Aamina Muusaay (Aamino Asluuboy) - 27-10-2012
Aamina muusaay,  Aamino asluuboy,
Asaaygaba aadkiis,  Ooriduu Alle bado,
nin qurey u qaaddee!
 
balse ina Muusaay,  welina inan lama arag,
Aqoontiyo ogaalkey,  adi kaa horraysoo,
Ummad idil Hengeshiyo,  asaygeeda xiratee,
 
aaminaay asluuboy,  inantii Rikoorkaas,
awalkiisi jebisaay !
 
Hooyadey Aamino,  ina Axmad Maxamuud,
Aamino Edbanna uu,  Awowgey oran jirey,
inantaan Maqalkiyo, Araggeeda labadaba,
aan ku soo xusuustaay.
 
Asaydii ehelkeed,  Soomaali idilkeed,
inantii u qaaddaay,  ina Muuse Weheliye!
 
inatii Qabiil iyo,  Ehel reer hebel iyo,
is jufaysi nacdee,  Aafa laga koriyaay !
 
inantii Qarankiyo,  Arladii asalkeed,
Calankii abkeed ee,  Samadaa u ekaa,
goortey ooyeen,  Jirku uu xanuunaay !
 
inatii farxaddaay,  oogga waaberigiyo,
Roob aroor yimidaay !
 
Ugbaadkiyo udgooniyo,  Ubax iyo fiiddaay !
 
iga hoo salaantii,  uu lahaa Islaamkoo,
asalaamu calaykum!
 
hooyadaa Arxan badan,  tii edebtaadiyo,
asluubtaada dhawrtoo,  say kuu ilaaliso,
jacaylkaaga awgiis,  Jiiqley u aaddiyo,
Beledweyne aaggiis,
 
ilaahey idankiis,  meel aad joogtiin,
adigiyo iyadaba,  iyo intad jeceshihiin,
Adduunkiyo Aakhiro,  Alla haydin dhawroo,
haydin wada ammaansado.
 
AAMMIIIIIIN.

Wabillaahi Tawfiiq.
 
Maxamed Cabdi.