AWAAL TIRIS - 13-09-2009
Hargeysa,Jimce,05,Mar,2010 (Hillaac.net)Hargeisa (APTEN) Maansadan Awaal-Tiris, waxa
curiyay Abwaanka caanka ah, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waxaanay soo baxday
13/09/09. Waxa uu kaga hadlayaa mushkiladaha dhinacyada badan ee maanta mujtamaca ku
xeeran. Qaadka oo ah kan sababay in ragga Soomaaliyeed gabo kaalintii uu nolosha ku
lahaa, taasina geyaysiiso haweenka inay ku keliyaystaan dhibaatada nolosha; ayuu si
ba'an u dhaliilayaa.
Obocda Maansada, waxa uu Abwaanku ku xusayaa sheeko naxdin badan. Gabar ayaa
ninkeedii ku mashquulayaa aafada Qaadka, kagana jeedsanaya masuuliyaddii ubadka
iyo noloshaba ka saarnayd. Si carruurtu u hesho quutal-daruurigoodii, ayay gabadhu
bacadka u ban-baxaysaa, iyada oo Qaadka laftiisa ka ganacsanaysa. Af-xumo, guhaad,
amaah iyo qaylo ayay intaba u dhabar-adaygaysaa.
Maalinta dambe ayaa Aabbihii qoyska ee caqaarta ku ruugayay Albaabbada kheyrku seegay, waa sida Abwaanku leeyahaye, ayaa muddo Toddobaad ah ka maqnaanaya gurigiisii. Isagu waxa dabadii guriga ka dhacay war uma hayoe, iyada oo loo fadhiyo Tacsidii inantiisii curad ee Ugaaso ayuu soo galayaa. Qaad ayuu kilaankillada ku haystaa, waxaana u daran meel uu fadhiisto iyo Shaah/Biyo.
Si ay intaas ugu fuliso Inantiisii curad ee Ugaaso, ayuu odhanayaa Ugaasooy Ugaasooy.
Ugaasada uu la hadlayaaba miyaanay dorraad dhiman oo inta kafan loo amaahday axan loo
yaboohin. Yaab! Halkaas ayay hooyadu dhawaaqeeda ka billaabeysaa.
Gebagebada Maansadana, waxa uu Abwaanku kaga warramayaa sida Odaygii iyo Waayeelkii
ummaddu u ab-guuray ee uu u noqday mid iimaankiisa xaraasha. Sidoo kale waxa uu si
weyn u naqdiyayaa Siyaasadda Awaalkan jirta oo u ku tilmaamayo mid aan Aabbo lahayn,
ku-daalkeeduna aanuu macno buuran samaynayn.
Iyada ayaa Maansadu is fasiraysa ee aan idiin kala baxo:
Uub baad ku jirtaa qarsoone, Ka soo baxa iilka Qaadka
Adduunka ragoow mar kaalay, Abuurtiyo heega daawo
Awoodaha saaran daawo, Falaadkiyo alabbadeeda
Ilaah samihiisa daawo, Udbaha iyo teedka daawo
Aloolka ku jeeran daawo, Hagoogta aslaysa daawo
Cadceedda ifaysa daawo, Ilwaadkiyo nuurka daawo
Abaabul-caddaanta daawo, Ummuuraha toosay daawo
Dayaxa ishin-buuxsankiisa, Aashaa socodkiisa daawo
Cir-jiidhiyo ololka daawo, Rugaa afo-gaalladiisa
Laxaa iyo ururka daawo, Aleelaha guudka daawo
Habeenka amuuman daawo, Shareerkiyo aqalladiisa
Haddana ashqaraarradiisa, Ardaayada gogosha taalla
Ammuuraha seexday daawo, Haddaanu arbeebigeedu
Ku barin abtirsiimadeeda, Inbiig ku dhex joogi maysid
Ugaas bokhran baad ahayde, Irdaha noloshaad ahayde
Ilayska dhulkaad ahayde, Ragoow indho-beelistaada
Asaayo maxaa ka beermay!
Halkaad ku lahayd astaanta, Maxaa umal soo fadhiistay
Maxaa gudcur soo af yeeshay, Naftaada markaad illowday
Bal soo tiri aafadaada, Wixii lumay aynabkaaga
Bal daawo inkaarahaaga!
Unuunka dhirtaad ka goysay, Aahdeeda bal soo dhegayso
Hashii iyo awrka geela, Abaaludda loo dareershay
Ureenkiyo tiinka daawo, Rasaasta alwaysa daawo
Oomaarkiyo dhiigga daawo, Areerinka meydka daawo
Islaan curadkeeda weyday, Asayda la saaray daawo
Habliyo ubixii dalkeenna, Markay Ingiriis u xiistay
Markii Inglan looga yeedhay, Wedkay ku aroortay daawo
Uneexada gabanka xoortay, Abaydinka dooxa yaalla
Abkiisa la sheegi waayay, Aboodigu boobay daawo
Addoonka addoonka maagay, Ku yidhi isku Aadan miihin
Gabooye agtiisa yaalla, Walaalnimadii ka ootay
Aayaadkiyo diinta qeexan, Sidaas kaga aayo beelay
Halkuu illin mooday daawo
Cirkii onkodkiyo hillaaca, Daruuraha alabaskooda
Cuslayn jiray alalagtiisa, Bal daawada uummigiisa
Dhulkii ubixiyo caleenta, Ugbaadkiyo doogga laaca
Ilwaadkiyo nuurka sheegtay, Awaaraha jiifa daawo
Basaastiyo oonka daawo, Geyiga umal-toobankiisa
Ayaayurantiisa daawo, Bal dhawr laba-eefiddaadu
Waxay af-dhabaandhab keentay!, Garaadka abloobay daawo
Adduunyadu baadi maaha, Mudkeediyo bulad ammaanka
Afkii cunay quusan waaye, Hadduu laba-aabudh saaray
Hadduu ugubkeeda leefay, Muxuu ka dhex joogi uuska.
Ugaasadu meeday? hee dhe, Dorraato miyaan la aasin
Miyaan kafan loo amaahan, Miyaan axan loo yaboohin
Markii araggaa la waayay, Miyaan jinku qaylo oogsan
Miyaan insigii gadoodin, Miyaan olloggeenu yaabin!
Ishaaro san kaama hayno, Shidaad naga oollin maysid
Ogaal nagu caymin maysid, Itaal nagu xoojin maysid
Qudhaanjo afuufi maysid, Dalool naga awdi maysid
Xashiish nala ururin maysid, Aqool nala seesi maysid
Aqoon nagu biirin maysid, Xilkaagana oofin maysid
Afkaagana dhawri maysid, Sidii gabadhii Ayaan e
Ayaan-Hooday dhahaan e, Abwaannimo sheegan maysid
Aroor qudha toosi maysid, Dhiggaagiyo aynigaaga
Adduunka la qaybsan maysid, Iskaaba xusuusan maysid
Wixii Rabbi kuu abuuray!
Intaydu ku deeqi mayso, Intaada ku biirin maysid
Hantida arladoo dhan taalla, Haddaad irbad nooga keento
Ducaa ku asqayn lahayde, Inkaar naga waayi maysid
Ufiyo bacad baan fadhiistay, Anfaaciga aad cunayso
Ilaaqda raggaan ku keenay, Waxaan u adkaystay maagis
Amaah iyo qaylo joogta, Uurkayga waxaan ku haysto
Afkayga ka sheegi maayo, Asluubtana qoomi maayo
Awaashiyo waayahayga, Ka daalaco oogadayda.
Haddaad na ilaalin weydo, Axsaanta ku laaban weydo
Abaal nagu yeelan maysid, Ammaan naga dhowri maysid
Anigu kugu faani maayo, Dharaar kugu aarsan maayo
Adiga kuu uunsan maayo, Agtaydana jiifi maysid
Haddaan beri kuu il-duufay, Haddeer ku abaysan maayo
Markay ajashaada gaadho, Cidina kuu ooyi mayso
Ilaahay ka dhuuman maysid, Jannada ku aroori maysid
Cadaabta ka oolli maysid, Godkaaguna waa aboor
Abeesiyo waa ciqaab.
Ragoow amarkaaga weyni, Haweenka uleeya maaha
Dhibtooda ku iida maaha, Ufaan uf qadhiidha maaha
Albaabbada kheyrku seegay, Caqaar ku aroosta maaha
Asaasaq ku gaadha maaha, Ku aakhiro-seega maaha.
Ragoow irdho qaadan maysid, Ugaadhsi ka seexan maysid
Abeerka badbaadin maysid, Ugeybkana dhaafi maysid
Haddaad cunto aayahaaga, Xulkooda haddaad abbaarto
Unuunka haddaad ka goyso, Areebo sidaad ka yeeli?
Sabeen inanteennu maaha, Adeeri ka sii mug weyne
Asoolka hablaa ka daaya!
Abaartiyo roobka dhoofay, In waalan, intiinna dhoohan
In qaawan, intii sawaaban, Dhammaan ifafaalayaasha
Ka muuqda adduunyadeenna, Ragoow ubadkaaga leexday
Islaamnimadii ka baydhay, Agoonnimadooda buuxda
Dhashiinna ku aabbo weyday, Asmay ku calool galeene
Ammaanada boodhka taalla, Ragoow ololaynta Jaadka
Haddaad kaga ood fogaatay, Maxaa arrin kuu dambeeya!
Ragoow ka adkoow xilkaaga, La saayira ooryihiinna
Irmaanta xaqeeda siiya, Ragoow ubadkaaga toosi
Wixii arrin kaa daboolan, Iimaanka ku baadi-doona
Afeefna ka yeesha xaajo, ilaashada baylahdiinna
Alhuumadu way fiddaaye, Haddaad ummad liil ka weydo
Hadday ahab yeelan weydo, Waayeelku hadduu ab-guuro
Hadduu odaygeedu waasho, Hadduu la anbado xilkiisa
Hadduu runta aamusiiyo, Hadduu kolba eed xanbaarto
Asuulkiyo xeerka soohan, Hadduu marba oof-daloosho
Hadduu laba-eef caddaysto, Iimaanka hadduu xaraasho
Hadduu wacadkiisa iibsho, Araadi hadduu ku doono
Ilaahay ka yaabi waayo, Hadduu kolba iin caddaysto
Hadduu umal saaqa yeesho, Sidii abris qooqan guuxo
Hadduu sida awr xunbeeyo, Hadduu abur xoor leh saydho
Hadduu ilko jiira yeesho, Hadduu noqdo aadun huursan
Abeesada meel la daaqo, Aqoonta qofkii ku dhaama
Hadduu asaraar ku beensho, Dhirtuba kala ayni weeye
Hadduu Garan-waa abuuro, Hadduu kala geeyo uunka
Hadduu marba qayb la ooyo, Hadduu marba iil banneeyo
Hadduu yahay uur-ka-gaal, Wanaagga ku aabi badan
Aleelo hadduu ku waasho, Islaan iyo foox karaarsan
Agtooda hadduu fadhiisto, Ijaabo ka baadi-doono
Ibliiska hadduu la showro, Hadduu marba ood ka boodo
Ishaaro xun baa qarsoon
Haddaanay astaan lahayn, Abbaar iyo nuxur lahayn
Aroor iyo raad lahayn, Ammaaniyo qawl lahayn
Asluub iyo dhaqan lahayn, Islaamnimo sheeganayn
Hadday wada eexo tahay, Hadday asaroorin tahay
Asaasiran lagu bursado, Hadday dabin aasan tahay
Shil iyo wada eeso tahay, Hadday wada aano tahay
Hadday agaraadam tahay, Addoonsigu diin u yahay
Hadday orgobaysan tahay, Iimaanku ka qooman yahay
Hadday Arraweelo tahay, Hadday abnawaasad tahay
Af-duub iyo beeno tahay, Axsaantu ka maydhan tahay
Hadday orgi iyo ri' tahay, Or iyo wada qaylo tahay
Hadday adhiyaysi tahay, Hadday adhax-tuujin tahay
Ilduuf iyo jeeble tahay, Hadday wada 'Aniga' tahay
Siyaasadi aabbe ma leh.
Ku daalka abaabulkeeda, Alooskiyo baanaheeda
Ujeeddo ka keeni maysid!!!
Maxamed Saleebaan
APTEN HARGEISA
|