Xubin baad i kala saartay! - 08 July, 2004
Maansadan Xubin baad i kala saartay oo ahayd 08-07-2004, oo aanan waxba sidaas ah ka faalleyneyn waa nin aan saaxiib ahayn oo i yar luggooyey, luggooyadaas oo aanan siday ahayd u sheegi karin, balse waa la iska garan karayaa ilaa xad e, waxay ahayd:

 Cumarow xumaan kii wadaa diin ma xoojiyo e
markii aad lahayd xuurshe iyo xaasid bay dhacaye
xirribaha dhafoorkaad arkee xidid ma muuqdeene
xaq u dirir ayaan ahay xilkiyo xooxdi laga qaatay
anna aan lahaa xaal adduun baa xanuun badane
maxaa loo xannibi sheekh oo loo xadaa Kabaha
maxaa xayski sheekha u da'aba xalin u waydaarsha?

Halka uu xaraash kaa helaan kuu xardhahayaaye
haddii aad xalaal quute tahay luguma xoogeene 
xorre iyo illeen waxad ahayd xuudka kala xiira
illeen xeebahaad geli jirtiyo meel xaluulasho leh
markii aad tafsiirkii xamiim nugu xabeebaysey
illen been ayaad xoorisood lana xadrayneysey?

Haddii aan wixii xaal jiriyo xigasho kuu raacsho
xubin baad i kala saartay iyo meel xasaasiya e
xusul duubka xaafuun ma tegi subax la xiinkaagi
waadigii i xiijinahayoo xaaji dhoof hayaye
xubbi iyo jacayl baan u qabey oo xigaalnimo e
xasadnimo miyey kaa ahayd xoolo aad guratid
mise xaal xunbaa kugu xagiyo gaajo xidinxiida?

Bal haddeer xalkii aan galniyo xeesha taladeede 
xariggaad i goysaan rabaa inan xiriirshaaye
halla ii xaraashaan rabaa inan ka xaalnaaye
dadkad xero ka saartaan rabaa inan xurmeeyaaye
fakiskaad xasheysaan rabaa inan xabkeeyaaye
moobaylkad xoortaan rabaa inan xaqiijaaye
mootadad la xiintaan rabaa inan u xaabaaye
wixi aad xasuuqdaan rabaa inan xabaalaaye
xogta aan ogaadee caddee xuurto hadalkaagi ?
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk