Xaliimaa ballaysoo, xumaan mayso gabadhani, 15-06-2007
Maansadan XALIIMAA BALLAYSAY oo soo baxday 15-06-2007 waxay ku timid markii aan arkay eeddadey Xaliima Axmed Maxamuud Faarax Afrax oo aan warshubo iyo soonaheeda ka waayey ruux ammaanaya mooyee ruux xumaan ka sheegaya, waxaanna arkay dumarka oo gabadha ay ammaanayaan yiraahda xumaan mayso gabadhan oo Xaliimaa soo ballaysay, waxan kaloo arkay iyadoo Habeenka mugdiga ah Go' la hullaaban oo cunto karsan ku qarinaysa, oo si dhuumaalaysi ah u kor meeraysa maqaayadaha, iyadoo raadinaysa bal qof musaafura oo gaajo ka cabanaya ama dhallinyarada loo yaqaanno Cali Yaalle, ee aan xaas lahayn, qoysna meesha u joogin, maqaayaddiina u diiddey cashadii iyadoo ku tiri soco lacagtii hore ayaad bixin weysee, amaba mid lacagtii haysta laakiin ay cashadii maqaayaddu ka go'day, iwm, markaa ayaan ka iri:-
 
Eeedadey xaliimaay, xiddigtii dhulkeennaay,
inta ay xayaatadu, xididdada dhaqaajee,
ee adi xidhkaagiyo, xeradaada yimid baa,
waxay kugu xusuustaan, martidood xurmaydiyo,
qaraabada xiriirkeed.
 
Soomaali xeerliyo, dooxadani xamxamtiyo,
la xadraysa maanaa, ee kii xujoobee,
an xajiinta laga rogin, iyo Beer xagaafiyo,
kii Xoolo dhaqataa, intuu Xaaluf haystee,
abaaruhu xiraayaan, xuurteeda mooyee,

markay Roobka xiimiyo, mahiigaanka xoogga leh,
Xoortiisa maalaan, bay is xaasidaan oo,
qof kastaa Xaqiisuu, Xumo uu u diidiye,
inta kalese Xaaqdiyo, Xabaalaha qabuurtuu,
la rabaa xaggoodee,
 
Eeddadey Xaliimaay, Xaawaley dhexdeediyo,
Xasanley ha joogtee,  Xiddigtii dhulkeeniyo,
Xeebihii galbeedaay.
 
inan Xarafka maansaad, Xididkiisa aan qoro,
waxa igu xambaaroo, igu sii xaraadiyey,

Ummaddaas xujeysane, Xamar baallihiisiyo,
Xarardheere joogtoo, xasuuqaysa Maatida,
in yaroo Xakiim laho, faro ay xisaabaan,
mooyee xanaaqsano, Xusul duubka ugu jira,
Xoolo ay lahayn iyo, Xaaraanta cuniddeed,

yaan Xoolka yaabkiyo, galay xaafaddiisoo,
ruux ku xaasidaayoo, ubadkaaga ximayoo,
Xumahaaga sheeegoo, ku xamaaya waayee,

Eeddadey Xaliimaay, Xasanaadka Khayrkiyo,
wanaaggaaga Xiiso leh, ma xisaabi karayee,
aan mid uun xariiree, Xudduud waxad maraysaa,
inay Xaawallayduba, Foosha ay xakaaraan,

hadday Gabari xaystoo, Xamdi loogu magac daro,
ay ugu xariiraan, Faan ugu xinneeyaan,
Xaliimaa Ballaysoo, xumaan mayso gabadhani.
 
Xaaladdaa darteed baan, Xoolo aan ku siiyaa,
gudi karin xaqaagee, Xakiimkey Ilaahay,
Xayyi waxan ka tuugaa, inuu Xiiq adduunyiyo,
Xanuun kaa ilaalshaa, oo Xuudka jira iyo,
belo kaa xijaabaa.
 
Berritona xisaabtiyo, Xananlow siraadkiyo,
kaa xoreeyo Naartoo, Xariirtii Firdawsiyo,
ku xashaashto raaxadi, ood Xabiibka Nabigiyo,
Xerta meel la joogtiyo, Xigtadiisa jannadiyo,
Xuural caynti kugu daro.
 
AAMMIIN AAMMIIN

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk