XAMZA (31-01-2005 ~ 24-11-2005), 24-11-2005
Inkastoo Xamsow barashadaa, aan ku xagi waayey,
Xayndaabyo Eebbaa jiriyo, Xero Ilaaheeye,
oo Xamar na kala geeyey iyo, Xeebihii Dikhile,
waan rabey Xamiim-dheerta iyo, Xarafka diinteenna,
inaan kuu xarriiqoon weliba, kuu xabeebsado e,
oon madaxa kuu xiiro oon, kuuna xarakeeyo, ----------
Xukun naga sarreeyaa yimoo, Baababkaa xiraye.
 
Xamse aabbe xubbigeygiyow, Xaakimna i siiyey,
Xinjir layga beeraad ahayd, Xididdadeydiiye
Xogta inad saqiirtiyo markaan, helay Xaqiiqdaadi
Xaadday dhaqaaqdiyo intii, Xubin i muuqeehe,
 
anoon weli Xishoodkii ka tegin, Xaalufna an gaarin,
Ilaah bay xasiliyoo Qalbiga, yiri xusuusnaawe,
Iimaanna igu xoojiyoon, laabay xagashiiye,
inan orod xammeeyaa ma jirin, dhawr xakabadoode,
Xummaddiyo haddiii aan qandhadi, kuu xaddido maandhe,
sidii aan xaraarugay cuntadi, lay xaraariyaye,
 
 
Sakaraad xanuunliyo haddaad, Laxaw xakaaraysey,
waa Xugun Alloo Xaalku waa, Xaakin amarkiiye,
maan rabin in Xaaddaada ay, Xadanto gaadhaaye,   ay gaadho ---
haddii Talada lay xeeliyee, Xeer la dhiganaayo,
ama Laxawga inan kaa xawilo, Xulasho lay siini,
oon Siniin xakaaraayo een, jiifka ka xubeeri,
adigoo Xariir ku hurda iyo, meel Xarrago taallo,
Xuuro dheer ayaad geli lahayd, raaxo Xarunteede,
 
Adigoonba Duul xamanninoon, cunina xaaraanta,
kol haddii Xabaal lagu dhigee, Xalay laguu hooyey,
Xamdi baan u celin Xaakimkii, Xeer islaam dhigaye,
Allow Xididka wacan tuu dhalee, Xumo ka dhawrsaayey,
Xamza hooyadii iyo aniga, Xiiqda berigeeda,
ee lays xakaarinahayee, lays xisaabinayo,
Xaakimow ka yeel kii Xuddama, naga xoreynaaya.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk