Warshuboy, 13-06-2011
Warshuboy wanaag iyo badney, wehel samaanleeya,
warshuboy wanaag iyo badney, wananka buurbuuran,
welimmooyin laysugu wiciyo, waax dhan hilibkeeda,

anoo waarso joogiyo anoo, Naato ka waraabi,
xusuusteyda waqtigaad gashee, haatuf ii weriyo,
xusuusteyda waqtigaad gasheed, weesho miyirkayga,
ayumbaan ka weecani rugtaan, haayey wararkeede,
Wadaantaan sidaan tuuri oo, waan walfinayaaye,
Waaxidkey Warshubo weersan iyo, Raaxo kugu waari,
oo wixii dhibkaagaa wadiyo, cadawga kaa weeci,

wacanaa inaan Waa beryaba, joogo warahaaga,
wacanaa inaan waa beryaba, kaa war hayo ---,
Bad yarey wareeggeeda ---, iyo bad weynteeda,

waayaha ku soo maray haddaan,
waraaqay ku wada qoranyihiin, waabka
gal weylood warteediyo ilaa, Dogob wareeggiisa,
alla maxaad war haysaa Warshubo, waan lagaa qorine,

War yareyda milixdiyo War weyn, Wahabka xaasweyne,
Waddadii Hanriyo 
warsan
Wanankii la ruuqaayey ee, Walimmo 
ee hilbaha u waaweyn tarriiq, lagu walwaalaayo,
Wasiirrada wallaan laga aqoon, Wacar dhawaaqeede,

iyo Gal Weylood,


ayumbaan anoo wali arkaa, farax i waalaahe,
kolkaasaan wadaantaan sidiyo, waadiga an joogo,
miyirkey ka weecano adiga, kuu wefdiyayaaye,
waaxidkey warshubo weersan iyo, raaxo kugu waari,
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk