Xasan-weli xaraar sow ma aha? 16-03-2005
Maansadan Xaraar sow ma aha ee soo baxday 16-03-2005, waxay u baroor diiqaysaa Shahiid Xareer ---

Xujo lagama waayoo adduun, waa xarkihi Jaane,
Xabsi oon laguu qaadin buu, Yaab ku soo xiriye,
waalidkoo xanuun soo hayoo, soo xaraarugayey,
markii uu xijaabtee dharaar, ruuxa laga xuubsho,
+
oo uu xabaashii galee, ciidda lagu xaaro,
xasanaadki loo qori mayiyo, Xaraf u sheegtaaye,
Duco iyo xannaanuu sugaa, Xoolo loo qalo e.

Qab-iil oo dadkii kala xiroo, seero ku xadeeyey,
oo aan xudduuddii la marin, taniyo Xoor wayne,
nin awgaa xadkii soo gudbee, orod ku soo xiiqay,
xubbigiyo jacaylkaa dartii, Xiin ku soo marayey,
ee xuskii awowgaa yimee, kula xadreynaayey,
oo xoolo kuu soo xiriyo, arigi Xiindheere,
+
inta uu xaggaagii ka tegin, Xeradi aad joogtey,
xuquuqdii martuu leeyihiyo, tii xabiibnimo e,
ninka Xawlka gooyee rasaas, xooga ku asqeeyey,
in qab-iil xaraaradi midkaa, loogu xarakeeyo,
sow Xishoodka xoor maaha iyo, Diin xaniifa ahba?

Anigoon u soo aar Xareed, kugu xaraadeynin,
Xil nin uu qabtey eedi xiri, Xeer oraa yiriye,
ka xumaaday kuma ay filloo, Xaabisaa timide,
+
Xayyi baan ku dhaartiyo Allihi, xaadirka ahaaye,
xilligaan warkaa kaa maqluu, Xoor isoo karaye,
dhiiggey xumbeeyoo Wadnaha, xooggu ka yaraaye,
waa ii xigaal kay Xiskiyo, Xididka gooyeene,
+
Ceeb noo xambaarshoo tolkii, naga yaree Xuude,
Xaq darrana xamaashiyo dunuub, aad u Xanaf weyne,
isaguna Xurmuu qaatay iyo, Xeel shahiidnimo e. 

Kolley jeerka Xays ii da'ee, Xawlku igu meero,
ee uu xirkeygaa yimaad, faraci Xiindheere,
Xayyi baan ku siin oo Xubnaha, waan u xulayaahe,
Xumo kii la soo doonayaan, goyn Xiniinyaha e,

balse haatan Xaajadu si bay, ii xanuujidaye,
adigoo Xakiim eegayiyo, Xaalku suu yahayba,
Xasan-weli xaraar sow ma aha, Xarafka aad sheegtay?
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk