Yuusufow...., 26-10-2016 14:33
Sheekh Yuusuf Walaalkeygiyow, Yamanti joogaayey, 
Adigays yasoo Hoos is dhigi (Yuusufow), isi yudaamaaye,
kuma uu yarayn Eebbaheey, Yaasir Weynuhuye,
hayga raacin Yaahuurti aan, wada yureyneyney,
oo yey il iga helin kuwaan, Waran ku yaacaayey,

Adigoon Yalaaluga lahayn, laga yu'doo diido,
oo Ya'dii Qur'aankiyo Subuca, Yabaqu yeeraayo,
inuu ruux Yeddiisu ay dhacee, Marras yaboocaysa,
uu adiga kaa yaqyaqsadaa, ani ma yeelaayo,    
ee adigu haygu noqon Yuhuun, nici yagleeshiisa, 
-------
---------
----

Yabaal 
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk