Xigaalow ku raadshay, 28-11-2015
Maansada "Xigaalow" oo soo baxday 28-11-2015, waxan walaalkey oon is iri malaha wuxuu kaaga xanaaqsanyahay Arrinkaan anigu ula jeedey aan Alle ka baqno isaguse iila fahmin, ku xusuusinayey in aanan nin uu u xanaaqo ahayn, oo aan shalay markuu yaraa, yaanan wax badan u heline, aan baahidiisa ka welweli jirey, waxan hayana aanan ka hagran jirin, in kastoo ay waxan siinayey ahaayeen wax uu Xaq iigu lahaa ee uusan iga baryeyn, sideedana in la Manno-sheegtaa ay xaaraan tahay, ayaan haddana markaan xal kale waayey ku qasbanaaday, laga yaabee inay xal noqotee, in aan tagtadaydii & siduu xiriirkeennu u fiicnaa arrinkan hortiis wax un ka xusuusiyo, sidaan waalidkeen noo dhexeeyey tabartey u dhawri jirey, oo aan xataa waxa yaroon marmarka aan shaydaanka & bakhaylnimadiisa la herjedo u soo diri jirey uu shaydaan naga dhex bixiyey, intaan dadaal awgiis is lahaa waalidka meeshiisa ha loogu geeyo, sidoo kale inaan walaalkey aqal galkiisii ugu yaraan maanso uga qayb qaatay, sidoo kalena isagoo sharci iyo dal weyn jooga anna aanan dalkeygiina joogin, kuu joogana joogine dhulya Ceel-kaa-dheer joogo, oo aan Qaxooti ahay, ayaan dhib Gurigiisii ka haysta maqlay oo aan Alle u baryey inuu u gargaaro, waxana xusid mudan, walaalkey aniga un baa xiriirkiisa waayee, inuu muddadaas aan anigu xiriirkiisa waayey, uu dhammaan ehelkeenni kale si fiican u xiriiri jirey, weliba uu dhaqaale kun jeer ka badan kaan sheegayo inan bixin jirey uu siin jirey, balse aanan anigu warba u hayn, waayo haddaan ogahay xaggaas ayaan ha nala xiriiriyo dhihi lahaa,  waa tan maansadu:

Xigaalow ku raadshoo haddana, xiiqay Daal badane,
ma anaan Xigtiyo kuu ahayn, Ehel Xigaalkaaya,
ma Xumaan an kaa galay ayaa, Xabadka kuu taalla, -----
oo Xan an warkeed haynin buu, Xuudi iga sheegay,
mise Xarafka Diintaan dhigayn, Rixin xiriirkiisa ?

xiriirnoo Xigaal baan ahayn, Xiima ka horoowe,
Xayyi baan ka baqayaa Xaliim, iyo Xisaabtiisa,
maad igu xumaysood Walaal, gooyey Xariggeenni?

Manna-sheegad Xaaraanta iyo, waa Xirfa ibliise,
anigoon xaggaa iyo u wadin, xulusha shaydaanka,
balse inad Xarkaha naga furtiyo, raba Xiriirkeenni,
ayaan kuu xusuusini waxaad, xoortay hadalkeede,

adigoo saqiiroon Xil iyo, heli kareyn Xoolo,
oon Kanada Xeebteeda iyo, joogin Xaram toona,
markaan idin xiriiraayey een, Xoolo soo dirayey,
oon Xarraan-kulayl Xeradi aan, Xusulka duubaayey,
oon Xiliya Guri waan rabee, xiray Albaabkooda,
cidda aan u xiiqaayey een, Xumo ka dhawraayey,
ee anoo xanuunsanahayana, isu xilqaamaayey,
adigaw horreeyoo Xan iyo, Xuuki may ahane,
miyaanay xitaa taasu ay, gelin xusuustaada?

intii aan xurmey iyo lahaa, Socod xammayn maayo,
Xergegiyo God weyn yuu ku dhicin, Xawdka haw dhigine,
Xeradiisa ugu gee waxaad, heli karee Xoolo,
ayaa Xuud khiyaanoo na dhacay, anya Xabiibkeeye,
miyaanay xitaa taasu ay, gelin xusuustaada?

Xil nimuu dhibay Eedi xiri, Xoog horaa yiriye,
Aabboo xanuunsanahayee, Eebbe xulanaayey,
Xilka iyo masuulkuu hayee, Xoolo kaa sugayey,
Xulka hore adaa ugu ahaa, Xaafaddoo idile,
miyaanay xitaa taasu ay, gelin xusuustaada?

Xubbigaan u qabey waalidkey, Xoosh Raxmaad badanle,
xiisaha an kuu hayo ayaan, geshay xusuusteeye,
oon xulasho kayd iyo u dhigay, xaal kaloo jiraye,
riximkii haddaad xeelin ood, xoortay hadalkiisa,
miyaanay xitaa taasu ay, gelin xusuustaada?

wax kaleba haddaad xoorto ood, ubana xaalaynin,
Mahad Xaaji Shukridii xareed, Xilo Fahmaaydaadi,
miyaan gabaygi xarafkiisi uu, gelin xusuustaada?

aan Ereyga xoodaansho oon, gooyo Xarafkiise,
Rixim baan xigaalsanahayee, Xoolo maan rabine,
Xaliim baa Xamdiga igu lahoo, buuxshay xeradeeye,
inkastood Xiriirkii jartood, Xididdadow goysey,
Xaska waan ku jirey haatan iyo, berigi Xiimaade,
Iimayl Xertaan heli kariyo, Haatuf xarakeeye,
Xigashada Xigaalkaan watiyo, Xaal xagguu mariye,
in Xerada culays kuu galaan, haayey Xogaheede,
Xayyi baan baryee kaa xuree, Xumo dhammaantiiba.


---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk