ila Orod Yarayd (Qoray is maris) 06-06-2005
Maansadan ILA OROD YARAYD ama Qoray is maris oo timid 06-06-2005, waxay ku timid sheeko baraley ay soomaalidu tiraahdo waxa jiri jirey meel looga cabsaday oo lala degi kari waayey Qoray is maris, kaasoo maalintii ah dad, habeenkiina intuu qoray dabada isaga dhifto waraabe noqda,

markaa waxay yiraahdeen oday baa maalin berrin soo degey, bahalkii oo dad ah baa u yimid oo ku yiri, ninyohow berrinkan isaga guur, oo maxaa dhacay buu ku yiri, bahalkiina yiri meeshu bahal xun bay leedahay oo dad iyo duunyo dhammeeyey, odaygiina intuu ku xanaaqay buu ku yiri waar soco bahal xun anigu uga guuri mayo naqaan iyo barwaaqadan iska taale, 

bahalkiina waa yahay intuu yiri buu habeenkii dhawr wiil midba mar kala tegey, odaygiina hadba intuu ka daba ordo buu gaari waayaa, kolkaas buu isaga oo ooyaya ka soo laabtaa, subaxdii buu u yimid oo ku yiri war adeer xalay ma barideen? odaygiina isagoo ooyaya yiri: war ilmihii buu xalay bahal iga dhammeeyey, qoray is mariskiina intuu qoslay buu yiri: adeerow shalay waad ila talo xumayd, xalayna waad ila orod yareyd, haatanna waad ila aqoon yartahay, oo anigii ilmaha kaa dhammeeyey baad inaad dhoohantahay ii cabanaysaaye. 

Haddaba waxan qisadan uga jeedey soomaalida aan halaaggii soo maraba wax ku qaadan ee markii ay yara nafistaba halkii ay ilaahey uga tawbad keeni lahayd horay ka kibraysa, waxayna ahayd maansadu:-

Ayaan baa nin guuroo, diga rogasho awgeed,
u hayaamay meel dheer, oo reerki uu wadey,
waxa uu ku soo furay, Berrin uu Dugaaggii,
ka eryadey dadkii iyo, duunyadii asqawdiyo,
Abaar kuwo ka soo qaxay!
 
Markii Odaygi uu furay, arrumiyeyna Awrkii,
buu u yimid Nin dheer oo, qoray is maris ahaa oo,
is beddela habeenkii, kuna yiri waryaa hee,
Berrinkaan isaga guur,
 
Wuxuu yiri asbaabee, waxad ii eryeysoo,
Uduggiyo nimcadan taal, iyo Ubaxan fiidda leh,
Afka iiga qabanee,
 
Wuxuu yiri Adaahiyo, waxa jira aguugaa,
Habeenkii ugaarsada.
 
odaygiina wuxuu yiri, kol haddiiba aan imid,
kama iilanaayee, orod oo isaga soco!
 
Ha yeeshee ismariskii, waa tahay intuu yiri,
oo u yimid saqdii dhexe, buu Inan la booduu,
la abbaaray Hawdkii.
 
Ninka inanka dhalaybaa, intuu jiif ka soo kacay,
orod yiri ku soo qabo, hayeeshee awaaruhu,
uga tegey dhurwaagii, odaygiiyo ooyaya,
oo sii inkaartami, baa aaday gurigii,
 
Ma hakane is mariskii, afartii habeennimu,
Inan kale la boodoo, intuu jiiray ooddii,
Afka saaray hawdkii, odaygiina Siigiyo,
uga tegey Awaaraha.
 
Si kastaba is mariskii, aroortii intuu yimid,
buu yiri Adeerow, Xalay seed ahaydeen ?
 
Odaygiina wuxuu yiri, isagoo ilmaynaya,
Bahal bay idleeyoo, ilmihii aruursaday, 
 
Wuxuu yiri is mariskii, Adeer heedhe Moogow,
Shalay baad is araggii, ila Talo xumaydoo,
xalaytona awaarihi, ila Orod yaraydoo,
immikana aqoontiyo, araggaa ku xiran weli.
 
An u dego xiskeenniyo, afka aan garaynee,
Soomaali Eraley, ayaantii ad Shuuciga,
wada daba aguugteen, yaad xarafka Eebbiyo,
Diintaa Islaamkaa, iska wada illowdeen,
 
Dabadeed Aroortaad, Shuuciga eryeydeen,
Aaladdiyo Hubkiinnii, waad kala irdhayseen,
waxanaad la aaddeen, Ubadkiya Agoontii,
 
Welibana ayaanlaay, in la dilo kuwii ay,
anfinaysey Diintoo, diidayey Aslaynkaad,
Oofaha ka dooxdeen,
 
Dabadeed Ilaah oo, isku kiin cadaabaa,
Aabigaad geleyseen, uu qaarna saamaxay,
buu idin waraabiyey,
 
Maantadan an joognana, dhegahaydin awdmoo,
indhahaa cammoolaa, waayoo ayaantaad,
Aabiga samayseen, eed Qabiilka awgiis,
Anigaa Awoodda leh, awowgayna fiicnaa,
ummaddii ku layseen, marrastii idlayseen,
waxna aad ku helinood, qaxootiga ahaateen, 
 
Ha yeeshee Abaartiyo, Ummul dooxu weligii,
Uunka wuu jiraayee, Amakaag wuxuu yahay,
Halaaggiyo Inkaartii, Aafadi la soo maray,
sidii Duul an jooginoo, Imaaraadka jirey baad,
u aqdaamanaysaan.
 
Bal an soo agloolee, sow inaad Tawaabow,
Towba aad tiraahdaan, albaabkiinnu maahayn?
 
Waxaad uun ogaataan, Meel iiga xirataan,
in Ilaahu kii yahay, Dhulku uu Dhulkii yahay,
idinkuna ilaa aad, Aafada dhacaysiyo,
Aabiga hortiisii, sidii aad ahaydeen,
inta aad ahaataan, welibana Ilaahow,
aad wadaa tiraahdaan,  ha suginnina in Roob da'o,
Beerna aad abuurtiin, oo Ubax ku soo baxay,
uu Barako faalalo, siduu beri ahaan jirey.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk