Toganey Soomaali (Soomaali Togan), 01-08-2012
Maansadan aan magaca uga dhigay Soomaali-togan ama Toganey Soomaali, waxay soo baxday 01 August 2012, waxayna tilmaamaysaa in yar oo ka mida cilladaha soomaali badankeedu nolosha kaga dhacday, oo ay ka mid yihiin:

- inay Wanaaggii loo tilmaamo ka maahsantahay oo aanuu warkii fiicani gelayn, shartana si fudud u qaataan.
- inay Nicmadii alle siiyey isku xasuuqdoo qaxooti ka dooratay.
- Maahmaahyada diin la'aanta ah ee ay culummo & caammaba isticmaalaan oo ay ka mid yihiin AFAR &TOBANKA & BOQOLKAAN AQAAN KAA AQRISAN MAYO BAA KA ADAG & Tuug, tuug u lahaw, & Geel lama kala laha ee Xeraduu markaas ku jiraa iska leh, & weliba ninkii la yiri war Alle ka baq oo joogso oo ninka ha dilin, ee yiri isii daa, Alle ka baq & rag iska dhici meel islama galaane, aan ragga iska dhiciyee, yacni waa in uusan Alle ka baqaynin oo uu caddaystay,

- in ay dalkoodii Alle siiyey ee qaaliga ahaa qaxooti ka doorteen oo wasiir dhami safarka uu fursadda u helo isku dhiibayo.
- is xaqiraadda & isla weynida doqonnimo, oo aan haba yaraatee wax sababa lahayn.
- in qabiil walbaa isbaaro agoonta & musaafurka lagu dhaco oo magacooda loogu yeero leeyahay, oo ay culummo & caamaba raalli ka yihiin, ciddii ku doodaysa qaar aan raalli ka ahayn baa jirana waxan ka doonayaa inay keento guryo la yaqaanno oo xoolaha ay qalaan ama ducada ay qabaan aan la cunin, amaba xitaa shaqsiyaad la yaqaanno oo gurigaas tegiddiisa diiday illeen kii tegey wax wuu ka cuniye, waa maya oo xitaa sheekooyinka caadiga ah & war badnida soomaalida meelna loogama soo daro, sidoo kale ma jiro qof suntan oo la yiri hebel xoolihiisu xalaal maaha.

- in aabbe abtiriskiisa ilaa nabi aadanna ha gaaree gar & gar darroba naf & maal loo huro, hooyadii qabiilka  odaygaas la dhashayna aan iyada magaceeda xitaa la aqoon.
- Gabdhaha aan qaan gaarin ee waalidkii leeyahay orod tahriib ee lacag degdeg noogu soo dir taas oo aan dan & heello laga lahayn meeshay ka keenayso.
- Musaafurka habaryarta & xitaa ayeyda lagu kufsado ee aan cidna ka diirayn.

Soomaalidu ihaano jecelaa oo dhan xun wax ka eegi ogaa, Khushuuc la'aa oo  Ad-adakaa, Qallafsanaa oo Dabci xumaa, Tawbad la'aa oo Nafteed halligsanaa, Hantideeda necebaa oo hanti dadow jecelaa, Nabadda shar ka jecelaa, Doorkeeda dili ogaa, Doqon islaameedna u nacamlayn ogaa, Halyeygeeda xaqiri ogaa doqon islaameedse ammaani ogaa, Diin & Dal & ehelkeedba necebaa oo Allaheedii abuurtay qabyaalad ka jecelaa, xalaal necebaa oo il-caddeeye(1) jecelaa, laaluush & musuq jecelaa, miskiin u xoog sheegashadi jecelaa, Marras ku tuma ogaa Marsoobaxse ka gariiri ogaa, Mooryaan u sujuudi ogaa, Wanaagga necebaa oo waawarey u taagnaan ogaa, Diin & xadiis quraafaad ka jecelaa, firkii aabbe caabudi ogaa oo kii hooyiyo ayeeyo dullaysan ogaa, magaceedu Reer Balaayo Hebel Balaayo, nacabkeedna reer khayr Ahlu-khayr, Waraabaha muhdigaa maxramkeed u loogi ogaa oo Ceebteed u soo taagnaan ogaa, Safarrey salaad ku gaadi ogaa, Ayeydeed musaafura ka sinaysan ogaa, ruux ka danqadase la'aa, Waayaha wax ku qaadasho la'aa, xusuusteeduna maranaa, Waagii yimaadaba wareer ku kordha jecelaa, Yaxaasyada caalamka masruufi ogaa, Halkii ay ku hoogtaba u sii hadoodilnaan ogaa, Kay korisaaba, iyaduu koroo, madaxaa ka toogtee, bal waa tan maansdadii:

Tarbiyada islaamkee, is tusmayn wanaaggiyo, iska toosin xumahaan, tubteedii abbaariye,
Soomalaay tusaalaha, tilmaamihi na hoojee, toogashada un noo qoray, farta baan ku taagiye,
Tawaabkiinna eegoo, wixii run ahen toosiyo, Taam weeye ii dhaha, waxan xero taraaree,
tolkey aan ku tacaddana, aan saxee i toosiya.

