Xxuseeno xilliga, 10-12-2004
Xuseenow xilliga lugu jiraa, Xuud ahoo adage,
Xamar iyo xudduudahan ilaa, ceelki Xaradheere,
Xusul duubka xaalado xumoon, laga xishoonaynin,
Xurguf iyo xakaarrada jiraan, cidi xisaabayne,
nin walbana Xaliimaa dhashiyo, Aabbe xoojiyaye.

Xeel iyo adoon Xoog lahayn, xuubna kugu yaallo,
labadii Xariir kuu dhigtee, Xananka kaa dhawrtay,
kuna baray xuruuftii Qur'aan, iyo Xamiim dheerta,
xariggii garraarkoo dabcay, Hooyo yara xiiqday,
gudmi mayo xaqeedii dushood, Xaram ku geysaaye,
waa inaad xurmaysaa intay, Xubin ku diirayso.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk