Yamyam - 03 July, 2004
Maalin ay ahayd 03-07-2004 ayaa waxa ii yimid dad aannu asaxaab ahayn, iguna yiri waa tii
aad maxamadow bilaash nugula dagaali jirtee sow maanta saaxiibkaa Yamyam intuu jabuuti
yimid adiga oo aan arag kaamuu tegin, mar dambe ha noo ammaanin markaa baan ku iri
goormuu yimid iyo Hotel jabuuti buu ku degey, waxanna ku iri nagala taga warka aad
allifaysaan, kaddib markii ay dhaarteenna waan u cudur daaray, in haddii xitaa uu yimid ay
ahayd mid degdega oo ay arrin lama filaan ahi ku timid, hayeeshee waan iska difaacayey
mooyee ma aanay dhicin intuuba jabuuti yimaado aanuu aniga igu soo horrayn, dabadeedna
markii ay iga tageen ayaan warkaas raadintiis galay, waana tan maansadii Yamyamow:-

Yamyamow salaan diiran hoo,    ugu horreyn deelka 
marka xiga dan baan sheegan iyo,    deri dhexdeennaaye 
intii dowladdii ay jirtoo,    Daalim talinaayey 
hadday cidi dagaashee jabhadi,    Duurka dananeysey 
adigaa u door iyo ahaa,   Diilintaa hore e 
waxad horey inoogaga digtaa,   Daawadaa qiraye 
maansada middaad diri jirtee,    lugu dekeynaayey 
inkastoysan duugoobinoy,    dibedda taaltaallo 
gabay iyo dagaalkaa dambaan,    Dayrahaan maqale 

Afka iyo dadaal baan adeer,    kugu difaacaaye 
anigoo deryaankii dambiyo,   Deymo kaa sugaya 
umbay igu yiraahdeen dadkii,    daaftan buu marayey 
duhur iyo cishuu nala jiriyo,    laba diraacoode 
adigaba nin kaa digo rogtaad,    nugula dooddaaye 
oo bilaash ayaad nugu dishaa,    nuguna dooxdaaye 
ha dafirin dekaan iyo wakaa,    Ciil ku daashadaye. 

Waxan iri dayow baad tihiin,    Dawgi aan heline 
weligiin damaac baad tihiin,    Xaasid uu degaye 
waddaniya nin ay daadegtoo,    Dahaba weeyaane 
muu marinin daaftee indhahaa,    Daaf idiin galaye 
isagoo degdegayuu yimoo,    aad u daal badane 
wefdi buuna daadihinayiyo,   Duul kaloo wacane 
iska daaya beentaad waddaan,    oo Dibnaha laaba. 

cadowgii markii aan direen,    mariyey Dawgooda 
inta aan guntiga duubtay oon,     Mootadii didiyey 
hudheellada ayaan kaa deyiyo,     meelo dabaqyaahe 
doondoonistaaduu xagaa,    daadshey dhididkiiye 
hayeeshee dan baan uga imoo,    waan ku doorsamaye 
ma jiraa warkaa daahir iyo,    Daacad baad tahaye ? 

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk