Maansada: Diirnax - Bashiir Diraac
Tixdan "Diirnax" waa maanso ka hadlaysa  Soomaalida laga celinayo dalka Kenya. Waxay igu dhalatay curinteedu, ka dib markii aarkay qoraallo iyo sheekooyin nuxurkoodu ahaa, in ay sax iyo xaq tahay in Soomaalidu dalkoodu u laabtaan, oo waaba yaabee, maxay u diidayaan in dalkooda loo celsho? Dooddan, weydiintan iyo kuwa kalaba waxa soo bandhigaya ma ahan ajaanib iyo shisheeye, ee waa isla Soomaali, badankood ku nool Galbeedka (Waqooyiga Amerika "Kanada iyo Maraynkanka" iyo Qaaradda Yurub).  Waaba yaabe, siday ugu qanacsan yihiin in ay xaq tahay in Soomaalida dalkooda loogu celsho, iyagu maa u soo laabtaan dalka? Marka anoo dadka Kenya laga celshay u garaabaya, una diirnaxaya, ayaan kuwaa ku diganaya xasuusinaya iyaba inay dhibkan soo mareen. 
Tan kale, waxaan ku xusayaa halka shay ee looga cadgoosan karo ama looga aargoosan karo lagula dagaali karo Kenya, oo ah in QAADKA la joojiyo xitaa maalmo kooban, lagana dalbado in ciidankooda ay dalkeenna kala baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan. Maansadu waxay ku billaabatay:

Dal hadduu burburo oo, dagaal iyo belaayiyo
dirir iyo colaad iyo, dibindaabyo laga wado
dowlad li'i ahaadoo, ciidan diranna uu jirin
in dadkiisu qaxayaan, dibaddana u baxayaan
dayac iyo dhib marayaan, waa midan daliil iyo
U baahnayn duruus badan.

Sagaal kowdu dabataal (1991), digtii yeertay waagaa
dulligii ka daba maray, dulmigii kacaankee
u digtaytarkii falay, ayaa reebtey Duumada
dambaburadii waagii, ayaa keentey daqarrada.

Jabhadkii dayeysnaa, ee qabiilku soo direy 
daannadiyo dhibkiisii, dambiguu gelaayaa 
qabqablahu ka dooxmoo, daydayguna ka soo baxay.

Iyadoo dakaan iyo, dawakh lagu jiraa weli
dadku doorbideen qolo, dabcigoodu fiicnaa
diinta lagu aqoon jirey, wadaaddana la duubteen
ka dar Dibi dhal baa timid, daacuun ka guuroo
duf iyo diif ka sii qaad, intay dacar walaaqaan
dano gaara fuliyaan, qarax iyo daryaaniyo
duhurkii dad ololiyo, da' yar miino laga dhigey
darxumiyo dhibaatiyo, diihaal ma keeneen

dabinnana ma qooleen, daaraha intii haray
durbadii ma dumiyeen, ma dileen carruurtii
duqaydii ma laayeen, dumarkii ma baarteen
dowladaha deriska ah, dafka maw garaaceen
dabadeed ma yaaceen?.

Inkastoon dal leennahay, inkastoon dad weli nahay
duunyadana muuqiyo, dusha kaba qurxoon nahay
dahnigeenna hoosiyo, dunjigeennu waa bahal
daahuushka oo kale.

Innagays dileynnee, horta yaa inoo daran?
innagaa is duminnee, horta yaa na soo direy?.

Deelkiyo ujeeddada, dulucda aan u soo dego;

daad guraynta keenyee, raafkaa dadkeennii
duhurkii la gurayee, dalkii loogu soo celin
diyaaraduhu daabbuli, iyagoon digniin iyo
loo dirin afiisaba, waa midAN dadnimo iyo 
diiwaanka qoran iyo, AN ku ool dastuurrada
oon daris wanaag qabin, libaaxuba nin dagay iyo
kii daayey kala oge, waa la degiye Keenyaay
deynkeennu kugu maqan!

Anigoo danyarahoo (2), deeq badan lahayn oo
deris la ah saboolnimo, dedaal iyo ku jira tacab
dadka dega Tansaaniya, dowladdaa Itoobiya
dani ruuxay keentaba, weli diiday maan oran.

Markii laygu soo dumay, daafteey la soo degay
maa colaadin duulnee, dib u laabta maan oran
ha soo degina maan oran, diif iyo ma badin xumo
ma dagaalin ruuxnaba, mana docodocayn jirin
waataan dedaalkey, intaan karay la duubtee
daar iyo duggaal iyo, duunyaan isugu daray

gobannimadu duurkiyo, daleelaha ma taallee
sinji iyo dir waayee, dib u fiiri maalmaha
haku dagan ninkaan ahay, hays doorin Keenyaay!

Dabci xume Uhuuroow, inaad tahay Digtaatoor
dilaa qamarjiyoo daran, dadkiisii gumaadoo
dembi weyn ka gelayoo, HEEG laga dacweeyoo
eedo ay dul yaallaan, dunidaa ogsoonoo
diwaankaad ku qoran tahay.

Haddaan dowlad leennahay, ama aan dad jira nahay
ama daaqad leen nahay, maan diidno Kiiniya
dan inaan wadaagniyo, derisnimo dhammaanteen
inaynaan dalkoodiyo, tegin degelladoodaba
iyaguna na daayaan, degdeg nooga guuraan
inaan qaadku soo degin, diyaarado ka soo gelin
daqligaba in laga xiro, bal ninkay dantiis tahay.

Danaaniga Sujuugaba, waxaa iiga sii daran
doqonkaa Galbeedkiyo, dowladaha Yurub iyo
deggan dunida koowaad, deeq iyo daryeel iyo
daawiyo aqoonsiyo, helay degel qurxooniyo
deegaanno bilicliyo, dokumiinti lagu maro
dastuurkooda lagu dhaqo!

Dooddaydu waxay tahay, daaraha shisheeyiyo
aqallada duggaalka leh, diinnaar ma kaa galay?
doollar miyaad ku bixisaa, adi maa diyaarsaday?.

Deyn iyo dulsaar iyo, kumaad degin amaahoo
adoo diiftu kugu taal, gaajana la daalqaba
markii derimmo waaweyn, iyo dabaq laguu raray
dammanoow ma moogide, daltabyadi dorraad iyo
dalanbaabigaagii, dacdarradi ma moogide
kuwa aad ku diganee, oo daciifsanaysaa
waa doorki shalay aad, damac xume ku nooleyd!

Igu digan lahaydaa, ii darnaan lahaydaa
duruufaha adduunyadu, hadba waa doc gaaree
inay dunidu saan iyo, dariiqaan ku sii socon
miyaa maanka kaa degay?!

Ha degdegin wadaayoow, yey ku qaadin doqonnimo
ima dheerid duunyiyo, darajiyo aqoon iyo
dabci iyo wanaag iyo, dariskoo la dhawraa.

Qurbajooge dibad iyo, daafaha adduunyada
xiisiyo dareen iyo, u damqaaya maahiye
armaa layga daranyahon, dadka ugu dambeeyaa.

Galbeedkaad degteen baa, dib jirrada la duray iyo
daroogada ka dhuuqee, noloshiyo dadnimadii
waa hore ka degay bay, dib u soo celshaanoo
wax dardaranba keenaan!

Haygu digannin maantaye, ninba waa darkiisee
adigiyo dadnimadaa, adigiyo damiirkaa.

Dhammaad, 09/04/2014

(1) Waa 1991kii., (2) Waa Tanzaaniyaankii yimid Xamar, sidii wacnayd ee loo soo dhaweeyey.
_______________

Bashiir M. Xersi, brdiraac@hotmail.com