GOCASHO - By: Caasha-luul Maxamuud Yuusuf.
Waxa aan dhowaan mareegaha internet-ka qaarkood ku soo daabacay Gabaygan ka hadalaya arrimaha qoyska, gaar ahaan dhibta ay hooyadu qabto oo ay mas'uuliyaddiina dusha ka fuushay. Mas'uuliyaddaas oo ah tii aabbaha, waxa runtii la odhan karaa way dhego barjayasay hooyada Soomaliyeed ee ku nool qurbaha markii ragga intiisii badnayd xilkaas gabeen. Gabaygu waxa uu lahaa:

Nimaankaa naftoodii gabee, wada galiilyeysan 
nimankaa naftoodii gubee, wada gawaamaaya
nimankaan garsooriyo lahayn, garasho waayeelba,
ganboor iyo sun bay daaqayaan, geed Ilaah nacaye
gawaan iyo waxay yuururaan, gegi habaas weyne
goolaaftankaa kaaga daran, Geesiyo is-moodka.

Galladi waata eebbee markuu, gabay masuulkiiba
gabadhiyo carruurtiyo markuu, gooyey ehelkiiba
ee uu gasiinkii ka jaray, guri xannaankiiba 
ee gacalo waa hooyo ee, gubatey tiiraanyo,
labadeeda geesood markuu, gaalku kala jiitey
giddigii habeenkii waxay, gawdh la ledi weydey,
gurmad iyo markii aanay hayn, aabbe garab taagan
ee iniba gees aaddey ee, talo ku gawdhiidhey
gabbal dhaciyo Waagii beryaba, gocasho ooyayso
inta ay gacmaa hoorsatay, Guulle baridaaye.
 
Iskuullada markay geyso bay, gur u dhaqaaqdaaye
guntigay u xidhataa illayn, hawshi wuu gabaye
gasiin iyo waxay raadisaa, shooping-kii go'aye
gaadhi bay ka soo buuxisaa, gurigii keentaye.

Iyadoo harraad gawracan oo, gaajo socon weydey
ayey dheri gangaantaa haddana, gaar u karisaaye
galabnimo markay gaadho ee, wakhtigu soo gaabto
gucla-orod ma deysee haddana, ubadkii goobtaaye
sida Goodirkiyo Cawsha bay, goonni socotaaye
goor dambe ayuun bay baxan, gabannadii qaare.
sida Galawga iyo Fiinta oo, uu Gud-gude haysto
inta uu nafluhu gama'san yahay, gaadh ayey tahaye
gaaf-wareeg ayuu ugu beryaa, Waagu galacdiiye.
 
Waxba gabaygu yuu ila gudbine, waxan ku soo gaabshey 
hooyada guhaaddaa qabteen, laga garaabaynin
hooyada raggeedii gabaye, geba-gebaw taagan,
guullaha ilaahow adaa, garan wax meel yaalle
adigaa gartaa goynayooy, gooni kuu tahaye
adigaa garsoor taama iyo, gaadh-hayaw diriye, 
mar haddaanan gumuc iyo rasaas, kugu garaacaynin
ama geed qudhaanjo leh tolkaa, kugu gig siinaynin
waa inoo godkii Aakhiriyo, Golihii Weynaa dheh!!!!

Haddaba waxaa gabaygan faallo ka soo bixiyey dad badan oo Soomaaliyeed oo rag iyo dumarba leh, qaarkoodna fekerkooda ay ku cabbireenba tixo Gabay ah, sida inanta FAADUMO CABDI oo soo dirtay tixdan hoos ku xusan, isla markaana igu dhalisay aniga laftaydu inaan tix kale curiyo. Ugu horrayn waatan tixdii  FADUMO soo dirtay.

Galiilyoodeey Luuleey markaan, eegay Gabaygaaga 
gocashiyo xanuun igu fog buu, saaray gacantayda 
gu' onkodey sidiisaan ilmada, gabax ka soo siiyey 
talo igu gadooddoon la'aa, gees an ka abbaaro 
oo gaar haweenkaw ah buu, sheegay gabaygaagu.
waa niman garaad daran waxay, nagu golyaayaane 
garkeen kaga hagaagnaa walaal, goosmay weeyaane?

Waatan anna tixdii aan ta Faadumo kaga jawaabey:

Waxa gabayga iga keenay ee, laabtu iga giigtay 
ee gubey naftaydii Faadumooy, gama'na ii diidey
geyigaan ku nool nahay markaan, gebi ahaan eegay
giddigoodba Aadame dhammaan, gaaliyo Islaamba 
guryahooda waa wada dhaqdaan, iyo gaban carruureede
soomaali waxa gaar ka dhigay, way I-geli weydey.

Giddi hooyo Soomaaliyeed waa, wada go'doonkaase
gebi baa ku soo dumey dhammaan, guud-haldhaaleeye
guri lagu negaadiyo markay, weydey gacaltooyo
uu gabay masuulkii ilaaah, gaarka ugu yeelay
ee gegi habaasliyo ku furay, guri abaar weyn ah 
gabaahiirta hooyada fadhida, ee goonnida u taagan
ee gaalku jaarka u yaheen, laysu gelahaynin 
een gacalna soo booqanayn, garabna eegaynin 
gogol lagu caweeyiyo arkayn, gaaf la-wada joogo 
ee guri dhexdii yuurutee, geesna qabanaynin 
gayax iyo walaal aan lahayn, gacalo soo eegta
ee kii gargaarkaw ahaa, ganafka taagaayo 
soomali waxa gaar ka dhigay, waa I-geli weydey.
 
Yeelaha waxaw gooyayee, Gudin aflaw diidey
oo geeddi loo sahan tagiyo, guri naqle u waayey
ee gogoshii lagu seexan jirey, gocondho kaga daadshey
good iyo Abees waxa ka dhigay, waanan garanayne
gafaniyo maxaa kugu salliday, Shilin-gabaarreyda?
galoof iyo maxaa kaaga dhigay, Geela wada Gaane?
gaawaha inaad soo cushiyo, gabanno haaneeda 
gobaadeey halaad maasho iyo, godolka kuu diidey
ee Somaali gurigeed ka dhigay, gelin waxaan dhaamin?

Waxa nala gudboon Fadumooy, gebi-ahaanteenba 
talo loo gudboon yahay oo dhammaan, laysku garab siiyo,
waa inaan gartaa aan furnaa, golena geynaaye
gar-yaqaannadii hadalka iyo, Guurti aragtaaye 
oo lagu gorfeeyaa waa intooy, guulo dhalisaye!!!!!!!
 
- - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - 
Caasha-luul Maxamuud Yuusuf.
E-mail: caisha123@hotmail.com

ref
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk