Waxaro guureyn- 12-04-2007
Maansadan Waxaro guureyn oo soo baxday 12-04-2007, waxan kula hadlayey Adeerkey C/Laahi Sh. Aadan, waana tan:

Inkastood Warshubo dhowr Habeen, Roobka walambayso,
ood Wacanri Carafsayso iyo, Waran ka siibkiisa,
oo Wanaagga keedaahi aan, Weedh yar lagu sheegin,
oo tahay Wasaarado ka roon, iyo Wakaalaadba,

Waqtiguu ka da'o Roobku ee, Waraha ceegaago,
waxan sheego garan maayo ee, jooji Wararkeeda, 
Wanaaggeedan soo koobay baa, waxa u sii dheerna,
milki Waalidkeennii horiyo, waxa Walaal jooga,

Dhanka kale Adeerow Warshubo, waxa ku weegaaraan,
inta badan Wareer baa jiriyo, kala Walaahoobe,
Qofka Weel u soo qaata ee, Weera Nolosheeda,
Wiirada Cadceeddiyo Kulayl, Waalli agaheeda,
Il-Wareer hadduu eego buu, Aragga waayaaye,

Bahal inuu warjeefiyo inay, Qodaxi wayraafto,
iyo miduu wareerini Qabiil, Aano lagu waashay,
in Rasaasta uu soo ridaa, Wadaha goynayso,
ama Weydu Neef ay dishee, Caato ledi waayey,
intuu Ceel u sii wado inuu, Ruuxa ugu waayo,

Intaasoo Masiiboo warshubo, looga kala weecdo,
iyo Qaar Waraaqahayga aan, Waafi ugu sheegin,
oon kuwan wareegaya agtey, ugaga waabsaayo,
inuu Waaxid kaa keeno oy, Belo ku waydaarto,

horaa loo War jaray oo Adeer, Waa' horaa la yiri,
Sacu waa halkii Geeso weyn, Waaxid uga keeno,
Garna waa halkii Weynahiis, Wiilka uga saaro,
oo inaad Warshubo deyso ood, Webiyadaa aaddo,
ood Harraad ka waynaato iyo, Waro dhanaannaada,
ood uga Welwelin Beer dambiyo, Biyo waraabkeeda,
waan ka quustay oo taa Adeer, waaban kaa sugine,

balse Weynahey baan Baryadi, weheshanaayaaye,
Daruur Eebbe soo waariddoo, Waraha buuxaysa,
Welwel oonna kugu daayo iyo, Waxaro guurayntu,
Waddankaaga adigoon ka tegin, Wananka kuu jooga,
ood tahayna Waayeel Xaqoo, Waano laga qaato,
Waaxidkay ha kuu keeno waa, Waasac Gacantiiye.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk