Wadeeciyo Waano & Jawaab, 04-07-2018, 3,2,2,3,1
Ereyo hees la soo diray
1- Wax baa jira aan la sheegin, War baa jira aan la baahin,
Wadiiqada aad ku foofto, mid weyn bay kuu waddaaye,
waddaa jirta aan la qaadin.

2- Wanaagga haddii la daadsho, xumaan weel lagama buuxsho,
wacnaantu hadday cidlowdo, wadeecaa kula degaysa,
wedkaaga qofkii u xiisa, ku sii weel caanahaaga.

jacaylku hadduu wareero, walaalnimadaa ka fiican.
---0---
3- Wadaayga Qudhaadu doonto, samaanta kolkaad ka weydo,
naftaada adoon u waalin, hankaaga dartii u wiiqin,
ka weydaaraA BA dhaanta.

4- Wareegtada caashaqaagu, waabaayo haddey dhalayso,
dareen wadnahaa abbaaray, hadduu wehelkii ka quusto,
walaac buu keenayaaye, adoon qubin waanadeyda,

jacaylku hadduu wareero, walaalnimadaa ka fiican.
-----------------------
1- Wixii jira een la sheegin, warkii jira een la baahin,
dhankaad u wadeyso maahin, Jidkeedi ka weecisaye,
warkoo saxa hoo guddoon bal,

2- Wanaagga qofkiisi daadshay, xumaan Weelasha ka buuxshay,
cidleeyey Wacnaanti weynayd, Wadeeco la duuli doonto,
u xiisay Wedkiisi maanta, Waraabuhu adiga weeye,   (waraabi sunteed adiga weeye)

Jacaylka qofkii wareershay, warmeynayey adiga weeye,
Walaalnimo yeela mayside, Walaalnimadaada hayso.
---0---
3- Wadaay weligaa ma doonin, Samaan weligaa ma weynin,
Naftiisa midkeenni waalay, ka weydaarada mudnaana,
Wareer qabahaa ad weeye.

4- Wareegto xun buufinaaye, Wabaayadu helina doonto,
shartiisu Wadnaha abbaartay, Wanaaggana looga quustay,
Wadeecada soo abuuray, Balaayo wade adiga weeye. ----------

Jacayllada kii wareershey, walaaqaya adiga weeye.
----0----
----0----
Dabeecadu kay wufuudday, Wardheer goor hore ka aadday,
ka waalani hooska kiisa, Washlaynaya sida wax waalan,
Waraaqaha arurinaaya, wareersani adiga weeye.

Warrowga dadkii xasdaaya, balaayo inay wareento,
baryaayana Waaxidkeenna, inuu rogo Waalidiinta,
carruurtuna Waalli qaaddo, weydiisani adiga weeye,

Warreyga habaarka qabee, walwaali xantoon xishoonayn,
Walaal waanadina diiday,  kaligi Waalada ciyaaray,
Walaalihi kala fogeeyey, Wabaal dhigi adiga weeye,

Waraan horaw jirin abuuray, Wadiiqada beenta keenay,
Washiinsiga noo yimaaday, Addoommada wacal ku sheegay,
wuxuu rabo lana aqoone, Wareer dhigi adiga weeye,

Wariiri isagoo ka liita, wuxuusan ahayn is moode,
walaalkoo wada caweeya, cidloonaya Waab dhexdiisa,

wuxuu bixiyoon la haynin, hadduu Webiyaalo sheegto,
asuu Waagii beryaaba, Balaayo la waalanaayo,
Xiriirka in loogu wiiqo, maxaa War ahoo bal dhaama?

Walaahow
Walaalow qofkay dhibayso, Walaahowga jacayl u haaya, 
oon webigu liqin, wadaan la go'day
ka weynay 
wadaan

----------------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk