Xaaji Xasan oo noolaa 23-05-2005 08-06-2006
Maansada xaaji xasan waa maanso iigu fadhisa qiimo weyn, taariikh weynna ii leh, mar waa murug iyo tiiraanyo marna waa xusuus iyo jacayl, waxana jirta in aan si aan caadi ahayn u jeclahay xoolaha ilaahey na siiyey ee Geela, Lo'da iyo Ariga oo xitaa marka ay i ag marayaan ay ii soo carfaan, oo qofka ul ku dhufanaya aan ka naxo, haddaba magacan XAAJI XASAN waa magac aan u bixiyey Wan ay lahayd cid aannu qaraabo iyo derisba ahayn, wankaasna aad baan u saaxiibnay waxana tababarkiisu gaaray heer uu ila sheekaysto, oo haddii aan khalad ka galo uu ii caroodo.

CV gii ama taariikhdii Xaaji Xasan:

Nin gaari watey ayaa Lax markaa nayl weyn ahayd ku jiiray laamiga hor mara warshadda kooka koollada muqdisho ee u dhaw warshaddii hore ee baastada, markaa ciddii laxda lahayd iyo ninkii baabuurka ku dhuftay oo madaxa iskula jira ayaa Maxamed Aadan oo aan qaraabo nahay qiimihii laxda lugu qiimeeyey lacagtii ka dhimmanaatay uu ka sii bixiyey ninkii dhibka geystey si uu isaga ugu keeno, waxase dhacday in uu ninkii dib u soo laaban waayey, kadibna uu ninkii laxda lahaa maxamed ku yiri lacagtaad bixisay mooyee lacagtii kale dhammaystiro sidaana laxda kula wareeg, sidii buna yeelay, waxana dhacday laxdii nayl ay dhashay in uu isla meeshii gaari kale ku jiiray, markaa anigu waxan cidda la soo dersey iyagoo haysta lax rimman iyo naysheeda oo dabada dambe dhaawac ka ah, markaa ayaan maansada Ardoy la yiraahdo ee ku saabsan in laxdan dhalaysa iyo naysheeda aad loo xannaaneeyo tiriyey 22-05-2005 maalintii ku xigtey ee ahayd 23-05-2005 ayey laxdii dhashay wankan xaaji xasan ee maansadani ku saabsantahay. Haddaba wanka xaaji xasan aan u bixiyey oo aan ujeeddo fog ka lahaa ayaa ilaahey wuxuu ii siiyey tababar aan caadi ahayn, oo ay ka mid ahayd haddii isagoo meel iga fog laakiin ii muuqata ama uu iga maqli karo jooga aan ugu yeero magaciisa xaaji xasan, markiiba wuu ii dhawaaqayaa, haddii aan kaalay iraahdo isla markiiba wuu soo dhaqaaqayey, haddii aan iraahdo soo orod islamarkiiba wuu soo cararayey, sidoo kale dadka wananka weyrixiya oo sacabbada u dhiga si uu ula hertamo intuu isi soo daruuriyo ayuu bogga ku dhufan jirey, anigase haddii aan sacabbada u taago intuu hoos u foorarsado ayuu madaxa si dhinacdhinac ah iigu salaaxi jirey, oo ila wareegaysan jirey isaga oo sida bisadda isugu key sahaya, anna markaa baan kor u qaadi jirey, oo aan dhunkan jirey. Afartaa arrimoodba waxaa ka sii darrayd oo mucjiso ku noqotay dad badan oo goob joog ahaa: maalin bay naysha ka weyn oo aad u dhego adkayd ay gashay dukaankii cidda oo ay markiiba sonkorta si toos ah u abbaari jirtey iyadoo boobaysa, markaa baan ul aan ka goostay geedka mirimiriga ah ku xanuujiyey, hayeeshee cabbaar yar kaddib ayaan ka calool xumooday markaa baan si aan u maslaxo u soo iibiyey kun shilin oo meseggo ama haruur ah, mucjisaduna waxay ahayd marka aan wax u soo iibiyo waxan u yeeri jirey xaajiga markaa bay naysha iyo hooyadeed soo raaci jireen isagoo ka soo ordaya, waxase dhacday in markii aan naysha siiyey oo aan ugu shubay halkii aan ugu shubi jirey ay yimaadeen iyadii iyo hooyadeed, xaajigiina uu halkii uu taagnaa oo u jirtey 5 mitir ka soo dhaqaaqi diidey, kaddibna waan u yeeray, wuu iga aammusay, waan u tegey oo aan soo wad is iri, wuu iga diidey, waan soo qaaday oo aan dul keenay haruurkii, wuu iga diidey, madaxiisa ayaan hoos ugu soo foorariyey haruurkii, balse intuu dhinac luqunta u leexiyey ayuu afka iyo sanka ciidda saaray, iyadoo aad arkayso inuu ka caraysanyahay awelba anigaad horta ii yeeri jirtee maxaad naysha xuntaa ugu yeertay? markaa baa wax alla wixii meesha oo meel dukaanka hortiisa ah oo shaaha lugu cabo joogay ay mar qur ah qayliyeen iyagoo leh INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN war dad caadi ah buu noqday, dabadeed si aan u raalli geliyo dib baan u soo iibiyey haruur kale, sidii buuna ku cunay, waxa kale oo jirtey wananka kale ee hooyadiis iyo walaashiis u yimaada wuu ka celin jirey isagoo aad uga yar, wankii u xoog sheegtana naftuu ag dhigi jirey, wan bay maalin siku fiirsadeen markaa buu xaajiga si xun u diley, hayeeshee meel uu galo ayuu wankii kale waayey waayo maalintii oo dhan wuu ka hari diidey intay caradii ka badatay xaajiga, anigana markii la ii sheegay, aniga oo aan weligey qoray gacanteyda cid kula ridin inaan qoray doonto wana damcay, kkkkkkkkk mase dhicin oo allaan ka baqay. aan u soo dego ujeeddadii maansada XAAJI XASAN e, maalintii ay ciddii lahayd xaajiga suuqa xoolaha u iib geyneysey, aad baan u murugooday, xaaji xasanow haddii aan ilaahey kuu abuuri lahayn in lugu gato oo lagu qasho, ama aad cimri dheer lahan lahayd sida bini-aadanka, haddii aan lacag haysto anigaa iibsan lahaa oo ku xoreyn lahaa, haddii aan lacag waayana dagaal baan kaaga qaadi lahaa cidda intaan war yaa reer hebel ah iraahdo, haddaba xaajigu wuxuu dhashay 23-05-2005 waxana la iibiyey 8-6-2006, maansadiina waa tan:- Si un xaaji xasanow qalbigu saakay ii maqane May oo siddeed beri la’ayd sano la soo dhaafay ayaad dunida soo booqatood soona saa’iddaye balse ruuxa lama sii sitoo laga socdaalaaye labadii kun oo sano lixaad saaka lagu biirshey oo Juun siddeed beri tahee saacu kala guuray nuuraa ku seejiday naftoo kaa sagootidaye saadambaa la geyn seyladdii ariga suuqiisa siinkaas markaan saamiciyo sawdki hadalkeeda si kalaan noqdoo seedihii xoogga laga siibye dabadeed anoo saantiraa silic ka dhuumaaya firaashkaad ku seexaysey eed igu salaameysey cag inaanan soo dhigin ayaan goostay subaxaase haddii aan siciid saacid iyo saxarla aan eego sina xaaji iigama sokeyn seeddigay dhabahe kolkey saadka qaadaysey ee lugu sagootaayey kolaan seef la boodiyo kolaan beeca kugu sayro haddaan saatir taa kuu sameyn laguma seemeen dheh balse saan abaal kaaga dhigo saacan dabadiisa iga xiran inaan soof dambiyo neef salaaxaaye ama aan shamuurey sidii shilin u siiyaaye socotaye salaamaan ku iri saaxib nabadeyna !!! --------------------------------------------------------------------- NB: 23-05-2005 : waa maalintuu xaajigu dhashay. 08-06-2006 : waa maalintii la iibiyey. Nuuro : waa gabadhi suuqa u iib geysey xaajiga. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk