ma juuqduu Afkiisii gaboo, aamus ugu hiilshay? 01-01-2018

Adduunyadu wareer kama tagtiyo, Yaabya amakaage,
Axmed Xuseen ninkii aan ogaa, inu ishaareeyo,
waxay ula ekaatiyo wuxuu, Foogta u arkaayo,
bilaa Edebka aan deynin oon, Ehel ku dhawraynin,
oo Amar macruufkiyo Nahyiga, kaga ejoonaynin,
ma juuqduu Afkiisii gaboo, aamus ugu hiilshay?

habow badato Amal iyo Ilhaam, weerar ku ekayne,
iyo maruu ammaanoo ka dhigo, uunka kaligoode,
in muddaanse maan arag murtidi, ololka dheereede,
garan maayo wuxu eersadiyo, Eelka sababtiise,
ma juuqduu Afkiisii gaboo, aamus ugu hiilshay?


---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk