Ishi baa ku daaweyn 23-10-2005
Somalaay deriskiyo, ha dulminin jaarkee,
dhanka nabadda dooroo, diintaadu sheegee.

Jigjigtiyo danaanadan, Kitaab laga deyaa jiri,
waa wixii ku soo diley,

Itoobiya dagaalkeed, ama degelladeedaa,
may ahan dantaadoo, maatidaada daadsane,
kula nool daryeel baa, Dareemada ka sii badan.

Beri baan dagaagoo, xanuun ani i daashaday,
Addiis ugu dabayshaday,

Dad baa waxay yiraahdeen, Tuugadu dabayshey,
wadaagaan dabcigoo, waa lugu dafaayaa,

shandaddaan diyaarsaday, dhehe daa middaas iyo,
dacaskiyo surweelkaa, lagaa diiranaayaa,

-------
----

illeen been dalooshiyo, dulli bay abuurtaa,
waxan degelladii tegey, anoo Daabka weyn iyo,
usha aan la duubnahay, ruuxii i daawada,
duullaan i moodayo.

balse dihadihayn iyo, derinteydi baan tegey,
dabci soo dhaweyn iyo, ishi baa ku daaweyn.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk