|
Hal abuur Hal-abuurku waa geed, hufanoo udgoonoo Higil iyo caleen iyo, Hoobaani fuushoo Ubaxuna kor iyo hoos, Hilqadaha ku dhigayoo Har qabow ku darayoo, Shinbiruhu hiraabtii Ka haloosiyaanoo, Cidi aanay hurinoo Ishu haybta meel dheer, Uga soo hilowdoo Higsi lagu yimaaddoo, la habaarin weeyaan Hal-abuurku waa diin, Bulsho hadalladeediyo Haasaasaheediyo, Hinqashada dareenkiyo Hibo weeye Eebbahay, Hanti aan la gadinoo Halladaad ku gelinoo, La hagoogto weeyaan Waxa lagu habeeyaa, Hiddahaad ku dhaqantiyo Himiliyo ujeeddo, Waxa lagu hayaanshaa Hagar li'I dadkaagoo, Waxa loogu hiishaa Lama hure dhulkaagoo, Haqab-beelka noloshaa Horta lagu yagleelaa Hal-abuurku waa roob, Hogol weeye curatoo Waa heego diriroo, Ka hillaacday meeloo Dadku ruux hilaaddiyo, Hindisaha yaqaannoo Jidka toosan hubiyoo, Dhakhso ugu hayaamoo Hela doogsinteediyo, Qof habaaba socodkoo Ku hungooba weeyaan Hal-abuurku waa deeq, waa Haro-Digeedoo is harraartiyaysoo, Dadku ruux hal adagoo Horu socod ku darayoo, ka hirqada xareeddiyo Hawo niman ka qabino, Hayin gaari waayoo ka harraaddan weeyaan Hal-abuurka guul aad, Nacabkaa ka hanatiyo Libin aad la hoyatoo, Ku haloosiyaysaa Dabka loogu huriyaa Marna hoga tusaaliyo, Maahmaah hawiranoo Noloshuba ku hiratiyo, Murti hodana weeyaan Marna haan gun-dheeroo, Hilanoo lingaxanoo Habaqlaha dhextaalliyo, Halxidhaale weeyaan Marna hoy bulsheedoo, Ku habboon caweyskiyo Halab lagu bariistoo, Laga helo naruuriyo Haasaawe weeyaan Marna hugunka uurkiyo, Hadimada ku gaadhiyo Hogashada gandoodiyo, Hiyi kaca calooshiyo Nafta hibashadeedaa, Kugu huriyaa naaroo Hal-abuurka nabar baa, Hollo kugu yidhaahdoo Dacar kugu hulaaqdiyo, Hiirtaanyo murugaa Hadba lagu bakhtiiyaa Marna hadashadaadiyo, Isha halacsigeediyo Hengelaha jacaylkiyo, Waxaa loogu heesaa Hablihii kalgacalkoo, Marka aad hawootaa Lau hoodo sheegtaa Marna geenyo hororoo, Hardaf waal ku socotoo Halis iyo wax yeelliyo, Hagar daamo badanoo Heddu saarantahayoo, Nin bartaa ka hadhinoo Ku hodeysa weeyaan Marna waa hummaaggii, Qofka kula hadlaayoo Intuu soo hankaabsaday, Iska rogey hillaabtoo Kugu yidhi hankaygiyo, Habka maansadaydiyo Hiyigaygu waa kaas Hal-abuurku wa awr, Sita heeryadiisiyo Hirar kale shisheeyoo, Wa hilib mergiyahoo Isagoo hal keliyaa, Dadku harag shabeel iyo Ka dhigaan bariiryoo, Qof kastaa hab gaaruu U higgaadsadaayoo, Waxay ugu habboon tahay Sida uu u haystiyo, Halka uu la doontoo Gabadh weeye hensaha, Hore loogu xidhayoo Shaqalkiyo hagoogtiyo, Huga way ku dhalatoo Sida naas hablood buu, Horaad iyo danbeed yahay Hal-abuurka niman baa, Hawraar u bixiyoo Toddobaatan hebeloo, Hana-qaad is xigey baa Hasha maali jirayoo, Haaneedka Raagaa Qaban jirey hadhuubkoo, Cali-Dhuuxna hooduu Ragba kaga horreeyoo, Hidda raac Qamaan bay Habar wada jaqeenoo, Ha'da gabay Salaan baa Dhigi jirey higgaaddoo, Hammi Faarax Nuur baa Ledi jirin habeennoo, Hitiqsiga Gamuutaan Hamrashada aqoonoo, Mahadhada kal gacalkiyo Hodan iyo xusuusaha, Cilmi haadka duuluu Fari jirey hayaydoo, Sayid Maxamed hawlaha Halgankiyo dagaalkuu, U hor kacay Daraawiish Hurintiisa jiiftaa, U ahayd hal-haysoo Ha noolaatadeennii, Hubka lagu dagaal galay Murti baa halbowliyo, U ahayd hoggaanoo Soomaali hurudday, Hoobey ku kicisoo Xamar iyo Hargeysaba, Dhagax iyo hangool iyo Heellaa xoraysoo, Wallee hoobalkoon jirin Libin sooma hoyateen Anna heesta luuqdiyo, Hawraarta maansada Kuma xidho hunguriyoo, Kama taliyo hoodoo Ummaddaydu haabkay, Ugu heellantahay baa Hanti iigu filanoo, Hangal-taagga xoolaha Waxa uga han weynahay, Hambalyada salaantiyo Hadal haynta magacoo, Hindisaha wax sheegiyo Hoga gelinta jiiftada, Ma hawaawi tiriyee U horseed tagaayoo, Horta waan u sahan shaa Marka aan hoggiisiyo, Feleggiisa hubiyee Habaskiisu yeedhaan, Hudi hudi idhaahdaa. |
|