WAXARO GUURAYN - 12 Apr, 2007

Inkastood Warshubo dhowr Habeen,  Roobka walambayso
ood Wacanri Carafsayso iyo,  Waran ka siibkiisa
oo Wanaagga keedaahi aan,  Weedh yar lagu sheegin
oo tahay Wasaarado ka roon,  iyo Wakaalaadba
Waqtiguu ka da'o Roobku ee,  Waraha ceegaago
waxan sheego garan maayo ee,  jooji Wararkeeda 
Wanaaggeedan soo koobay baa,  waxa u sii dheerna
milki Waalidkeennii horiyo,  waxa Walaal jooga

Dhanka kale Adeerow Warshubo,  waxa ku weegaaraan
inta badan Wareer baa jiriyo,  kala Walaahoobe
Qofka Weel u soo qaata ee,  Weera Nolosheeda
Wiirada Cadceeddiyo Kulayl,  Waalli agaheeda
Il-Wareer hadduu eego buu,  Aragga waayaaye

Bahal inuu warjeefiyo inay,  Qodaxi wayraafto
iyo miduu wareerini Qabiil,  Aano lagu waashay
in Rasaasta uu soo ridaa,  Wadaha goynayso
ama Weydu Neef ay dishee,  Caato ledi waayey
intuu Ceel u sii wado inuu,  Ruuxa ugu waayo

Intaasoo Masiiboo warshubo,  looga kala weecdo
iyo Qaar Waraaqahayga aan,  Waafi ugu sheegin
oon kuwan wareegaya agtey,  ugaga waabsaayo
inuu Waaxid kaa keeno oy,  Belo ku waydaarto
horaa loo War jaray oo Adeer,  Waa' horaa la yiri
Sacu waa halkii Geeso weyn,  Waaxid uga keeno
Garna waa halkii Weynahiis,  Wiilka uga saaro
oo inaad Warshubo deyso ood,  Webiyadaa aaddo
ood Harraad ka waynaato iyo,  Waro dhanaannaada
ood uga Welwelin Beer dambiyo,  Biyo waraabkeeda
waan ka quustay oo taa Adeer,  waaban kaa sugine

balse Weynahey baan Baryadi,  weheshanaayaaye
Daruur Eebbe soo waariddoo,  Waraha buuxaysa
Welwel oonna kugu daayo iyo,  Waxaro guurayntu
Waddankaaga adigoon ka tegin,  Wananka kuu jooga
ood tahayna Waayeel Xaqoo,  Waano laga qaato
Waaxidkay ha kuu keeno waa,  Waasac Gacantiiye.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk