I xusuuso goortuu nin xumi, 06-09-2018
Maansadan I xusuuso, oo waqti fog soo baxday lkn aan qoray 06-09-2018, waxay ku saabsantahay wiil & gabar ilmo adeer ah oo aad isu jeclaa, oo intay gabadhii heshay mid wiilka ka dhaqaalo badan, ay ballantii adkayd uga baxday, wiilkiina uu ciil la hurdi waayey, markaa buu leeyahay, nabsi ma baaqdee mar kastoo nabsigaygu ku helaba i soo xusuuso, waana tan:

I xusuuso Awr aan caqliga, iniqna loo reebin,
goortuu Araxda kugu dhiftee, kugu awaareeyo,
anigoo samaan kugu wadood, raalli ka ahaatay,
haddaad eber ka soo qaadday iyo, inan ku eebeeyey,
Caqligiisu midu eber yahee, lana arooraayo,
i xusuuso goortaad amiir, Boqora aad mooddo,

anigoo adduun kugu tuboo, Dahab abuuraaya,
haddaad eber ka soo qaadday iyo, Gegi abbaartowday,
i xusuuso goortaad bakhayl, guri u xaaqdaaba,
i xusuuso nacas xumi markuu, ------


abbabbaynta xumbaduu (aburtuu) qubaa, oommo ku maslayso,
i xusuuso amminkuu nin xumi, aafo kugu reebo,
i xusuuso goortuu ilmada, kaaga ubureeyo,
i xusuuso goortuu ilmada, kaaga qubo Aano,
i xusuuso urug weyn markuu, oofta kuu geliyo,

i xusuuso ciil iyo markaad, murug la oydaaba,

i xusuuso aahdiyo markaad, taaha oloshaaba,
i xusuuso aaniya intaad, eel ku hoyanayso,

arrinkoo xumaadoo rajada, amala aad weyso,
i xusuuso goortaad furriin, iiba gadanayso,

anoo dhawri ehelnimo xaq iyo, diidday uur samiye,
aag shishe ayaantaad gashiyo, goobta aalkolada,
i xusuuso goortuu ilkaha, dhabal u soo daadsho, 

i xusuuso ayaantuu Qorqode, iimo kugu reebo.
===================
Anigoo xigaaloo gacalo, kugu abuuraaya,
oon weli xarraamoon baryada, kugu ekeynaayo,
kuuna xula intii taad rabtiyo, Xibinta loo aayo,   aad dooni
Xusulkaad gadaal iigu ridi, Xaasidnimo awgi, 
i xusuuso goortuu nin xumi, illinta kaa daadsho, keeno,
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk