Waa in uun la soo taaganaha waawareyda haya,25-06-2018
in la falo la soo taaganahan, aaya kale haynin,
WAA IN uun la soo qaylyayoo, waa wareyda haya,
waxna aan kordheyn waana oon, wiriqna daaweynin, warafna tuuraynin
waa wedkeeda Soomaaliyada, maanta walashlayne,
walbahaarka joogtaa ku dhigay, iyo walaahoowe,
oo Nolosha weydaariyoo, Waaxyihii tiraye,
Waaxidow ka gaar adi un baa, kari wareynteede,

Waa in uun la soo taaganaan, Wax un kordheyn goorna,
waa in uun la yeelaahi tahay, wixi u sheegaaba,
weligiisna aan raacinayn, qaabka loo wedayo,
ama cidda wedeysee sameyn, waxanu sheegaayo,

la wad  goorti ad maagta eed, wax u tilmaamayso,
warba muu hayoo waa midaan, joogin waayahanba,
 
waa mid waalay soomaalidoo, dhigay wareerkaane,
war an waxba tareyn waa beryey, nugu wareersheene,
waaxidow wax miyir qaba na sii, dhimannay waagaane,  ---

ha la dhaho qoraa weeye buu, baray warkiisiiye,
ha la dhaho qoraa weeye baa, walashta haayaane,
warqaddaad rogtaaBAA haddey, eber walaashaaydo,
warqaddaad tiraa aqri haddey, eber walaashaaydo,
waa wax falan waxaan yaacayaa, oo website ya lehe,
waa waalid caasi un waxaa, nugu wareegaahe,
waa waalid caasigi waxay, inagu waaleene,

mid dhifeen wax saamayn leh jirin, wararka uu keeno,
oo kuwii wareyn lahaa warkaa, dhimirki waayeelay,
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk