Jacayl dhiig ma lagu qoray ?
01- Jacayl dhiig ma lagu qoray
02- weli dhuux ma loo shubay
03- qofna saanta dhabarkiyo
04- ma u dheegay feedhaha
05- dhabannada cad laga jaray
06- hadalkii ma lagu dhigay
07- xinjir aan is dhalan rogin
08- midabkeedu dhiin yahay
09- laga dhuray halbowlaha
10- weli dhiil ma lagu shubay
11- laba mays dhansiiyeen
12- sida dhayda xoolaha
13- dhag dhag maw wadaageen
14- Weli laba is dhaarsaday
15- beryo dhacan nasiib iyo
16- dhul ku-kala cillaallaa
17- subax dharabku kowsaday
18- dhedaduna cuddoontahay
19- cidla aan dhir mooyee
20- wax dhaqaaqayaa jirin
21- jabaq maysku dhaadeen.
22- Kulankii dhabta ahaa
23- riyo dhiifi keentiyo
24- dhalanteed ma moodeen
25- sida ay dhadhabayaan
26- dhawr jeer ma seleleen
27- af dhabaandhab jamashada
28- ma ka dhoofay hadalkiii
29- bal dhaqaaqna kay tahay
30- dhihidii ma waayeen
31- ma ka dhabaqday xaajadu
32- ilma dhalatay xiisaha
33- sida dhibic mahiigaan
34- ma ka qubatay dhaayaha
35- ma ku qoyey dharkoodii
36- naxariis ma dhidideen
37- iyagoo dhanqalankii
38- dheel-dheelli mooyee
39- dhegna aanay kaga jirin
40- kolba erey dhex-roorkiyo
41- dhumucdii ka maqantahay
42- dhitinaaye keligii
43- ka dib tooban dharaarood
44- carrabkiyo dhanxanaggii
45- dhirindhirid ma ku helen
46- Laba guul u dhalatoo
47- isu dhiganta weeyee
48- dabadeed dhabeeshii
49- hanadkii ku dheeraa
50- dhudi mays bariidsheen
51- dhubbad-qaadka sheekada
52- qofba dhagarta caashaqa
53- wixii dhaaxo soo maray
54- ma dhex galay kalkiisii
55- ma akhriyey dhambaalkii
56- warka maysu dhiibeen.
57- Kalgacayl dhito ahaa
58- dhamac iyo dab huriyeen
59- dhuxuliyo lar soo kacay
60- hadba dhoon ma buuxsheen
61- kolba dhacan ma jiideen
62- dhacdadiyo ujeeddada
63- qofba dhaadashada guud
64- qofka kale dhankiisii
65- inaan looga soo dhicin
66- ma ku dhaabadeeyeen
67- sannad mays dhegeysteen
68- Ma dhalaalay waagii
69- dhag ma tidhi cadceeddii
70- intay soo dhaqaaqeen
71- iyagoon ka dheeraan
72- dhaqankiyo xishoodkii
73- dhaymana u jeel qaba
74- iyadoo dhexdoodii
75- dhulka suxul bannaanyahay
76- dhibta maysla taageen
77- wax intaa ka sii dhow
78- ma ku dhiiran waayeen
79- dhayal laysu taabtiyo
80- dhallinyaro habkeedii
81- ma ka dhega adaygeen
82- dhadhansiga miliilica
83- isha mayska dhawreen
84- Dhabbaday is taageen
85- qofba dhaabaddiisii
86- sara joog dhankiisii
87- kun habeen ma dhererraa
88- Dhudhummada aboorkii
89- dhulka hoose kaga baxay
90- dhilashada jirkoodii
91- ma dhanbalay sartii guud
92- ma dhammeeyey hilibkii
93- xidididada ma dhaawacay
94- ma u dhaafay seedaha
95- lafta hoose maw dhacay
96- Dhiilluu ku geliyaa
97- ama waad dhalliishaa
98- dhagartiyo wedkaagee
99- dhimashada kal iyo laab
100- ma ku soo dhaweeyeen
101- dhoosha ma ka qoslaayeen (dhoollaha ma ka qosleen)
102- Ubax dheelka subaxdii
103- naxariis ku dhaashtoo
104- afka dhiin cas mariyoo
105- dhaddigiyo labkisii
106- laba dhude isugu maran
107- ma is dhaafsadeen oo
108- dhaxal maysu siiyeen
109- dhuuni-kawlka caashaqa
110- maysu sii dhadhamiyeen
111- ereygii dhinnaa hadal
112- dhegta maysu saareen
113- Dhafan dhaaf aboorkii
114- ma dhufsaday cammuudii
115- ma u qaatay dhoobada
116- dhab-dhabkiyo kab-kabiddii
117- labadaba ma dhalan rogey
118- dhismo kale ma soo baxay
119- ma ka dhigay wax yaabliyo
120- duddun dherer ku caanoo
121- dhumuc iyo laxaad weyn
122- Dhalan dhoolka maantii
123- dadku dhacarta jiilaal
124- ma dhegsaday dharaartii --
125- ma ka dheelmay galabtii
126- iyadoon la dhaadeyn
127- sheekada dhabteediyo
128- dhabar weyntan hooska leh
129- in dhexdeedan laba ruux
130- runta kaga dhur sugayaan
131- Haddaan laysu dhimanayn
132- nafta laysu dhiibayn
133- ama dhaxal tis qaaddiyo
134- dhismo aqal la taagiyo
135- ubad iyo dhaqaaliyo
136- dhaqan reer la kala sugin
137- dhunkashiyo ujeeddadu
138- tahay dhaayo guudkood
139- waabay la dhabaqsado
140- dhereg iyo markaas qudha
141- ama sida dhurwaayada
142- Hilbo gabar dheg roon oo
143- higlo loogu dhuuntoo
144- dhakhso loogu kala baxo
145- Ninba waxa dhabbacashada
146- dabinkiisa ugu dhaca
147- dhidar iyo xabaashii
148- sharaf lagu dhabcaaliyo
159- dhawrsooni laga tegey
150- dhalanteedka beentaa
151- bulshadaa u dhaawacan
-00--------------------------00-
152- Hab jacayl u dhaqan galo
153- ma holladay kan ugu dheer
154- maamuusna ugu dhow
155- mise weli wax baa dhiman.
|