Wareertoy adduunyoy, 30-08-2018
Maxaa waalid xulkiis, wacdaraha adduunyiyo,
Waayaha na soo maray,

waxaa horeba loo yiri, Wareertoy adduunyoy,
ninkii sii wareeyey, Wareer badan ku beertaa,

Warku wuxuu ku egyahay, Waalid soo kifaaxoo,
Ubad wacan soo korsaday, waajibkiisii gutoo, ---
Weynihiisa caabbudiyo, Cabdulqaadir wakaas,

jecliyaa Warkiisiyo, Wejigiisa sharafta leh,
Ilaahow Wabaal iyo, ka ilaali Weyd iyo,
wareerkaa adduunyada,

Berritana War raaxiyo, ka waraabi Janno oo,
Rasuulkeenni wacnaa, Wehelkiisa ka yeel,
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk