Sh Mustafa & aamaGabay (muxaadaro SoutAfrika)
 Ayyuhal ikhwa, midnimadu sharcigoo qura maaha waxa ina farayee, waa wax caqliga qummani uu keeno, xataa haddaan shareeco oollin in la midoobo caqliga saliimkaa baa tilmaamaya, sd buu Ilaahay SW Yuhuud buu Qur'aanka kaga warramay oo is haysata oo is khilaaftay oo kala tagsan, markaasaa Alla wuxuu ku cilleeyey, sababtu wuxuu Ilaahey yiri waa caqli-xumo, ilaahey wuxuu ku cilleeyey (LAA YUQAATILUUNAKUM JAMIICAN..), fulaynimo, oo Alle yiri: idin lama dirirayaan ilaa ay dhufayso galaan mooyee, iyaga laftoodu dad wada socda maahane, belada dhex taallaa way adagtahay, sababtuna WAA INAY YIHIIN DAD AAN CAQLI LAHAYN, xataa haddaynu Diinta ka tanaasulnay, kala tagsanidu waa Maanlaawe-nimo, sharciguna wuxuu sheegayaa inaynu midowno, caqliga saliimka ihina wuxuu sheegayaa inaynu midowno, SD, Ummadaha caqliga isticmaalay waa ummadaha u arkaya, xataa iyagoon Diin fiican haynin, inay midoobaan in dani ku jirto.

Taariikhda haddaynu dib u daraasayno Ummadihiihii Muslimiinta inta goor ee ay jabeen inta ugu badan waxaa sabab u ahayd khilaaf iyaga dhex yiil, Dawlal Cabbaasiyal kubraa way jabtay, caasimaddii muslimiintana waa la qabsadayba, niman Mangooliyan istadaar la yiraa baa qabsaday, lkn waxay ku qabsadeen markay muslimiintu kala biiq-biiqday ee Masarya xaggan Dawlal Faadimiya goosatay iyo Mammaalik & wax kale goosteen, Shaam Duwal yaryaroo kale ka dhismeen, ee Khawaarsa xaggan dawlado kaloo yaryari goosteen, ee dawladdii Islaamiga ahayd in yaroo magac uun ahi ay soo hartay, ee caasimadda inta loogu yiraahdo la yiraahdo is dhiib Madaxweynihii dhammaa ama khilaafadii dhammayde muslimiinta, waa ku nabad gelinaynaaye is dhiib, ee isaga & carruurtiisii & wasiirradiisiiya wixiiyoo dhami oo soconaya ay is dhiibeen, dabeetana inta la qabtaa birta la mariyey, magaalada wixii degganaana waa la laayey, dhowr milyan oo qof baa madaxa laga jaray Baqdaadda maanta Maraykan uu ka dhex qoslayo, horaa dhawr milyan oo muslimiina inta la qabsaday Madaxa looga gooyey, maxaa ku dhacay, kala qayb-qaybsi.

maxaa ka soo saaray muslimiintii Andalu ka talinaysey, Andalus waa Isbayn & Boortaqiiska & Faransiiska qaybtiisa hoose iyo dhulkanoo dhan 805 sannadood baa muslimiintu ka talinayeen, yacni 805 sannadood baa muslim meesha degganaa, maantana waxba kama deggana, waa laga soo eryeday, sidee looga soo saaray iyagoo xooggaa lahaa, dawlad yar yar yar yar, oo weliba buuraha yar yare xeebta baasifka ku dhegsan dawlad yaroo ka jirtey, Liyon iyo agagaarkeeda dawlad yaroo ka jirtey ayaa soo saartay, siday u dhacday, waxay ku dhacday, muslimiinta un baa is khilaafay, midba kan kale un buu boqonta gooyey, gaalkan un baa midba yiri, qolo heblaayo waannu is haynaaye igula duul, gaalkuna wuxuu yiri waan kugula duulayaa, kolba gaal & muslim wada socda un baa mid ku duula oo madaxa jebiya, dabeetana qolo kaluu kolba u tagaa, qolana wuxuu yiraahdaa idinku lacag iska bixiya, Jizyo, boqor baa loo yimaadaayoo wuxuu yiraahdaa, anigu lacag baan ku siinayaaye aniga i dhaafoo qoladan kalee iga dambaysa ayaannu col nahee iyaga weerarka ku qaad, kanaa iska maslaxoo lacag siiyoo kan dambaa la weeraraa, mid baa yiraahda qolo heblaayaan is haynaayoo waxaan rabaa inaan ku duulee qalcadaha waqooyiga oo dhanoo muslimku leeyahay adigu qaado adaan ku siiyee, lkn askar igu dar aan qoladan kale qabsadoo iyaga ka qaadee boqorkan yaraan ilmo adeerka nahay, waa lagu daraayoo meeshay ka qaadaan, xad bay gaareen ibnu xazam uu yiraahdo Khizyigii soo maray meesha tan waxaa ka mid ahaa 120km in ku dhow 3 maalmood in loo socdo, waa around 120km oo 4 amiirul Mu'miniin looga khudbeeyo, nin waliba intuu tuulo meegaartay uu yiri Mu'minkoo dhan baan amiir u ahay dawlad weyn oo muslimiintoo ka talisa, hadde waa 2 tuulo waxa uu haystaa, intuu 2 tuulo meegaaray ayuu magac amiirul mu'miniin la baxay oo lacag samaystay oo calan samaystay, oo ishaaro samaystay, oo siirar samaystay, maalinba sidii mid loo cunayey baa dhammaantood laga takhallusay, mid ku haray ma jiro, baaqigoodii ugu dambeeyey, midkii ugu dambeeyey markii meesha laga saarayey isagoo ooyayuu ka soo baxay markaasay hooyadii ku tiri haddaad sidii ragga u ilaalin kari weysay, boqortooyo kaa baxday sida dumarka ha ugu ooy, isagoo ooyayuu furaha dhiibay hishiis yaroo lala galay dabeetana wuu ka soo baxay, muslimkii meesha ku haray maxaakimu taftiish wax la yiraahdaa la saaroo waxa la kala dooransiiyey 3 shay, inaad kirishtan qaadanayso oo lagu daayo, inaad waddanka ka baxaysood qaxaysood qaxooti noqonaysidod naga tegaysid & in lagu dilo mid dooro, 3 daa un baa xeer looga dhigay kii ay doortaan, wixii islaamka ku soo haray waa la gawracay, wixii aqbalay inay qaxaan North afrikiyaa xaggaa loo soo saaray, way soo carareen, wixii aqbalay inay kirishtaamoobaan oo iskala noolaadaanna way kirishtaamoobeen, sidaasuu arrinkoodii ku dhammaaday.

meeshay 805 sannadood ka talinayeen maanta waxba kama aha, waxan uga jeedaa, muslim waxaa dib loo gumaystay, markey qoloba qoladii ku xigtay iska rawday, markuu colka ugu weyni un uu noqday walaalki oo muslim ah.

waxaynu u baahannahay ikhwatii fil caqiiddah, inaynu fekerno oo walaalkaayoo gaal dilayo aanad farxin, waa min sifaatil munaafiqiin, Ilaahey qur'aanka wuxuu ku leeyahay: IN TAMSASKUM XASANTUN TASU'HUM--, haddii wanaag idin helo munaafiqiintu way ka naxaan, haddii gaaladu idin jebisoo balaayo idinku dhacdana way farxaan, waa min calaamaati nifaaq, walaalkaayoo muslim aho la tumay inaad adna faraxdaa, wax lagu farxo maaha, muslimka idinka fog wax badan inaydnaan ka qaban karin baa laga yaabaa, lkn waxan caqli ahayn, capetown idinkoo jooga, oo qaxooti ah, oo minority group ah, oo aan waxba ku haysanin inad halkan beelo iyo reero iyo wadaad-wadaad yar iyo kooxo yaryar iyo wax u kala degtaan baa ceeba, idinka midnimadaan idinka rabaa waxa weeyaan inaad dad muslim ah oo identity gooda wada ilaashada noqotaan, muslim baa tihiin, mar 2aadna soomaalaad tihiin oo dhaqan iyo af gaara baad leedihiin, muslimka kale waxad isaga sokaysaan baa jira.

waxan ku soo koobayaa, cilmi cusube aydnaan garanayn maanan sheegin, intiinna qur'aanka aqridaa nusuustii aad weligii aqrin jirteen un baan aqrinayey, intiinna wax dhegeysataana warkii aad dhegeysan jirteen un baan aqrinayey, lkn waxa an rabaa, bal inaad dib u fekertaan, QUL INNI ACIDUKUM BIWAAXIDA---, Nabi Muxammad swc un baa la lahaa waxaad ku tiraa, war hal mid un baan idinku waaninanayaa, mathnaa & furaadaba isu taagoo, keli keli bal intaad u tagtaan fekera baa Ilaahay ku yiri, intaasaan idinku waaninayaa buu nabi muxammad yiri csw, anna intii in le-eg un baan idinku waaninayaa, nolosha tan qayb-qaybta ah waxba kuma hayno, reer liibaanay miyaad garanaysaan intaannu is dilaynay, yaa garanaya reer liibaanay, ma jiro, reer hebel kastaa markay guulaysteen, wuxun bay sheeganayeen reer hebel baannu dad badan ka laynay annagana in yar baa naga dhimatay, waa intaa uun guushii la sheegayey, reer kaloo maanta wax haystaa ma jiraan, reer walibaa waa baaba'ay.

aynu dib u fekeno oo islaamnimadeennaa ina midaynaysee, uma baahnin caqli kale oo badan & talo badan, islaamnimadeennaa ina midaynaysee aan islaamnimadeenna qaadanno. 

Wallaahi aclam, wa billaahi tawfiiq.



---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk