Beeraad

Aan baab tusaala ah,   ku bireeyo heestee
Waxa iga ballaysina,   Bismillaahi waa kow
Cabdiyow Ba' lagu yiri,   Beertii jacaykow
Haddii siinki buuq iyo,   Barax iyo cindiid dhalay  
Kaftankeenna baalliyo,   Ba'ba aan u rogannee   ------------
waynoo baloolley,   Lugta bidix ka jaamee
Barni iyo Saluugliyo,   Basradii Hargaysiyo
Burco Saxarladeediyo,   Cabdiyow ma beenayn
Ballankii Suleekhee,   Sed bursiinyo doon baa
Beled-weyn i geysoo,   Baridaan leggeedii
is lahaa ku biirsoo,   Waxaan buuxi leeyahay
Haantii barwaaqee,   Bi'i waaye Qaysow
Hawshayda kala quban,   Xilka aan u baydnahay   --------------------
Barashada xusuusta leh,   Ha ka dhigin bar kuma taal
Anna baadi hadaftoo,   iska badalli roortiyo
Hayga dhigin nin biya-dhacay,   Sheekada bu'deediyo
Baaceeda sii raac,   Gunta hoos u sii baar
i baxnaani saaxiib

Ruuxaad ba'iisiyo,   iintiisa baratee
Bedenkiyo calooshiyo,   kuu baara feedhaha
Boogtiisa Qaysow,   Lama sii banneeyoo
Bacda lagama jeexee,   i banbaani saaxiib

Beerlula warkeediyo,   Buundada korkeediyo
Baaxaa deggaygiyo,   Kalgacaylka beermiyo
Taliyaha i badhi-furay,   Berigaas wixii dhacay
Bandhiggii nin joogow,   Sheekada ka bogatoo
Uma baahnid faallee,   Adiguba barbaartiyo
Bulshadaad la socotoo,   Barbar baad ka saarayd
Baabuurka dhoofoo,   Batarkiyo ciyaartaba
Adigaa ka boodee,   Cabdiyow baroortuba
Ka badh weeye meydkee,   Beybeysigaagiyo
Beeraadka iga daa.  

Ragna biime weeyee,   Taladii Bir lagu jaro
Hadday baydu furatoo,   Xarkaheedu buubaan
Lama baraq nuglaadoo,   Bishmahaaga Qaysow
Baqe lama qaniinee,   Waxa loo bareeraa
Biyo dhiijinteedee,   Haddaad bayr ka leedahay
Biyo jira kashaadiyo,   Buro adiga kugu taal
Boholiina lagu dhacay,   ma bir baynu xirannaa.

Iska buuqi maayoo,   Bulxanka iyo qayladu
wax bilaasha maahee,   Beesheenna weyn baan
ku baxaan baxaayoo,   Hadba dhinac ka booqdaa 
Hablaheenna biligdiyo,   Bilic lagu majeertee
loo soohay Baarkaa,   Timahaa ka badannoo
iyagaan bad iyo webi,   Ugu baaqayaayoo
Anna biligta laafyaha,   Baxsanaanta jaahaan
ku baraarugaayoo,   Hadba tii i baabtee    -----------
Boholyow i gelisaan,   Kalgacaylka Boodhari
ku bariidiyaayoo,   Boogaha jacaylkaan
siiyaa barkeedee,   waxa kuu bushaaraa
Berritana Jamaamiyo,   Baar-Dheere iga eeg 

Ido boqol kun gaaroo,   Barqanaaya Doog baan
Hadba baal u rogayaa,   Bahalaha ka ridayaa  ---------------
Barkan maayo gacantoo,   Baashaali maayee
Cabdiyow bal ila soco.   

Aan baab gunaanada,   Ku bisleeyo heestee
waadigan Ba' iyo Siin,   Labadaba bilkeedee
anna baadi doonkiyo,   Budulkaan ku joogaa
Belo way danbaysaa,   Ha is boobin saaxiib