XUSEENOW 10-12-2004

Xuseenow xilliga lugu jiraa xuud ahoo adage
xamar iyo xudduudahan ilaa ceelki xaradheere
xusul duubka xaalado xumoon laga xishoonaynin
xurguf iyo xakaarrada jiraan cidi xisaabayne
nin walbana xaliimaa dhashiyo aabbe xoojiyaye

Xeel iyo adoon xoog lahayn xuubna kugu yaallo
labadii xariir kuu dhigtee xananka kaa dhawrtay
kuna baray xuruuftii Qur'aan iyo Xamiim dheerta
xariggii garraarkoo dabcay hooyo yara xiiqday
gudmi mayo xaqeedii dushood xaram ku geysaaye
waa inaad xurmaysaa intay xubin ku diirayso.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk