Xamdi Kediye, 25-09-2014
Maansadan Xamdi Kediye oo soo baxday 25-09-2014, waxay ka hadlaysaa -----------

xamdi kediye -------------------,

Hormuud iyo xulkeenniyo waxaad, tahay xabiibteenna,
ummad sharaf ka xuub siibataad, xalli is leedahaye, ---------
duul qabiil xakaarshaad walaal, tahay xulkoodiiye,
xididkaad ka soo jeeddey waa, reer xakama goyse,
xariggay jaraan soo xiroo, -----------,

ha ka xiiqin ------,
inad xiiqi Xasad uu ku nici, lugu xakaaraayo,
oo lugu xumaynaayo baan, caad iga xirayne,
ha ka xiiqin xamdiyey tolkaa, Xibinta Soomaali,

haddii ay ku xaal marinnin oy, kuna xumeeyaanna,
Xuud waalan walaalkiis ayaa, haya xiskiisiiye,
xididkaad ka soo jeeddey waa, reer xakama goyse,
ha ka xiiqin xamdiyey tolkaa, xibinta soomaali,

Xabaal bay dul yaallaan kuwaad, xidid wadaagteene,
qabiil ay xurmeeyeen ayaa, saa u xaaqaya e,
xakaarkiyo dhibkey soo mareen, maba xusuustaane,
qalbigaa xirmiyo goob kastoo, garasho xaalayne,
goortay is xaasidi ayuu, taam xiskood yahaye,
cadawgoodu goortuu xumayn, xawda wada goyni,
xaabkiyo calooshiyo mijaha, kama xaggeeyaane,

xuurtaa ku wiirsaysa iyo, duul xumaan badane,
xaasid bay intaa caawiyaan, xuladka ciilaane,
ha xakaarin xamdiyey marnaba, dhici xuquuqdeenna,

xuskay odaga beesha u dhigaan, Xoolo loo qalayo,
hooyoo xuquuq odayga dheer, ugana xeel dheerna, -----
Xus ha kuu dambeeyee xitaa, maba xusuustaane,
oo ehelkeedi bay xaaqayaan, --------------,

xamday hooyo uma dhigahayaan, kana xuquuq dheere,
xabaashay ka soo eegayaan, saddex xuquuqleeye,
inta ay xaqoodii inkiri, oday xiriirayso,
ha ka sugin xabaal mooye iyo, inay xumaadaane,

xabaalaha gantaalaha ka iman, xawdka wada gooye,
inay xeel horumarini iyo, -----------
xasuuq bay ka doorteen kulyoon, qaxa u xaabxaabso,

xaaraami xigtiis raadsan oon, qaranba xaalaynin, -----
Xilmadhibe xil bay dhiba yirey, daba xadreeyaane,
iyo midan xishoon bay intaa, daba xayaadaane, 

xishoodkiyo xijaabkaan u bogey, kugu xariirnayde,
xilkii nimanka baad saarsatiyo, Xoog ka sii badane,
xurnimada midduu daayacaad Xeel, ku raadiniye,
ha xakaarin maantiyo berriyo, beri la xiiqaayo.

Xaliimkey xamdaay kuu gargaar, oo ku xaal marina,
Xayaad iyo dalxiisnimo ku dhaaf, xiiqda sakaraadka,
ha xakaarin beriguu khalqigu, xuurta geli doono,


Yuusuf xasan ina macallin iyo, shukri xariireyba,
xulka faarax macallin iyo, -----------------, 

samankuu xabiibkeenni yiri, waa xarkaha goyska,
oo xishoodka way diidayaan, xaawaley badiba,
xilligeedi waadiga arkoo, xaadir baad tahaye,
quruxdaan Xijaab lagu helayn, xaydo lagu waaye,
Xuub caaro tii xirata ee, xulusta muujaysa,
ee tuurta xurmadeeda oo, suuqa xarakaysa,
mid Xalaal karaahsanhayoo, jecelna xaaraanta,
baa intuu xafuuqsado tufoo, xeebta soo dhiga e,
xishoodkaa ku dhawrsoo walaal, xiro xijaabkaaga.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk