Waan wehsanayaa 24-12-2005
Maansadan  Waan wehsanayaa ee soo baxday 24-12-2005, waxay ku timid mar aan marayey halka loo yaqaan  Balaas Raamboo, balaas xarbi ee ku taal bartamaha magaalada Jabuuti, ayaan ku imid meel kala barta basaska jabuuti ka shaqeeya, oo labadii xaafadoodba ay dhexeyso meel uusan dhererkeeda sare u jeeda rubuc mitir ka badnayn, dabadeedna halkii aan ka tillaabsan lahaa, un baan is arkay aniga oo ka caajisay, oo meel 5 mitir jirta ka soo wareegaya.

markaa waxaa igu soo dhacday, iyadoo adeerkey markuu dukaanka wax iiga yar dirsado ee aan ka waayo, siduu dukaanba dukaan iigu dhiibayo aan min Shiirkole ofishaale ilaa Ceelgaab socon jirey, taasi oo uu adeer igala diriri jirey, isagoo leh dukaanka ugu horreeya haddii aad ka weyso, iska soo laabo dhib weyn looma qabee.

Haddaba waatan maansadii aan ku gartay in aan gaboobay geeriduna fogayn:-
  
Bal haddaan xusuus waa horaa, dib u wareenteeyo,
qandhadoon ku waalaynin ood, yara wax uun doontay,
oo waa' kiniin iiga diray, Weris dukaankeeda, 
ood i tiri haddaad waydid oo, waristu ay haynin,
ha fogaanin waan kugu aqaan, inad wufuuddaaye, 
soona celi waraaqdaa adeer, waan ku sugayaaye, 

Hayeeshee adoy waaniyoo, ina wanaajaayey,
markan Weris ka waayoy i tiri, wiilow ma an haayo,
waxan iri bal weydii Wadaad, Weris ka sii jeeda, 
on haddana wadaadkii gudboon, warafka sii tuuray, 
midba suu mid kale waalidow, iigu weecinayey, 
Ceel-gaabta waataan ku tegey, walhashadeydiiye,

ma ahayn wabaal caasinnimo, mana wardiideyne, 
Da'yarey waddoo daalya orod, maan wareyn jirine,
waxanaan lahaa waatan baa, waayey uga roone, 

iyadoonba xooliyo Wiyeer, Weylo la i raacin, 
oo aan wareegaayo oon, Suuqa walambeeyo, 
wadiiqada hadduu Waab xiree, gooyo waddadeyda, 
maan weecaneyn bootin baan, wiifta hayn jiraye, 

war kalaase soo waaridoo, waayahaan yimide, 
iska daa bal Waab ee hadduu, dhagax i weydaarto, 
iigana sokeyn Wari bannaan, boqolya waaryaalo, 
waan weecan maantoo adeer, waan wehsanayaaye, 
sow inuu Qabrigi waafi yahay, taa ma werineyso ? 

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk