Xannaaney Bashiir - 11 July, 2015
Xannaaney Yariiseey bashiir, Xubintan soo biirtay
Xiddigtaan ifaysaahi waa,   inan Xabiibteena
xag san bay Xayaadey ka timid,   xalan Dunuubteede
Xulka Reer Adeer ugu yar iyo,   waa Xariir wacane

Xayyigii abuurtee Dunida,   keenay Xididkeeda
Xubbigeenna weeyiyo miduu,   xumo ka dhowraaye
Xarig Reer adeer lagu kaboo,   lugu xamdaa weeye.

Xayyi yaa Qayuum baa Xannaan,    noogu xulay toose
Xaafadaha Adduunyada intay,    xuladka daaqayso    ---- Nolol ku xuurayso
ha xifdiyo Xannaaniyo Wanaag,    Xawli ha u siiyo
Xuural-cayn sideedii Dunida,   ha u xannaaneeyo.

waynu wada xijaabano Adduun,   Waarid laga xoorye
ayeydeed xabiibiyo awoow,   gebi Xigaalkeedi
xisbigii saxaabiyo rasuul,   Xarafka noo keenay
toos ha ugu xiriirshoo Illaah,   Xero san haw hooyo.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk