Yamyam - 03-07-2004
Maalin ay ahayd 03-07-2004 ayaa waxa ii yimid dad aannu asaxaab ahayn, iguna yiri waa tii
aad maxamadow bilaash nugula dagaali jirtee sow maanta saaxiibkaa Yamyam intuu jabuuti
yimid adiga oo aan arag kaamuu tegin, mar dambe ha noo ammaanin markaa baan ku iri
goormuu yimid iyo Hotel jabuuti buu ku degey, waxanna ku iri nagala taga warka aad
allifaysaan, kaddib markii ay dhaarteenna waan u cudur daaray, in haddii xitaa uu yimid ay
ahayd mid degdega oo ay arrin lama filaan ahi ku timid, hayeeshee waan iska difaacayey
mooyee ma aanay dhicin intuuba jabuuti yimaado aanuu aniga igu soo horrayn, dabadeedna
markii ay iga tageen ayaan warkaas raadintiis galay, waana tan maansadii Yamyamow:-

Yamyamow salaan diiran hoo, ugu horreyn deelka,
marka xiga dan baan sheegan iyo, Deri dhexdeennaaye, 
intii dowladdii ay jirtoo, Daalim talinaayey, 
hadday cidi dagaashee jabhadi, Duurka dananeysey,
adigaa u door iyo ahaa, Diilintaa hore e, 
waxad horey inoogaga digtaa, Daawadaa qiraye, 
maansada middaad diri jirtee, lugu dekeynaayey, 
inkastoysan duugoobinoy, dibedda taaltaallo,
gabay iyo dagaalkaa dambaan, Dayrahaan maqale,

Afka iyo dadaal baan adeer, kugu difaacaaye,
anigoo deryaankii dambiyo, Deymo kaa sugaya, 
umbay igu yiraahdeen dadkii, daaftan buu marayey,
duhur iyo cishuu nala jiriyo, laba diraacoode,
adigaba nin kaa digo rogtaad, nugula dooddaaye, 
oo bilaash ayaad nugu dishaa, nuguna dooxdaaye, 
ha dafirin dekaan iyo wakaa, Ciil ku daashadaye. 

Waxan iri dayow baad tihiin, Dawgi aan heline, 
weligiin damaac baad tihiin, Xaasid uu degaye, 
waddaniya nin ay daadegtoo, Dahaba weeyaane, 
muu marinin daaftee indhahaa, Daaf idiin galaye, 
isagoo degdegayuu yimoo, aad u daal badane, 
wefdi buuna daadihinayiyo, Duul kaloo wacane, 
iska daaya beentaad waddaan, oo Dibnaha laaba. 

cadowgii markii aan direen, mariyey Dawgooda, 
inta aan guntiga duubtay oon, Mootadii didiyey, 
hudheellada ayaan kaa deyiyo, meelo dabaqyaahe, 
doondoonistaaduu xagaa, daadshey dhididkiiye, 
hayeeshee dan baan uga imoo, waan ku doorsamaye, 
ma jiraa warkaa daahir iyo, Daacad baad tahaye ? 

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk