Xildhibaan ku yimid Magac Qabiil, 14-01-2019
Xildhibaan ku yimid Magac Qabiil, Reer Xinjiro daadshe,
oo Xuruuf aqoon & lahayn, Xulasho loo raaco,
Xawl-mariidka kuu gooyey uu, sii xaraarugayo,
laaluush dadkii xaabsadee, Xilal u soo dhiibay,
oo Shilin ka soo xuubsadiyo, Xoolo wuxu haayey,
muu xalaasha nugu maamuloo, Xeerarka ilaalsho,
Xeerkiinna looguma lahee, Eebbe ka xishooda.



Dastuurkii xumaan loo qoroo, toban Xakaarooda,
oo timaha isugu wada xiroy, Xuufta gurayaanna,
Wasiirkiyo Xigeenkiisa uu, simayo Xeerkiisu,
oo Qodob Xuquuqdood mid tahay, Xuud kastaa helayo,
oo uu xujeysaa markuu, muranku xoogaysto,
waa waxa Xal loo waayey oo, loo xarkagayaahe,
Somaalaay Xakiimkiin ka baqa, oo Xaqa u weecda,

Dastuurkaasi uu Xaasidkiyo, Baasku xarakeeyey,
kii la yiri Xariggiisa qabo, Xilalna loo dhiibay,
muu xalaasha nugu maamuloo, Xeerarka ilaalsho,
dadka ugu xanaaqaayayow, Xarig ma haysaane,
Xakiimkiin ilaahey ka baqa, oo Xaqa u weecda.

Xusul duubka hadallada batiyo, Faybar xarakaynta,
Xarxarriiqa FeysBuug xulkiyo, Xarafka yaacaaya,
Xildhibaanna caygiyo waxaa, Baraha xiimaaya,
Xal inaynan keenaynin iyo, Xuuki way garane, 
doofaarki xoog lugu eryiyo, sow Xumbo un maaha?

Xilka waa dad lood dhiibtay oo, Xoog kumay qabane,
in yaroo xariifoo sidii, Bayle na xoreeya,
oon qabuurta xuli lahayn mar hore, Xalaydi mooyaane,
inkastoy xulkeennii ahayn, iyo Xarfaanteenni,
oo misana Ummad wada Xujaa, loogu xiray qoorta,
xaqiiqdii dadaaloo in badan, Dhididka xooreene,

Adigoon xammayn oon iyaga, isu xabeebaynin,
gacmo geel jireba Xeel ayaa, loo maraa Xalide,
adigaa Qabiil xoojiyoo, sababay Xaalkaane,
+
maad aal yar ula xaashidood, Nabadda xeelaysid,
mise inay is wada xuubsatoo, xiinto weligeeda,
Xannibaad un lugu jiro ayaad, Xaajo ku idlaysay? 

Haddii aan bal soo xoorsho oon, Xarafka soo gooyo,
Wiil Xalay dhashaa Maanta inu, Xaramki aadaynin,
oo intuu xarmado keligi uu, Xaaji noqonaynin,
Carruurtaw xog ogaala iyo, kaan Xuruuf dhigane, ---
Somaalaay Xakiimkiin ka baqa, oo Xaqa u weecda.


---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk