GOCASHO - By: Caasha-luul Maxamuud Yuusuf. |
Waxa aan dhowaan mareegaha internet-ka qaarkood ku soo daabacay Gabaygan ka hadalaya arrimaha qoyska, gaar ahaan dhibta ay hooyadu qabto oo ay mas'uuliyaddiina dusha ka fuushay. Mas'uuliyaddaas oo ah tii aabbaha, waxa runtii la odhan karaa way dhego barjayasay hooyada Soomaliyeed ee ku nool qurbaha markii ragga intiisii badnayd xilkaas gabeen. Gabaygu waxa uu lahaa: Nimaankaa naftoodii gabee, wada galiilyeysan nimankaa naftoodii gubee, wada gawaamaaya nimankan garsooriyo lahayn, garasho waayeelba, ganboor iyo sun bay daaqayaan, geed Ilaah nacaye gawaan iyo waxay yuururaan, gegi habaas weyne goolaaftankaa kaaga daran, Geesiyo is-moodka. Galladi waata eebbee markuu, gabay masuulkiiba gabadhiyo carruurtiyo markuu, gooyey ehelkiiba ee uu gasiinkii ka jaray, guri xannaankiiba ee gacalo waa hooyo ee, gubatey tiiraanyo, labadeeda geesood markuu, gaalku kala jiitey giddigii habeenkii waxay, gawdh la ledi weydey, gurmad iyo markii aanay hayn, aabbe garab taagan ee iniba gees aaddey ee, talo ku gawdhiidhey gabbal dhaciyo Waagii beryaba, gocasho ooyayso inta ay gacmaha hoorsatay, Guulle baridaaye. Iskuullada markay geyso bay, gur u dhaqaaqdaaye guntigay u xidhataa illayn, hawshi wuu gabaye gasiin iyo waxay raadisaa, shoopping-kii go'aye gaadhi bay ka soo buuxisaa, gurigi keentaye. Iyadoo harraad gawracano, gaajo socon weydey ayey dheri gangaantaa haddana, gaar u karisaaye galabnimo markay gaadho ee, wakhtigu soo gaabto gucla-orod ma deysee haddana, ubadkii goobtaaye sida goodirkiyo cawsha bay, gooni socotaaye goor dambe ayuun bay baxaan, gabannadii qaare sida Galawga iyo Fiinta oo, uu Gud-gude haysto inta uu nafluhu gama'san yahay, gaadh ayey tahaye gaaf-wareeg ayuu ugu beryaa, Waagu galacdiiye. Waxba gabaygu yuu ila gudbine, waxan ku soo gaabshey hooyada guhaaddaa qabteen, laga garaabaynin hooyada raggeedii gabaye, geba-gebaw taagan guullow ilaahow adaa, garan wax meel yaale adigaa gartaa goynayooy, gooni kuu tahaye adigaa garsoor taama iyo, gaadh-hayaw diriye mar haddaanan gumuc iyo rasaas, kugu garaacaynin ama geed qudhaanjo leh tolkaa, kugu gig siinaynin waa noo godkii Aakhiriyo, Golihii Weynaa dheh!!!! Haddaba waxaa gabaygan faallo ka soo bixiyey dad badan oo Soomaaliyeed oo rag iyo dumarba leh, qaarkoodna fekerkooda ay ku cabbireenba tixo Gabay ah, sida inanta FAADUMO CABDI oo soo dirtay tixdan hoos ku xusan, isla markaana igu dhalisay aniga laftaydu inaan tix kale curiyo. Ugu horrayn waatan tixdii FADUMO soo dirtay: Galiilyoodey Luuleey markaan, eegay Gabaygaaga gocashiyo xanuun igu fog buu, saaray gacantayda gu' onkodey sidiisaan ilmada, gabax ka soo siiyey talo igu gadooddoon la'aa, gees an ka abbaaro oo gaar haweenkaw ah buu, sheegay gabaygaagu waa niman garaad daran waxay, nagu golyaayaane garkeen kaga hagaagnaa walaal, goosmay weeyaane? waatan anna tixdii aan ta Faadumo kaga jawaabey: Waxa gabayga iga keenay ee, laabtu iga giigtay ee gubey naftey Faadumooy, gama'na ii diidey geyigaan ku nool nahay markaan, gebi ahaan eegay giddigoodba Aadame dhammaan, gaaliyo Islaamba guryahooda waa wada dhaqdaan, gaban carruureede soomaali waxa gaar ka dhigay, way i geli weydey. Giddi hooyo Soomaali waa, wada-go'doonkaase gebi baa ku soo dumey dhammaan, guud-haldhaaleeye guri lagu negaadiyo markay, weydey gacaltooyo uu gabay masuulkii Ilaah, gaarka ugu yeelay ee gegi habaasliyo ku furay, guri abaar weyna gabaahiirta hooyada fadhida, goonina u taagan ee gaalku jaarka u yaheen, laysu gelahaynin een gacalna soo booqanayn, garabna eegaynin gogol lagu caweeyiyo arkayn, gaaf la wada joogo ee guri dhexdii yuururtee, geesna qabanaynin gayax iyo walaal aan lahayn, gacalo soo eegta ee kii gargaarkaw ahaa, ganafka taagaayo soomaali waxa gaar ka dhigay, waa i geli weydey. Yeelaha waxaw gooyay ee, Gudin aflaw diidey oo geeddi loo sahan tagiyo, guri naqle u waayey ee gogoshii lagu seexan jirey, gocondho kaga daadshey good iyo abees waxa ka dhigay, waanan garanayne gafaniyo maxaa kugu salliday, Shilin-gabaarreyda? galoof iyo maxaa kaaga dhigay, Geela wada Gaane? gaawaha inaad soo cushiyo, gabanno haaneeda gobaadeey halaad maasho iyo, godolka kuu diidey ee Somaali gurigeed ka dhigay, gelin waxaan dhaamin? Waxa nala gudboon Fadumooy, gebi-ahaanteenba talo loo gudboonyaho dhammaan, laysku garab siiyo, waa inan gartaa aan furnaa, golena geynaaye gar-yaqaannadii hadalka iyo, Guurti aragtaaye oo lagu gorfeeyaa intooy, guulo dhalisaaye!!!!!!! Caasha-luul Maxamuud Yuusuf. E-mail: caisha123@hotmail.com ref ---------------------------------------- |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.