Xannaaney Bashiir, 11-07-2015
Xannaaney Yariiseey bashiir, Xubintan soo biirtay,
Xiddigtaan ifaysaahi waa, inan Xabiibteena,
xag san bay Xayaadey ka timid, xalan Dunuubteede,
Xulka Reer Adeer ugu yar iyo, waa Xariir wacane,

Xayyigii abuurtee Dunida, keenay Xididkeeda,
Xubbigeenna weeyiyo miduu, xumo ka dhowraaye,
Xarig Reer adeer lagu kaboo, lugu xamdaa weeye.

Xayyi yaa Qayuum baa Xannaan, noogu xulay toose,
Xaafadaha Adduunyada intay, xuladka daaqayso,   ---- Nolol ku xuurayso ---
ha xifdiyo Xannaaniyo Wanaag, Xawli ha u siiyo,
Xuural-cayn sideedii Dunida, ha u xannaaneeyo.

waynu wada xijaabano Adduun, Waarid laga xoorye,
ayeydeed xabiibiyo awoow, gebi Xigaalkeedi,
xisbigii saxaabiyo rasuul, Xarafka noo keenay,
toos ha ugu xiriirshoo Illaah, Xero san haw hooyo.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk