HUD-HUD (waa gabay ku socda CilmiBoodhari)

 
Boqorkay huq iyo ciil,   Hagardaamo lumisow
Hadimmada kalgacalka leh,   Cilmigii u hoydow
Heesaha baroortaa,   Halqabsiga jacaylkow
Hambalyiyo salaan iyo,   Hibo iga guddoomoo

Kolley waan hubaayoo,   Hawlihii addunyada
Heshay aayahoodee,   Hal yar aan ku toydee
Jannadii ma hurudaa?,   Har qabow ma jiiftaa?
Hoobaan ma gurataa?,   Hablo Xuural-caynihi
Sow kuuma heesaan?,   Waxa aad la haysaba
Hoo kuma yidhaahdAAn?  --------------------

Wedka lama huraayee,   Reer soo hayaamiyo
Hayin raran ma kulanteen?,   Hor Illaahay adigiyo
Hodan maysku aragteen?,   Ma is dhaafsateen hadal?

Bal maxaan haweenkiyo,   Dumar ugu hiloobaa?
ama kula heshiiyaa,   Ugu hagar la'aadaa?
Sowtay hir beeniyo,   ku tuseen hillaacee
Hogol aan da'ayn iyo,   Hanfi kuu aroorsheen
Hirwo kuu garaaceen,   Hungo kuugu baaqeen!

Sowtay ku hawleen,   Ku jareen halbowlaha
Haadaan ku koriyeen,   Hore kuugu riixeen
Hogga kuu dabooleen,   Hoos kuugu tuureen!

Sowtay ku heereen,   Hengelaa ku saareen
Gudcur kuu hillaabeen,   ku dhigeen habaaskee
Cidla kaaga hoyden,   Hororkiyo waraabuhu
Hilbahaaga jiiteen,   Haadda iyo xuunshadu
HanbadAAda feenteen!             -----------------

Waxaan ugu hamranayaa,   Hooyaa ka dhalatoo
Naaskii habreed baa,   iga hiillinaayee
Wallee hawlahaan galo,   iyo heegantaan dhigo
Dumar lama haweysteen,   Ragba ma hungureeyeen
Hanti lagama dhiibeen,   Guri laguma hoysteen
Hadal lalama yeesheen!