Hal iyo Halkiis

HAL iyo HALKIIS, waa tix gaaban oo uu Abwaan Maxamed IBraahim Warsame (Hadraawi) ku sifaynayo arrimo ka mid ah ILaahay iyo awoodihiisa (SWT). Sidaa darteed mar haddii EEbbe iyo awoodihiisa laga hadlayo, waxaa waajib ah in aan lagu deg-degin, oo laga fiirsado dulucda iyo xigmadda ku hoos jirta heestan, si aan denbi uga iman. Waayo qofka ay ku cusub tahay, ama aan xog hore ka hayni wuxuu u arki karaa, ama u dareemi karaa wax sahlan ama fudud, Sifaha iyo dulucda tixdan ku lammaani, runtii aad bay u qoto dheer yihiin. Waxa aannu ku rajo weyn nahay, in haddii EEbbe idmo, aan mar kale halkan raacin doonno sifaha iyo beyd kasta ujeeddadiisa - (hadba sidii suurto-gal ah), annaga oo wixii adkaadana Abwaanka la kaashan doonna INSHA ALLAAH.

I

Hal-ahaade,   Halnimadiisa 
Iyo halkiisa,   Hal ku-ahaade, 
Halnimadiisa,   Iyo halkiisa 
Hal ma-ahaade,   Hal kaga-yeele 
Hal ku-ahaade.

II

Hal-abuure,   Hal ka-abuure 
Halal ka-abuure,   Sii-halaleeye 
Kala hal-yeele,   Hal ku-abuure 
Hal ma-abuure,   Halla ma-abuure 
Hal ku-ahaade.

III

Hal isu-waaye,   Hal isu-waaga 
Hal uma-waaye,   Hal-labaleyda 
Laba-halleyda,   u hal-haleeye 
Hal-samihiisa,   Ma hal-haleeye 
Hal ku-ahaade.

IV

Hal-ahaade,   Halnimadiisa 
Iyo halkiisa,   Hal ku-ogaade 
Hal la-ogaade,   Hal ma-ogaade, 
Hal hal u sheegtay,   Hal uma-sheege 
Hal ku-ahaade.

V

Hal-ahaade,   Hal ma-ahaade 
Halal ma-ahaade,   Lama-haleeye, 
Halnimadiisa,   Iyo halkiisa 
Hal hal ku doonay,   Hal kuma-gaadhe 
Hal ku-ahaade.

VI

Hal-ahaade,   Hal ka-haleeye 
Hal-halaleeye,   Halal-haleeye 
Lama-halaleeye,   In halalkiisa 
Halnimadiisa,   Hal kaga-yeele 
Hal ku-ahaade.

VII

Hal-ahaade,   Hal halleeye 
Halal halleeye,   Halnimadiisa 
Kuma-halleeye,   Hal halkiisa 
Kuma-halleeye,   Hal kama-yeeshe 
Hal ku-ahaade.

VIII

Hal-ahaade,   Hal-haleeye 
Hal ma-haloobe,   Hal ku-haleeye
Hal isu-doore,   Hal uga-doore 
Hal hal u doortay,   Halal ugu-doorshe 
Hal ku-ahaade.

IX

Hal kama-yaabe,   Hal laga yaabo 
Hal kaga-yaabshe,   Hal isu yaabay 
Hal uga-yaabka,   Hal kuma-yeele
Hal uma-buuxshe,   Halnimadiisa 
Hal ugu-buuxshe.

X

Hal-ahaade,   Hal ku-labaale 
Hal ka-ahaade,   Halal halalaystay 
Halalnimadooda,   Hal ku ahaaday 
Halnimadiisa,   Hal ugu-yeele 
Hal ku-ahaade.

XI

Hal-ahaade,   Hal la-ahaade 
Halal tiradooda,   Hal ka-ahaade
Halal tirintooda,   Hal ku-ahaade
Inta hal iyo hal,   Isu hal sheegta 
Hal ka-ahaade.


ALLAA MAHAD LEH.

Diyaarintii: Dhuux Digaale Dualeh.