Deyn maayo Heesta
aabtu way hugmanaysaa, Afku way hud-hudayaa
Hadal buu I leeyahay, Anna waan hor joogaa.
Wax la hado shil bay roon, Wax la helo lib bay mudan
Wax la huro naf baw culus, Wax la hubo wed baa jira
Senge hoohadaa baxay, Habaqlaa ka daba tegey
Inkastay habaaskiyo, Ka dhergeen huq iyo ciil
Hafashada asqoobeen, Boqol jeer hungoobeen
Weli way handanayaan.
Ma hillaabni laan-deyr, Ma hagoogni waabay
Hagar-daamo kuma jiro, Hurin diiddey nabaddiyo
Wadar ii heshiisoo, Huminaysa dhagar baa
Hubku iigu tuman yahay
Sacabkiyo haloosiga, Hogolaha ku soo degey
Haradiyo jidhaamaha, Waxan hooyi-waalaha
Ugu shubay hadhuubbada, Dadku inu hamuuntiyo
Kaga baxo harraadkee, Hilin kale in lala maro
Ama hawdka lala xulo, Haanraawe daba galo
Foolaadka kala hadho, Hororradu bakhtiistaan
Hiyigayga kuma jirin
Hiirtaanyo lagu dhacay, Haaraanku fara badey
Higil iyo faq dheeraa, Huradadii la deyi waa
Habar wacasho lays gurey, Hebel hebel canbaaree
Hebel kale ka marag dhigey, Nin hayaanka beeshiyo
Danta guud ku hawshoon, Hafarkiisa lagu dhaqan
Hilbo ceedhin lagu waab, Ninba harag u saynsaab
Hataq madaxa loo geli, Hoosaaso lagu qaley
Beladiila halabsaday, Hugunkeedu dami-waa
Nin hinaasay deyn-waa, Hibashada qumbacashada
Hengeshiina furi-waa
Hor Allaa la tegayaa, Wax hanbaysta baan idhi
Garta hubiya baan idhi, Runta lagama hiishee
Xaqa halacsadaan idhi, Hawraarsan laga waa
Haye way ku adag tahay, Wax hallaaba mooyee
Wax hagaaga ma oggola, Qaska way horseedaan
Xanta waw hiloobaan, Guusha ay hufnaantiyo
Si haboon ku waayaan, Xisti bay ku hooyaan
Hunguraa wax lumiyee, Hawadoodu kama foga
Haasaasa maalmeed, Murtidoodu huubiyo
Hal-dhac bay u badan tahay, Ma karaan higgaadiyo
Halxidhaale toolmoon
Haamaha gun-dheerta ah, Hilaygiyo lingaxa sudhan
Ma helaan sarbeebtiyo, Isha hoga-tusaalaha
Sugaanta hodanka ah, Hindisaha aloolka leh
Ereyada hal-doorka ah, Hab kalay u weriyaan
Hawraar nin tiriyoo, Hanaqaada ma oggola
Ninka hooto-dhegaley, Nabar hoos ka tuuroo
Dadban igu halgaadow, Hangaraarac baan ahay
Lugo habay hal iyo laba, Kuma hadho tummaatida
Dabka aydin huriseen, Hakin maayo socotada
Hoogaansigaygiyo, Hebednimada guudkiyo
Hayal-samida muuqiyo, Haaheyda malabka leh
Ha ku dagan sabaalaha=, Hayin aan la raranoo
Lagu qaadin heeryoo, La hoggaansan baan ahay
Hamrashada asaaggey, Hooyaday iguma dhalin
Fula-guulka harawsiga, Hanjabaadda kuma dido
Hataqaha si dalagta ah, Haadaanta kuma jabo
Dabin haad ka roor dhigay, Yaan hilaaddu kaa lumin
Halla waa ogeysiis, Inta hoogga dacarta ah
Ku halaan-halaysaay, Hunbanida is gurataay
Ladhka soo hinqanayow, Nin haadaafa lama odhan
Haybta nolosho kaa xidhan
Nin habsadayna kama tegin, Himilada adduunyada
Nin la hago xil kama dhicin, Aniguna hed mooyee
Inta hibada Eebbiyo, Hawraarta maansadu
I hareera yaalliin, Hal-abuurku ila jiro
Hiyigaygu nool-yahay, Hammigaygu shidan yahay
Hanku igu lammaan yahay, Waxa aan higsanayaa
Dhul of iiga hirayaan, Haasaawe furan yahay
Qodob laga hadlaa jiro, DEYN MAAYO HEESAHA
Hollashada mijiiraha, Nin hannaanka gabayada
Hanan waayey naaskow, Hashu waa ammaanee
Haaneedka sii daa
Hogga aad daboosheen, Halistaa maleegteen
Shilka aad habayseen, Habbisada falkiinniyo
Isla hela awaytida, Habaarkiinnu ima karo
|