Walaalkey walaalkey dila, 29-11-2015, 25-1-2016
Maansadan Walaalkey walaalkey dila oo soo baxday 29-11-2015, --------

Walaalkey walaalkey dilee, wadaha goynaaya,
walaalkeyga aabboo dilaa, wiilka ina hooyo,
oo walaalka hooyana dilaa, wiilka ina aabbo,
aabbena walaalkiis dilaa, hooyo weligeeda,

waalidkoo ka waabanahayoon, waxba dareemaynin,
wiilkiisa waaxyaha jaraa, hoy waryaa oranin,
wedka tolu tolkiisii u sido, waaga berigiisa,

waa waxa Winsoor naga ridiyo, Waarso barafkeede,
Waaxidow hanuun geli midkuu, geli wanaaggaagu,
oo allow wadnaha goo midkaan, rabin wanaaggaaga

Waaberigan Roob weyn helnee, Waaxid noo di'iyo, 
waddankuna cagaartee nimciyo, fiiddu walaclayso,
inan Waaxid mahaddiis qirnaa, noo waddo ahayde,
oon ku wada sallinnaa nabiga, waafi loo rabaye, awwc ---

iska daa baqaylnimo Wed iyo, Wiriq dhexdeennaaye,
waa inaan saddaqo waaridnoon, bixinno waaraade,
oon wanan iyo orgida qaybinnoon, waylo qalannaaye,
oon gaalo weydaysan aan, walax ka siinnaaye,

haddii uuse waashee tolkey, Waaxidki illoobay,
noolaha wixii uu arkana, baas ku warateeyey,
uuna wabarna dhaafayn Saqiir, naaska weli nuuga,

wax kaleba ha joogaan dadkaa, waaba aadane e,
kuwa Ari warjeefee rasaas, wii' leh ku asqeeyey,
oo siduu libaax waalan dilay, waray arwaaxdooda,

waa wuxu dareenkood dhintoo, waayey dhimirkiiye,
waa waxa wareeg iyo dalaw, Waarso nagu geeyey, 
oo ina waraarshoo wareer, nooga dhigay Waayo,

Waxshigii libaax maalintuu, weerar belo qaado,
mar uu Dibi warjeefiyo mar uu, Geri wareenteeyo,
waneydiyo ugaartuu ritee, soo websaalinayo,                           
haraagii waraabaha sugee, aga wareegaayey,
+
sidiisii wadaadkaa tacsida, walimmadeed dhawra,
oo beliyo waawarey u tahay, waa'du faraxiisa,

ee labo walaalaa inuu, galo wareer weyni,
kala weecadkoodiyo u jecel, dhiigga walacleeya,
iyo inay is weydaarsadaan, weerar iyo gaadmo,

waa waxa Winsoor naga ridiyo, Waarso Barafkeede,
ilaahow wadnaha goo midkaan, rabin wanaaggaaga,

Walamsiya halaaqsiga wadaad, gawso warammaa leh,
ee maydka waran maalintaa, yahay wanaaggiisa,
qosol wigigixaa sida dhurwaa, maati ku wahleyni,

sida orgiga waalootiyoo, woohdu uga yeerto,
uu ubadka wada maydayaa, wayrax kaga keeno,
oo nabaddu weyd iyo u tahay, ruux wadnaha gooyey,
oo wanaagga beeluhu helaan, yahay walaaciisa,
+
oo beladu Waal iyo u tahay, wuxu walaashaayo,
waa waxa Winsoor naga ridiyo, Waarso barafkeede,
Eebbow wadnaha goo midkaan, rabin wanaaggaaga,
+
haddii uu ka waantoobin ee, waano geli weyso,
waxshigaasi qabo waaxidow, wayne baa tahaye,

intii uu Warjeef daawan laa, duul is wada laayi,
haddii uu waryaadoy yiraa, weerarrada jooja,
caro Waaxid weeyaan sidaa, waydin naar geline,
+
ma jireen waxaa ina hayiyo, hooggan waalaniye,
haddii uu ka waantoobin ee, waano geli weyso,
allow Waaxid naga qabo wadaad, dhaqan waraabaa leh,

Waaliddadii ayuu yiri gabdhuhu, arigin weeyaane,
toban geela kaan wadannin een, walimmo keenaynin,
waxba yaan la siin oo gabdhaha, waardiyaha saara,

ha yeeshee adduun Wiiqan iyo, Weel baraa jira e,
waddaduu sameeyee isagu, sheegtay weligeeda,
wiil haysta toban geel markii, beeshi laga waayey,
+
welimmadina uu waayey ee, gawso warammoobay,         
walba beeca dhima waalidkii, weydsha muu orane, ---
Weris buu ka yiri daaqaddii, werisay maandhaaya,
Waa' hore hadduu aabbahaa, haayeey weligaaga,
weligaaga muu ahan haddoo, waalay odaygiiye,

sidi waagii hore muu ahoo, aabbe wuxushowye,
wakiilkey ma tihid baad ku oran, waadna caasiyiye,
ka wareegso waran Jinni ha galo, waalidnimo diidye,

waa manaxe waxaan geel ahayn, gelin warkeedaaye,
ood guur ku weyn iyo awlaad, Waalid kaa dhigan e,
ee hadduu waraaboobey oo, waawda guri haatan, ---
+
welinnimadi aabbiyo ma laha, waalidnimadiiye,
ka wareegso waran jinni ha galo, waalidnimo diidye,

Waddo kale anaa kuu hayoo, kaaga wacan taase,
Waaxid baa masaafada u dhigay, waalid bahaloobay,
Wanlaweyn ayaan kuu wedaa, Waab ku leeyahaye,
daaqada ka bood waa jid iyo, Wayne amarkiise,

Halkaas buu Warkiisii maraa, dhaqan waraabaale,
ee hadduu ka waantoobin ee, waano geli weyso,
Weynahey ka qabay maatiduu, wii'da uga siiyo,

war Balaayo caammadu illeen, waa galoof tanaga,
wadaadkaan la joogee haddii, Geel lasoo weriyo,
iyo goorta gabadha uu watee, weerar uga qaado, welinnimaw sheegto
labadaba waliimo an gefeyn, heli wuxuu doono,
 
bal maxaa caqligi weydshey oo, odaga weeteeyey,
oo una gumeynaya wadaad, gawso warammaa leh,
oo qoyska weerarahayoo, tiisa wadanaaya,


weynoow adaa waaxidee, qabo wuxuushkaasi,
LEG inuu walwaashiyo yaqaan, waaxya rarashoowe,
weylaha ma yeeliyo wixii, Wanan ka hooseeya,
ee allow adaa waaxidee, qabo wadaadkaasi.


---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk