Xashimo weyne, 4-6-2018
Xayaatadan adduunyada, dadkan wada xawaarayn,
Saddex xaaladood buu, qofba Xubin ku joogaa,
oo lugu xisaabshaa,

1- Midu waa Xil side weyn, Xildhibaan la mahadshiyo,
is-xilqaame qaaliya, dareemaya xilkiisoo,
xannaaneeya maatida, haddey murugto Xaajana,
laga sugo xalkeedoo, la yiraa Xasaraddaan,
waa la heli xalkeedee, ha yimaado xaajigi,

2- Midna waa Xasuuqiyo, belo iyo Xakaar wade, 
hadduu waayo Xabbad iyo, hoobiyuu ku xaaqoo,
ku xaskulo Agoomaha, waxa uu u xaytaa,
Xasarada-abuur iyo, Xanya dira-diraaliyo,
Xumo uu walwaaluu, la xulaa magaalada,

labadii Xabiib ee, Xalay nabad ku seexdoon, 
garanaynin Xuudkiyo, Xaasidiinta dheelmee,
sida loola xaaloo, laysaga xijaabana,
Xas intuu u galo oo, Xallad iyo khiyaaniyo,
isticmaalo Xeel buu, Xiqdi iyo cadaawiyo,
Xinjiraale dhiig buu, Xabadkooda geliyaa, 

3- Midna waa Xafuush weyn, waa Xashimo faaruqa,
Calool ku xididda weyn oo, uuskiisa Xayrta leh,
hunguriga Xaraaradi, wuxuu uun ku xaabiyo,
Xarbigiisu ku egyahay,  

dabadeedna Xafash iyo, Xaar geeya musqulaha,
bacdigeed xamaartoo, Hurdo dheer xusuustoo,
isku xoora Joodari, quuraduu ka xiinshana,
Xaafaduhu ka toosaan,

Xag haddii la eegana, inuu galo Xabaal oo,
Qabri lagu xareeyaa, Xayaatada u dhaamee,

Saddexdaa Xayaatood, een idin xusuusiyey,
Qof walbow ka xulo taad, Xubinteeda leedahay, 
isku noqo xogtaadiyo, Xaaladdaada maantee,

Ma Xasiliye baa tahay, deminaya Xasaradaha?
ma Xasuuqe baad tahay, Xaraar iyo Habaar qaba?
Mise Xafash ayaad tahay, Xameetida suntaliyo,
Xaabka layska tuurayo?

ogow oon Xisaab baa, goortaad xijaabato,
kuu taalla Xoolkoo, Xaraar iyo macaan baa,
Shalay xulashadaadii, Xubintaad ahayd baa, 
Aakhiro Xerteediyo, Xarunteedi lagu geyn.

Xagga laga hayo iyo, Farta Xaajiga baa,
xog ogaal isu ahe, 

Xamiimtaa Qur'aankiyo, Xadiisyada Rasuulkiyo,
Islaamkaa Xaniifkaa, ma xaqirin Addoommada,
Xaliimkeenna uunkina, Xushmad bay u haysaa,
oo in la is xaqirana, waa tay xarrimtee,

Odaygaan Xashaarkow, Xusulduub qabiiliyo,
ku xamaasha waawarey,
wiil & xigaalkiis, rixinkiisa xoogga leh,
isku xaaqi dunidood, Xinjirtooda daadee,
ood weli xamatood, uun Alle xaqirtood,
tumaal ha la xooroo, midgaan xow yahay tiri,

sakaraatka xiiqdiis, xilli tafati saaq oo,
xuuxdaa ku haysoo, ruuxaaga xagga sare,
ciriiriga xanafta leh, xaraarada cadaabkaa,
xurgufxurguf mooyee, xagna aad u cararayn,

Xigaaladii tuugtiyo, qabiilkaagi xumaa,
kibirkiyo xasaraddiyo, is xanaajinteedii,
Afku gebey xuruuftiyo, Xalaytoole faankii,
iyagoo indho xumey, kugu xoonsanyihiin,

Jaahilyohow xaasidkee, xoog sheegan jirow,
uunkaad xaqiree, goortaad xakaartiyo,
xilligaad liidatood, sii xijaabanaysood, 
xisaabaha culayska leh, xaruntooda mari baad,
soo xusuusan doontaa,

ee haddaad Xeeshiyo, xariggeeda leedahee,
Xaliimkaa u laaboo, fududey Xisaabtaa.

-------------0--------0-------------

Xashimo weyne waxa jira dhergoo, Xulustu weylaaftay,
oo quudka xulanaa middii, Xubinta dhaylaada,
Gu' kastaba xajaayoo intaa, Xaramka aadaaya,
malaayiinna xooraaya oon, kaba xishoonaynin,

jaarkoo Xajiintii qaboon, Xalayto loo taagin,
hortiisaa xafuuqaya hilbaha, xulani tuu doono,
xaaraanna cunayoon lahayn, xarig ka joojaaya,

waxa Wiil ka xiran guurka oo, tabaru xaal siisay,
iyo gabar xishootoo arkee, kay xodxodanaysey,
oon isaguba xalaydii cashayn, gaajo xoronxoortay, 
xabiibtiisu ay soo deyee, Xaalku suu marayo, ---
kay duni ka soo xulatay oo, Xeelu ku adkaatay,
yaxyaxaaya xaaddiisu ay,  kici sidii xuurta,
oo xaalka noo sahal Allow, duco ku xiiqaaya,
oo Allow na xoogee ku jira, Xayn ku sari waayey,
xulus weyne zino buu ku bixin, maalka Xoogga lehe,
labadaba Allaha Xaakimkaa, garani Xaalkoode,
Alla maxaad adduunyoy Xallado, Xool isugu keentay, 

kumannaan xirxiran oo bacdoo, Xoog lahoo lacaga,
uu dariiqyo Xaaraana iyo, Xuud ku bixinaayo,
oo naag Xorraa daba ordaa, Xiito walashlaysa,
ciddiyaha xufuulaha ku jira, laga xajiimoodo, 
Xuudad nolosha ka dhacoo xumoo, Xibin dambeed haada, ---
oo xorraha geedaha sidiis, uunka xorosheeya,
kan waxaas xushmeeyee kulyoon, xaab la ururaaya, 

inkastood xejiso ood hantida, Xayn ka bixi weyso,
adoon orod la xiiminon ka kicin, Derinta xoolkeeda,
maalintay xarraamee naftaan, luguna xuurtayni,
ood dhididka xoorayso ood, xuuftana ku hayso,
ee lagaana xuubsani hantidad, Xaas ka qarinaysey,
ayaad heli Xog aan lugu farxayn, xururufteedaase,
Allow yaa Xorrow kugu yiraa, haatan xarakayso. 

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk