FoorBoyntFayf 13-02-2013
maansadu way kala googo'antahaye hoos sii eg...

Foor Boynti Fayf Faalso &, waa fal kibireede,
Kutubtii Samaawige Farsamo, looga kala faagtay,
ee Faseexad loo wada qiree, Foorar lagu qaato,
is xaqiriddu Naar bay fatihi, sheege Faralkeede,

kaba gudub Xaqiiqada falkeed, Faxane tiisaaye,
Samankii Fircoon iyo Namruud, Faasiq wixi joogey,
Fooxisiyo Quraafaadle iyo, Faaliyoo idilba,
Ruux kala baroo weli fayow, Nolol ku faytaama, 
Bashar haafa Fayl kuma qorroo, mana ka faalloone,
Baabkaasi lama furin hortiin, Faalsiyo Xaqiiqe,

wixii Duul ferdane dunida jirey, Faasuqnimo sheegtay,

waa hadalki Faataadhugliyo, midan fayoobayne,
waa Fashiiste Eraygiisi iyo, kuwo fallaagaahe,

Adiguba in lagu faansho baad, Fawdow ka heshaaye,
Farxaddiyo Ammaantaad rabtaa, iyo Fayoobaane,
ha xaqirin Facaagoo Xisdigu, waa Fal Cadaweede,  
in Alliyo intii fulisay iyo, kani u footeeyey, 
Tawbad keena Foolxumo dhigtiyo, Faaxishnimo weyne,
oo Fattaax u laabtoo haddeer, qira falaadkiinni.

Shaqsi Bar ah Faceen maannu maqal, Falalka taariikhe,
Qof hortaada fadhiyoo Cilmiga, kaaga Fara-dhuubaan,
oo haddii la feertamo Laf iyo, Feer ku jebinaaya,
inad Booynti faayf u aragtoo, buuxin Fadhigiisu,   -------------
oo kaana Fadli liito oo, Fallar dhan uu joogin,
waa Waalli fagaxseysa iyo, Foolxumana weyne,  

in Alliyo intii fulisay iyo, kani u footeeyey,
Tawbad keena Foolxumo dhigtiyo, Faaxishnimo weyne,
oo Fattaax u laabtoo haddeer, qira falaadkiinni.

----------------------------------------

Fal shaydaanku inoo faaliyiyo, waa Fulaanfulide,
waa Wax nalagu falay iyo faceen, Uubu noo fagaye,
waa Fasaadka Diinteenna iyo, Faajirnimo weyne,
waa Fattaax wuxu nooga digay, Furun ibliiseede,
waa wax ka fog Fayoobiyo Caqliga, Dunida foomkeede,

wax iskuma falaa keenay iyo, Faralki ruux diiday,  --------- diidaaye
waa wax Duul inoo faaliyoo, nuguna faytaamay,   ----------
waa Dabcigii Fallaagiyo Midnimo, Foorno gelinteede, 
Fuxshi weeye Ceeb aan yarayn, lagana faanaaye, 
waa Fal laga xishoodoo Dadow, lagana fiigaaye,   

in Alliyo intii fulisay iyo, kani u footeeyey,
Tawbad keena Foolxumo dhigtiyo, Faaxishnimo weyne,
oo Fattaax u laabtoo haddeer, qira falaadkiinni,

waa Furunti kala qaybintiyo, kala fogeynteene,
waa inaynu kala fiigno oon, kala fagaarayno,
waa Fawdo Qalalaase iyo, Fool xumada teene,
kala fiiji weeyoo ka yeel, isuma faayaane,

Far haddaad Gardarro ugu jartood, Faaska ugu goyso, -----------
Qiimo li'i Fartaadaa noqee, Faranna joogayne,
in la jaro Fartaadood middii, Furata aad keento,
haddii kale Malyuun Farana baad, Fawdow bixineeye,
mar haddaad Facaagii yastood, Boynti faayf tirina,
adigays Facaystoo Filkaa, hoos fariisataye,
(AL JAZAA)   Falkaagaa Falkiisay Jizadu, Fawdow noqotaaye,

Abaal marinta foogtaahi waa, Ficilka noociise,
inad Boynti faay noqoto baa, Faralku sheegaaye,
haddii kale falkaagii qiroo, Foolxumada qaado,  -----------   
Fardigiyo Jamaacadi shirtee, Boynti faayf curisay,
Furcaddidi u qira oo haddeer, Faylki wada awda,
oo inaad fashilanteen qoroo, qira falaadkiinni,   geliya Faylkeedi
in Alliyo intii fulisay iyo, kani u footeeyey,
Tawbad keena Foolxumo dhigtiyo, Faaxishnimo weyne,
oo Fattaax u laabtoo haddeer, qira falaadkiinni.

Haddii aad Fagaaraha tagtee, Xoogga lagu faano,
Ruux adiga kaa Feero weyn, Fadalna dheereeya,
oo Fartaasi kugu qaadi kara, Xoogga farahiisa,
bal Faduulu haba joogto iyo, inad u faantaaye,
Foolkiisa aad tegi kareyn, geli kareyn Foodda,
Faylkiisa inad soo gashaad, kuba fayoobayne,    
in Alliyo intii fulisay iyo, kani u footeeyey,
Tawbad keena Foolxumo dhigtiyo, Faaxishnimo weyne,
oo Fattaax u laabtoo haddeer, qira falaadkiinni.

Fardigiyo Jamaacadi shirtee, Boynti faayf curiday,
Wixii idinka soo fulay markuu, Foodku soconaayey,
Caqligaydin fooraray markaad, Foomka tebiseene,
wixii aad ka feyddeen Dabool, Weriye faafaayey,
fajacyoo Adduunkii falkaad, qiratay fawdoowe,   -------------
Foomkaad saxiixdeen ayaa, keenay filan waaye,
Miyirkiinni wixi foofiyaa, keenay Filan waaye,
Ficilkaad dhigteen baa Dunidi, farajacaysaaye,    
in Alliyo intii fulisay iyo, kani u footeeyey,
Tawbad keena Foolxumo dhigtiyo, Faaxishnimo weyne,
oo Fattaax u laabtoo haddeer, qira falaadkiinni.

wax fajiciyo Qayb qososhay ee, dunidi faafaysey,
iyo Duul xanaaqoo Furkiyo, Furarka tuuraayey, ---------
oo Dhiiggi faaxoo Harkii, fuuray baa jira e,

-------------------------------------------------

Furka tuure wixii uu Dareen, Faaruqa ahayne,
Idaacaduhu faafaaye oo, Faakisyadu sheege,    -------------

waadigaygu soo fooggan oo, Faayda ka qoslaahe,
Ficilkaad samaysiyo haddaad, garan lahayd Foomka,
Wejigaagan soo fiiqan waad, qarin lahayd Fawdo,
Far-kanaxana waad carari lahayd, Ceebta faraheede,

sidee baad Walaal Foolki aad, Fiiqid ula doontay,

Walaaluhu fogeeyee midkani, Boynti faayf yirina,
Faruuryihi yiraahdeen un bay, Naaru feenaniye,   ------
Faruuryana ma dhaaftiyo Ciddii, fulisay Eeddaase, ----

-----------------------------------------------
waa Belo naloo furay haddiyo, Irid Fallaagaade,
furdaanshoo furfura oo haddeer, Fadalki beeneeya,
goortii Fagaarihi la tago, Fool ka Fool keliya,

uga qaate Faalsoona dhehe, Been Fitno ah weeye,  ??????
Istaaggaad ka faniini layd, Fadalka maantaase,
Ruux Fawda wada muu beddelo, Foomka aad tahaye,

Soomaali fiicano caqligu, fuulay Guradiisa,
wuxuu yiri Falkii caay ah ee, dhaho Faruurweyne,
Meel daloosha kaamuu fartoo, kaama galo Feere,
kasoo qaad Fal aan laba samayn, weli Falaadkiisa,

Falkii Belo ninkiisuu fagaa, Faadir baa yiriye,
haddaaney Falkaa Tawba dhihin, kala Fireyn keenin,
ee ay Firaarkiyo sugtaan, Daamma Furunteedi,
Faruuryihii yiraahdeen un bay, Naaru faganeehe,
intii ila fikirahoo aniga, igula faylaysa, -------------
iyo Qoomka la faduuliyoo, luguse Fuuntoobay,  ------------------
Xaal ka qaata Faalsada dhacdiyo, qaladka fuuntoobay,  ----------

Anigoon fagaynoo Samada, Baarkaw firanaaya,  ???
haddii aan falaayoon Cirkiyo, Hoostaba u fiirshey,
Sababaha laydiin foociyoo, idin faduulaaya,  

inkastoonan tani iyo Fircoon, joogin Filalkeedi,
haddaanse Filkaygii dayiyo, Faca Da'deydaaya,
Soomaali Ficilladan arkiyo, Falal xumaanteeda,
Fir Soomaali Ruux aan ahayn, ee ani i Feeray,
Soomaali kale baa Falkaas, ferey Asaaskiisa, 

--------------------
---------------------
------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk