Heego muuq-dheer
Is helloo gabadhii is heli-mayno, Huminnoo taladii hunsami weyday
Halyeynimadayda kuma hadhin, Hayntayda yaraatay bay hagratay
Dan baa ka hor timi heshiiskii, Hoh iyo caku heegantaydii
Hilowga arradan bir baan ku hiloo, Kashaydu hubaal ma heellana
Hengel baan ka sitaa haween dumar, Markaan ku hungoobay baan huray
Haankiyo wadnahaa biyaa habaya, Hantaaqo i gaadhay baan la hurday
Huq iyo ma filayn hayaan kedisa, Hayeeshe hayaaydi baa badatay
Hammiga kalgacaylku waa habaqle, Hed iyo waa dabayl hab soo tidhi
Hiyigii lingaxnaa ma huriyeen, Ma halabsaday geenyadii Hudi
Hindisaa wax kalaan halkawgu socdee, Hurintaan weheshaan ka hadhi waayay
Codkiyo hugunkaa isoo hagay, Hoosaasada mayla hiishaday
Haasaasaha muuqda hirigooda, Caawana hambadaydu waa halis
Horyaalka da'day haruub la dhantaay, Hiddiyo dhaqan baad hagoogantahoo
Waxaad huwantahay hugii sharafka, Sidaad u habaysay heensaha
Hadoodilka muuqa higilkaaga, Haldhaaga sidiisa hooshaarka
Hilbaha kugu yaalla heemaalka, Hanqalkaad la kacdiyo hubkaad sidato
Hab-joogga timaa hal-qooqa leh, Hufnaanta xishoodka aad hogatay
Hawaarta ku saaran heeraarta, Hilqadaa boqorkiyo hariiryaha
Habuurka udgoonka soo haarka, Sidii hayin haamo culus sida
Hubsiino dhaqaaqa hanashada, Hormaynta hannaanka laafyaha
Hal qaadka tallaabadaad hollatay, Lugtaad hakisaan hoggaansamay!
Dhul habatacay ciidda oo hodantay, Dhirtoo hamashowday doog harsaday
Xareed hilo iyo harooyin degtay, Hantidoo dhashay deyladoo horratay
Haleello maqasheeda heel ku furtay, Horweyno ku foofay meel hadow leh
Haloosiga baarqab hoobala, Higtiisa higgaadda dhiillada
Haadkii diday keenay hoosiis, Hibaaq ka dhalaalay Haadaamo
Hareeri ka muuqday Heegaale, Hoobaan ka bislaatay Hawd sare
Dayaxoo himir iyo huruud marsadoo, Caweys ka hinqaday hoggiisii
Horseed la socdiyo hoggaanno wata, Qorraxdoo halabtiyo hillaabta dhigtay
Daruuro ka hooray hoosteeda, Fad iyo hogol loolli habar wacatay
Hillaac iyo heego soo curatay, Sidii hir fog baan ku soo higsadoo
Indhuhu ku harraade halacdaada
Hubsiinadu way hagaagsantahee, Hadhow iyo mooyi hawlo danbee
Horjooggaagu heello igu dhali..
Hugiyo dharku haybta waa ka badh, Hablihii kacay qaar hawaa lumisoo
Xilkii hooyo way ka heermeen, Hummaagay run moodayaan hodaya
Hebliyo hebla hiil ka sugimaayee, Hankaagu ka weyn hinaasaha
Waxaad haysataa jidkii hore, Sidaan hubo waad hal adag-tahay
Hambalyaan kugu siiyay hirashada
Hawraar murtiyeedda hadalkayga, Waxaan hidiyaaba waa hees
Hortaada, gadaal, hareeraha, Hibaan ku daleeyay hilinkaaga
Habeenkaagu waa mid hooda leh, Ku hoyo nabad Heego-Muuq-Dheer.
|