Aamino Muusaay (Aamino Asluuboy) - 27-10-2012

Aamino muusaay, aamino asluuboy
asaygaba aadkiis, ooriduu alle bado
nin qurey u qaaddee !
 
balse ina muusaay, weli inan lama arag
aqoontiyo ogaalkey, adi kaa horreysoo
ummad idil hengeshiyo, asaygeed xirataye
 
aaminaay asluuboy, inantii rikoorkaas
awalkiisi jebisaay !
 
hooyadey aamino, ina axmad maxamuud
aamino edbanna , awowgey oran jirey
inantaan maqalkiyo, araggeeda labadaba
an ku soo xusuustaay.
 
Asaydii ehelkeed, soomaali idilkeed
inantii u qaaddaay, ina muuse weheliye!
 
inantii qabiil iyo, ehel reer hebel iyo
is jufaysi nacdee, aafa laga koriyaay !
 
inantii qarankiyo, arladii asalkeed
calankii abkeedee, samadaa u ekaa
goortey ooyeen, jirku uu xanuunaay !
 
inatii farxaddaay!, oogga waaberigiyo
roob aroor yimidaay !
 
ugbaad iyo udgoon iyo, ubax iyo fiiddaay !
 
iga hoo salaantii, uu lahaa islaamkoo
asalaamu calaykum!
 
hooyadaa arxan badan, tii edebtaadiyo
asluubtaada dhawrtoo, say kuu ilaaliso
jacaylkaaga awgiis, jiiqley u aaddiyo
beledweyne aaggiis
 
ilaahey idankiis, meel aad joogtiin
adigiyo iyadaba, iyo intad jeceshihiin
adduun iyo aakhiro, Alla haydin dhawroo
haydin wada ammaansado.
 
AAMMIIIIIIN.

Wabillaahi Tawfiiq.
 
Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk