Xuseenow nabsigu, 24-09-2005
Maansadan Xuseenow nabsigu oo soo baxday 24-09-2005, waxan kula hadlayey wiil walaalkey ah oo dhawr iyo toban jir ahaa, markaa isaga oo ahaa nin aad u wanaagsan, ayaan haddana anigu weerar isaga qaaday, aniga oo doonayey in aan ka sii hor dhaco in uusan jiidan dhaqanka ay u bateen dhallinyarta xilligu hayey ee dowlad la'aanta darteed ay ku dhacday shaqo la'aan iyo jiheyn la'aan, iyo iyada oo aan u dhigay cashar ka sarreeyey da'da uu joogey maadaama aanuu jirin waqtigii 12 sano dugsi sare looga bixi jirey, ayna qasab tahay in la helo waxbarasho degdeg ah, markaa oo casharradii ku adkaaday ay ugu biirtay waalidka oo aan hoos u eegin culayska casharku lahaa, ee markuu aniga iga gartay inuusan casharkii hore sidaan rabey uga bixin canaan kala dul dhacay.

Markaa buu walaalkey Xuseen isaga oo anigana igu sir qarsanaya igulana kaftamaya igu yiri: Wallaahi xaaji buuggan iyo qallinkan i dhibay waan tuuri karaa, sidoo kale sida caadadaba u ah aadanaha qaarkiis marka uu cuntada cunayo waxyaabaha baruurta iyo khudaarta badankeed wuu ka saar-saari jirey, dee dabcan gabdho ay telefoonka ku nasiibso ku wada haasaawaanna way iska jireene waa tan maansadii:

Allow yaa xuseen maanta buu, xaysku da'ayaaye,
oo aad xabiib leedihiyo, aabbe xaadirahe,
in xagaa kastaa kuu da'aa, waa wax kaa xirane,
allow yaa cilmiga xaabso oo, buuxso xabadkaaga,
oo xoogga saar kugu yiraa, Xaal dambaa imane ?

Nin kastaa xer buu leeyahoo, lana xayaadaahe,
iyaduu xariirtii janniyo, Xulad la seexdaaye,
ama uuba Naar kula xeroon, lala xasheynaaye,
mid an xoolka hoose an tegeyn, iiga hari xeebta,
allow yaa ha ii xirin yiraa, Xarig habeenkiiya,
oo yaa wareeg xaafad iyo, gooya xamar weyne,

Adigoo hilbaha xayrta iyo, xididka tuuraaya,
oo jiirta xooraaya oo, xaabka raacinaya,
oo beerka xulanaaya iyo, taad u xilanayso,
fikir bay dilaad xaajo iyo, Xeel ka dhigataaye,
Xuseenow nabsigu waa xaraar, gooru xaadiro e,
allow yaa xuseen kugu yiraa, aayar xagashaada,

iyagoo harraad xaaqay oo, Gaajo xoronxooray,
oo abaaru ay xaaratoo, Xoolo ka idlaysay,
oo hadduu xagaagii yimaad, Roob xareedinaya,
an lahayn xaluul uu galiyo, meel uu ku xaroodo,
ama neef xareeddaa caboo, Xoorta laga maalo,
duul baa xirdaha soo cunoo, Xaal xun soo maraye,
oo fiinta ay wada xoqdeen, Xabag cadaadeede,
oo saa dantoodii xaggiyo, Xilo ku hooyeene,
oo xaafidoo diinta aan, xarafna deyneyne,
allow yaa xuseen kugu yiraa, aayar xagashaada,

Adiguna xuseen raaxadaad, gaar u xulataaye,
guri ay xardheen duul tegaad, ku xarragootaaye,
telefoon xaliimiyo xayaad, xibin la haasawga,
oo xariir dharkaagii yahoo, xoorta cabi diiddey,
fikir bay dilaad xaajo iyo, xeel ka dhigataaye,
nabsi waa xaraar maalintuu, kugu xarraamaaye,
allow yaa xuseen kugu yiraa, aayar xagashaada,

Anigoo xigaal kuu ahoon, kugu xireyn xoolo,
kuna oran xalaal quudo oo, xarakadee diinta,
oo goor kastana xaadiroo, xerada kuu jooga,
baad tiraa xaraariyo adoo, qarin xanaaqaaga,
buuggay xakaarshiyo waxaad, igu xabeebayso,
ma ogtahay inaan xoori karo, gubi karaa xaaji,
waxaseen xuseen kaa iroon, kuguna xaal siiyey,
waxa uun jahligu xaaran ee, berri ka xaabaaya,
ee ceebtu xoodaansanee, waa adi xuseene,
allow yaa xuseen kugu yiraa, aayar xagashaada,

Tusaalaa xallado muujiyiyo, goob xasaradeede,
kii xararka laantuu fadhiyey, Xagaf ku goynaayey,
iyo kii ka daa xararka yiri, baan la xaal nahaye,
waanada haddaad xoortid ood, diiddo xarafkeyga,
adigaa shallaay xaabsanoo, guran xamaamtiise,
nabsi waa xanuun maalintuu, kugu xarraamaaye,
allow yaa xuseen kugu yiraa, aayar xagashaada,

Xujadii haddaan dhiibtay iyo, xooxda hadalkeyga,
allahay xakiim baan baryaa, xaraf dambeedkeeye,
ilaahow adaa xaakimoo, xeesha garanaahe,
anigiyo walaalkey xuseen, iyo xigaalkeenna,
iyo xool islaam jiifo ee, Nolol ku xuuraaya,
iyo kuwa xisaab sugahayee, ruuxi laga xuubshey,
naga haay xumaantoo allow, naga xoree naarta.

--------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk