U ADKAYSO TARXIIL 11 Feb,2013
Waxa aan la yaaboon, website-yada ka aqriyey,
kuwo ku andacoonaya, inkaaranaa sacuudigu,
ubadkii soomalay, ayraboorki muqdisho,
tarxiil ay ku keeneen, 

war hoy eeda badanlow, ruux aan inkaarrayn,
ama sidi nabigiyo, asaxaab hijrootoo,
shirki lagu ijbaarayo, arligiisii uga tegin,
madax-madax umuu galo, kob an laga aqoon oo,
kuna dhalan awowgiis.

xaaji maad ahayn oo, uma tegin cimraysiye,
adigoo ordaayaad, ehel wada hurdaayoo,
siday xalay u seexdeen, aqalkoodi jiifaad,
daaqadaha uga gashay, 

haddii aad dayacdood, arliguu ku siiyee,
eebbe kugu beeray ad, meel cidla ah ad dhigtood,
sidi afar waraaboo, ugaar ay eryayaan,
orod kaga adeegtoo, xididdadi unuggiyo,
halbowlaha u ahaa, ay dililijaayeen,

ad xarkihi korontiyo, isgaarsiintu ay lahayd,
agabkii qarankiyo, 

eed duul islaameed, aqalkii ay shisteen,
ad rabtaan isagana, inuu kaaga qaxood,
isna dililijisaan, haddii uu ku qabtee,
qarash uu ku galoo, arligaagi ku dhigay,
xaq miyuusan u lahayn ? 

------
--
----------



War hoy adigan caban oo, ka ooyaya tarxiilkow,
adba hooyo xaqirtiyo, askunkaagi horee,
u adkayso tarxiil.

intad aabbe xusee, ishkin aad u qalee,
hooyana ad xusayn,

ood awoowe xustood, ayeeyana ad xusayn,

ood abkowgii xustood, abootana ad xusayn,

ood oday qabiil iyo, abuullaad xustood,
ayeydii la sinnayd, ee kana xaq badnayd,
iska daa duco iyo, inad shilin u hurtood,
alla bari u dhigtee, ubadkay ka tagtiyo,
arxankeedi jaree

asalkay ka timiyo, ehelkii ay jeclayd,
inta aad xaqiree,

reer  ubbo geed iyo, ilmo geed kaa roon,
magac aynan ka sinnayn, aad ugu yeeree,

ab-ab lagu hoogoo, iniq aan ku tarayn,
inta aad ilaalee,

ehelkii hooyana, aroortiyo fiidkii,
weerar ad ku ekayn, dhiigga ad ka qubee,

adna inad hoogtood, subax noolba oydiyo,
u adkayso tarxiil,

ha eedayn islaamkiyo, gaalan wax kuu dhimin,
adigays qixiyoo, asalkaagi necee,
u adkayso tarxiil.

adigays xaqiroo, ehelkaagi yasee,
ihaanada joogtiyo, u adkayso tarxiil.

adigaa gabadhii, adeerkaa uu dhalay,
adigoo shilin iyo, dhuuniga ka eegaya,
inta aad xaqirtood, odaygii kontomaad,
baa ayaan cad hiliboo, xaaraan ah uu liqay,
cillad aad ku diiddiyo, uga dhiga iimoo,

middaa eyga cuntee, waalidkeed isna cuno,
way islaamtay tiroo, sharaf aad u qortoo,
waa abaalkaagiye , u adkayso tarxiil.

adigays dulleeyoo, ubadkaad lahayd iyo,
abxaddaadi liqee, hoobiyaha ordayiyo,
u adkayso tarxiil.

Adigays ambiyoo, arligaagi gubee,
ha eedayn addoommaha, ilaahay abuurtoo,
ixtiraamka ku nool, ee in lagu dilo iyo,
u adkayso tarxiil.

adigaa hooyiyo, saqiirrada ooyaya,
aabbahood dilayoo, agoontaa sababee,
u adkayso tarxiil.

adigaa masaakiin, aqalkoodi joogtee,
ku taqaan allaheed, intad qoray ula timid,
ashahaado ku yiroo, araxdaa gooyee,
u adkayso tarxiil.

adigoon saqiir iyo, aan u nixin waayeel,

Adigaa nicmadii, ilaahay ku siiyee,
asaaggaaga dheerayd, tuugsiga ka aadee,
badahoo ku liqiyo, u adkayso tarxiil.

Haddii adan mahligyohow, tawbad keen oggolayn,
adigays kaleh oo, abaal marin u helee,
Bii-em aan nixin iyo, ma arxame ridayiyo,
ihaanadad is baddiyo, u adkayso tarxiil.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk