Xubin baad i kala saartay! - 08 July, 2004
Maansadan Xubin baad i kala saartay oo ahayd 08-07-2004, oo aanan waxba sidaas ah ka faalleyneyn waa nin aan saaxiib ahayn oo i yar luggooyey, luggooyadaas oo aanan siday ahayd u sheegi karin, balse waa la iska garan karayaa ilaa xad e, waxay ahayd:

 Cumarow xumaan kii wadaa, Diin ma xoojiyo e,
markii aad lahayd Xuurshe iyo, Xaasid bay dhacaye,
xirribaha dhafoorkaad arkee, Xidid ma muuqdeene,
Xaq u dirir ayaan ahay xilkiyo, Xooxdi laga qaatay,
anna aan lahaa Xaal adduun, baa Xanuun badane,
maxaa loo xannibi Sheekha oo, loo xadaa Kabaha,
maxaa Xayski sheekha u da'aba, Xalin u waydaarsha?

Halka uu Xaraash kaa helaan, kuu xardhahayaaye,
haddii aad Xalaal quute tahay, luguma xoogeene, 
Xorre iyo illeen waxad ahayd, Xuudka kala xiira,
illeen xeebahaad geli jirtiyo, meel xaluulasho leh,
markii aad tafsiirkii Xamiim, nugu xabeebaysey,
illen been ayaad xoorisood, lana xadrayneysey?

Haddii aan wixii Xaal jiriyo, xigasho kuu raacsho, 
Xubin baad i kala saartay iyo, meel xasaasiya e,
Xusul duubka Xaafuun ma tegi, Subax la xiinkaagi,
waadigii i xiijinahayoo, Xaaji dhoof hayaye,
Xubbi iyo jacayl baan u qabey, oo xigaalnimo e,
Xasadnimo miyey kaa ahayd, Xoolo aad guratid,
mise Xaal xunbaa kugu xagiyo, Gaajo xidinxiida?

Bal haddeer xalkii aan galniyo, Xeesha taladeede, 
xariggaad i goysaan rabaa, inan xiriirshaaye,
halla ii xaraashaan rabaa, inan ka xaalnaaye,
dadkad xero ka saartaan rabaa, inan xurmeeyaaye,
fakiskaad xasheysaan rabaa, inan xabkeeyaaye,
moobaylkad xoortaan rabaa, inan xaqiijaaye,
mootadad la xiintaan rabaa, inan u xaabaaye,
wixi aad xasuuqdaan rabaa, inan xabaalaaye,
xogta aan ogaadee caddee, Xuurto hadalkaagi?
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk