XALWO-HILAAL 19-02-2005
Maansadaan Xalwo-Hilaal oo soo baxday 19-02-2005, Waxan u tiriyey Wiil aan qaraabo nahay oo ii sheegay inay jirto Gabar uu aad u jecelyahay oo uu la socdey muddo 5 sano ah, balse inay Daacad u tahay iyo in kale uu ka shakiyey, oo uu is yiri amay faqri kugu nacaysaa iwm, markaa ayuu maansadan aan u sameeyey ku leeyahay Xalwoy waan kugu xiiqay, dartaa baan bulshadii uga dhex baxay, magacaaga Xalwo xiisaha aan u qabo awgeed baan anoon xalwo aan cuno rabin lacag aan ku iibasadana ii fududayn ayaa maalin walba Xalwo-Xaaji-Ciise iyo Xalwo-Hilaal ay shilimaadkaan sida alle ogyahay ku soo helo iga dhammeeyeen, sidoo kale xeebahaas ayaan sidii qof waalan marba dhan u lugeeyaa, anoo adiga kaa fikiraya oo qalbigaygu kugu maqanyahay ayey maalin walba baabuurtu bareeg igu dul qabataa oo aan arkaa iyadoo Hoonka dabada la ii qabtay, ugu dambayn walaaley arrinkaagana waan fahmi la'ahaye, ma xiddigaha dushaydaadaad ku xirantahay oo cid kale ayaad la haysataa, anigana imaba ogid oo waad iska kay maaweelisaa, il iyo cawrana Allaha kaa hayo oo allow aanan anigu sidaan kuu jeclaaday ku ilaysane, waxan kuu sheegayaa in ay noloshaydu daraaddaa halis ugu jirto, ee maanta xaqiiqda daaha iiga qaad, haddaad daacad ii tahayna iiga farxi, haddii kalena xalaal calayk un baan iska eeyahay, laakiin adiguna u diyaar garow nabsi aan inta aad nooshahay kaa harin, calaa kulli siduu ii sheegay markuu u geeyey aad bay ugu calool xumootay una sheegtay inay awel wax un jireen haddase ay 100% u tahay, waana tan maansadii yarayd ee XalwoHilaal:-

- Xalwadaan jeclaayeey, Xubbigiyo kalgacalkaay,
tii ahayd Xabiibkiyo, Xawl mariidka keeyaay,

Xigtadaan lahaay ee, Qalbigayga xirataay,
inantii Xishoodkiyo, Xaqdhawrkaba lahaydaay,

Ma ogtahay Xayaadeey, Magacaaga Xiisihi,
Xusuustiisa awgeed, in la ii xubeeriyey,

oon Xaaji Ciisiyo, Xalwadii Hilaalayd,
u xareeyey lacagtoy, Shilin iga xayuubsheen?

* Ma ogtahay Xabiibaay, Xubbigaaga awgii,
Xiskii inuu ku raacoo, Xaaje kalena diiday?

oon Xeebta Liidiyo, Xaafado ku meeroon,
iska eegin Xawliga, Baabuurta xiimee?

- Bal an xoorsho hadalkoon, xogta sii (hoose) abbaaree,
Xuf ka siiyo daahee, Xalwoy waxan ku haybiyey,

5 sanaan xaggaagaa, u Xagaa baxaayoo,
ka xabkaysanaayee, weli Xeesha hoosiyo,

maan hayo xogtaadee, Xirkan aan ku noolniyo,
Xiddiggaa dushaydaa, midkee baad ku xirataa?

Xogta aan ogaadiyo, halkuu Xaalku marayee,
Xarig ina midayniyo, Xalka mayla haysaa?

* Xayyigeenna weynuhu, Xoolahuu na siiyiyo,
Xigta caanahoodaa, mayla Xoor dhamaysaa ?

mise Xaal Allaa oge, anun bayska xiiqoo,
Xeeb laga hoyaadaan, keligay xadreeyaa?

- isha kaa xijaaboo, Xasadnimana Eebbaan,
Xirsi kaaga dhigay oo, Xamiim dheer ku saaree, 

dheyel maaha Xaalku oo, Xiddiguhu maraayaa,
haddayse i xaarataan, Xabiibii kuu baqaayaa,

Xumaan kaama aan arag, weli ka Xaasha baad tahay,
Xaraaradan wax keenaan, digniin kaaga sii xiri,

wayska Xaal Adduun oo, hortey bay nin Xulad ahaa,
Xaq wuxuusan u lahayn, u xambaarinaysee,

* anoon kuu xanaaqayn, Xalaal calayk an leeyahay,
Xero 2 afley yuu, Nabsi kugu xeraysanin,

Haddii aad xushmaysoo, qiimayso Xarafkey,
Arooskaa Xariir iyo, Xuural caynti laga yeel,

haddad igu xumaysood, xaalaynin hadalkaa,
Xalaal calayk baan leeyahoo, isna xiijin maayee,

adi yey ku xaaran oo, Xaalku kugu adkaanoo,
Xero labo afleey yuu, Nabsi kugu xaraysanin.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk