Xasan ina Adeer 16-08-2008
Maansadan Xasan ina Adeer waxay ku soo baxday arooskii XasanXariir 16-08-2008, ---

Xasan ina adeerkii, Xariir loogu magac daray,
marka hore Xaliim baan, xamdigiisa celinaa,
marka xiga Rasuulkaan, salligiisa xiganaa,
marka sii xigaysana, Salaan uu walaal xulo,
tii ugu Xil dheereyd, yaan xadkaa Maleesiya,
ilaa Xeebta Qaahira, Xuurtiyo maroodiga,
xayawaanka dhaaf iyo, noolaha xareysane,
anoo Xagal ka jeestaan, Fadka biyo xambaartiyo,
Xayaabada dushaydaa, Xayraanta duulee,
dabaysha ugu xiin dheer, kuugu soo xiroon iri,
xasan iigu gey iyo, Fahmaduu xushee yiri,
xabiibteyda weeyaan,
 
Dabadeed xawaaraha, ha hakane xammeey oo,
salaantayda xooggeed, Xaajada ninkeediyo,
aabbihii Xukuumada, Mahad xaaji gaarsii,
 
Dabadeed xammeey oo, halka loo xereystiyo
Xannaanada salkeedii, Xeradii u weyneyd
hooyadeenna Xaajiya, Shukridii Xareeddiyo,
Fahmo Xulad haween iyo, Xays roob mahiigaan,
noola soo xayaaddoo, Dhaqammada xumaadiyo,
Xaaraanta diiddoo, inanteeda oo xura,
intay xuudka joogiyo, duul aan xishoonayn,
kasoo xaabisee tiri, Xaddiiskii Rasuulkiyo,
xamiim-dheer dhulkeedaan, kugu soo xuddumayaa.

Dabaysheyda xiintaay, farriinta ii xamaaloo,
adoo xuuf la duulaa, salaanteyda xoogga leh,
xubbigiyo kalgacalka leh, Ehel iyo xigaaliyo,
xigtadoo dhan gaarsii.
 
Dabadeed xammeey oo, intaad xuurto-goyn eed,
weli dhigin xaraarada, Xasan waxad ku leedahay,
reer Mahadka Xaajaad, Xeradooda joogtaa,
Xidid keliya maahee, waa Xigaalo dhalashaa,
 
waa Duul xishoodoo, Xaaliyoo macaan badan,
Xeebta ka xarragoodoo, faankiyo Xinnaha jecel.
 
Haddaan hoos u sii xulo, waxan lugu xamayn oo,
Xaqiiqdiina Gacan iyo, Xubin loogu taagaa,
Xididkaaga Xasanow, min Xudduudda Keenyiyo,
Xeebaha Jabuutiyo, Xaabiyo Nugaal Bari,
haddey Xoolo-bixin iyo, is-xigaalsi ay tahay,
Xiddiggeeda weeyaan.
 
Aqal Xaaska weeyiyo, Xaawaleyda dumarkee,
waxan kuu xusaa oon, Marag aan ku xagayaa,
Jaar lugu xigsado oo, ka xilqaansan maan arag.
 
Gaajadu xanuun lehe, marti Baahi xagatiyo,
Boqol wada xadraynee, Xilligoo habeenoo,
Dadku kala xaroodeen, haddey soo xanjeertaan,
Xididkaaga Xasanow, oo Xaynna ay hayn,
meelu soo xagaalshaba, Sharaftuu ka xigayaa.
 
Xasanow walaashaa, Mahad Xaaji kuu dhalay,
xaggey kaaga timid iyo, Magacooda xiisihi,
haddaan sii xulee tago, Xadkuu dhaafi Gabaguye,
 
iyaduna Xabiibtaa, Fahmo xulad haweenkaa,
in ay Inan Xishood loo, Xalay dhalayna ay tahay,
oo Daar Xiddigaliyo, Beled lugu xannaaniyey,
anaa kaa xansaday oo, adaa ii xaqiijiyey,
ee xaggaaga Xeeb iyo, Xumi yey ka soo gelin,
Xasil iyo Dulqaad iyo, Xilka ood gudeysiyo,
Xayaataa la doonaa.
 
Xurguf lama huraayoo, Ibliis xaasidaa jira,
Darajada ku xaabsada, Xayyi wuuba noolyahee,
Carrabkiyo Dhan-xanaggiyo, Gawsaheys xanuujoo,
ku xakaarinaayoo, ka xanaaja ruuxee,  
Fahmo noo xannaanee, Xididkaaga sharafta leh,
Xushmad aad u haysiyo, dhalashada xusuusnow.

Haatanna Xunayn iyo, Xabiibtaad jeclayd baan,
xaggeedii u bayriye, Fahmo xulad haweeneey,
Hormuud Xaawaley ee, maanta xaadirkaahey,
Xasan waa walaalkaa, waa Xabiibka kaagaa,
Ragga aad ka xulatiyo, Malaayiin xamaalee,
Xirka uu ka jeediyo, xusi maayo Beeshoo,
taan soo xariirey, Xool qura wadaagaan,
 
balse ruux Xayaato leh, Xariir iyo dibaajiyo,
Abki Xuural-cayn yahay, Xilligaan hadduu jiro,
Xasan waa xulkeedii.
 
Raxmo Xaajigeediyo, Cabdi-xoosh ayaa dhalay,
Xeel-dheere Diin iyo, Xalaal quute baa dhalay,
si aan kuugu xeelshoon, ku cabbiro Xogtiisii,
ma xiriiri karayee, Xabaashii la geynayey,
goortaan xusuustaba, Xaaddu way istaagtaa,
 
Xaqiiqana inay tahay, Xayeysiinna aan wadin,
baan yara xanteyniye, Xasan waxad ku leedahay,
Curadkii xijaabtiyo, Bashiir xamar maxaa diley?
 
Xaraf aan ka taabtee, Xaruurnimo Xisaab lehe,
Iskuul laga xarraamoo, laga guray Xamaantii,
Teeb Xuruurfta dhigayuu, Bashiir soo xambaarsaday,
Xaafaddii markuu yimid, buu xanaaqay Aabboo,
Dhiiggoo xumbeeyuu, yiri Xuud ibliisyohow,
Xeradeyda Shay aan, Xalaal ahayn ha soo gelin,
ee xamaal haddeeroo, gey Xoolki uu yiil,
 
hayeeshee xanaaqii, Xalaal quute kiciyaa,
inuu xaaqi wuxu helo, kolkuu xagasha jeedshaa,
Madfac xiimayaa helay, Xinjirtoo ka daadee,
buu xijaabtey wiilkii.
 
Awowgiis Xer caanliyo, Xaarisiinta lahaa,
Xaaji Aadan weeyaan, isna Xulad haweenaay,
Xaraf inaan ku sheegiyo, Xayeysiin ma doonee,
ha weydiinnin Xasankee, Aabbaaba xaadirahe,
Mahad Xaaji waxad oran, Xaaji Aadan waa kuma?

idinkays xoraystoo, isna soo xodxotee,
Xigtadiinna waxa dhiba, idinkoys xakaarshoo,
isna xiijinaayee, ka xishooda Ehelkiyo,
Allihiinna xaadira, oo Xamaasadiinniyo,
Xusulduubka kiinnaa, Dabayshaa Xagaagiyo,
Xulufkaa ha raacina,

Anna xarakadeydiyo, xiray maansadaydee,
Xaliimkii Ilaahow, adaa Xuudka hoosiyo,
Qoys xaalufaagiyo, Dab-Xagaaga yaqaan,
ee labadays xulatee, Diinta Xaaligaa iyo,
Xarafkaaga doonaya, kuwa xaasidaayee,
Ibliis xumi ka kow yahay, Xannibaadda kuwa jecel,
Xanta Duulka qaybiya, iyo Xoolo doonkii,
isha kii ku xadayee, Xaasidiinta ka dhawr,

oo Xayn Carruuraho, u xamaali Diintiyo,
Dalka iyo Xigaalkood, ka billow Xakiimiyo,
Xaliimiyo Xayaad oo, Xijaabkooda ku asturan,
iyo Xaaji Cali iyo, Xamze iyo Xareed iyo,
Cabdullaahi Xasanoo, Xarafkii Rasuulkiyo,
Sunnadiisa xoojiya, berritana Xisaabtii,
Aakhiro xaggeedii, kulligeen Xaliimow,
Xariirtii fardowsiyo, Xubbigaaga ina sii.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk