantaada dhege culus,   Dhiidhiibso kula tali

Gacan baa wax dhalisee,   ha dhur sugin ayaamaha
hana dhawrin maalmaha,   Dheeshu xeego maahee
Waa dhabiiltan gobannimo,   Dhidar fule gashaantida
Boqorkiyo dhaclaha xiran,   yaanu kaaga dheerayn

Baadi dhiilka buuxsamey,   Dhici guusha maganta ah
Nidarkiina dhaqan geli