01- Tiro aan badnayn oo, toodu qarisay mooyee, Soomaali tumaneey, caqligeedu tabaneey.
02- Tii Khushuuca Taabkii, laga tiray Quluubtii, Luqunteedu toganeey, Tawbaddiina diiddaay. 
03- Ruux siciisa turqayoo, saynta ugaga taaganoo, isagu is tarriiqeen, cidi toli kareyney. 
04- Nimcaduu Tawaabkeed, Teel-teelka ugu dhigay, Gacmahaa ka taagtoo, Tuugsi uga dhaqaaqdaay.

05- Walaalkeeda taamkaa, Nasabnimo la too aho, taajkeeda weliba ah, Nolosheeda tiiriya,
06-  Tabar & iyadoon, Taako qura an dheerayn, Jinni taladi raacdoo, xaqiraad ku taagtaay.
07- Diinta taababkeediyo, Tol middii illowdoo, Xaqiiqdii tallawdee, Dhan kaleeto taaganey.
08- Tii Xalaasha diiddiyo, Toobiyaha wanaaggee, Laaluush tubtiisiyo, tii musuqa jeceley.
09- Masaakiin Tummaatiyo, Toorrey ku boobtaay, Ajnabiga ka Taag roon, lugya gacan u taagaay.
10- Tol la'aayda ba'aydiyo, waawarey la taah &, Cudurrada togaayiyo, Tubaal tii jeclaydey. 
11- Taangiga dhacaayiyo, Jiibya taransetaatkiyo, Colaad taagan weligeed, Tuu caligu ka geynaay. 

12- In Tawaabka laga baqo, in Rag layska tiiriyo, isma lehe i daa tiri, Toorrey la booddaay.
13- Afarya toban boqolaad, taqaan oo Qur'aankaa, kaa aqrisa maa tii, tiri oo ku faantaay.
14- wax ma taro wanaagguye, Tuug tuugo u lahaw, tii ay mahmaahdiyo, Tiraabta u ahaydey.

15- Tii hoojinaysee, Hooyadeed Tiriig dheer, Tolkii ay jeclayd &, Tafiirteedi goysaay.
16- Tobannaan awoowoy, waa tol aabbe leedahay, tii isku xasuuqdee, is Tafiir jaraysaay.
17-  Reer Tubaako beel &, reer Tookafeer &, magacyaal tahluukaa, ku Tafiir go'aysaay.
18- igu tiri ku teen aan, waxba aan tareyn &, turuufiyo khuraafaad, tii ku aayo seegtaay.
19- dhirteedii Tubaal &, Tarraq tii ku daartoo, isbaarada u taal &, tuugsiga ka jeceley. 
20- Gabdhaheeda Timiriyo, Tigaad & Tisqaaddii, tii ka saartay aqalkee, ceebooba tiriyaay.
21- Toolmoonti quruxdiyo, aadaabta Taam &, looga dhigay Tusaalaha, tii Tahriibka gelisaay.
22- Toosan & Talisadi, Tahlukiyo halaag &, ma turaan cadaawiyo, tuugada u loogtaay.
23- Afrikaan Tog dhabanaya, Xarko Taabab adag &, Geed intay ku taagteen, tookaysta tiriyaay.
24- Tii aqalki joogtee, Tahriibkii ka diiddana, ciidammawgu tababbaran, teelaysta tiriyaay.

25- Toddobadeedi wiil oo, gabadheedi Toolmoon, kufsi uga tallaabsaday, tii ka diiri waysaay.
26- Toban jirka bikraad ee, Xoog loogu tegayoo, Talalkeedu yeerayo, taan u danqanaynaay.
27- Miskiintii la togayee, tuugo ay qabsaysee, Islaamow ku taahee, taan dheg jalaq u siinaay.
28- hadduu tuuggi u cawdee, Tol la'aayda ku yiraa, degdeg ugu tegeysoo, Tiknikada la duushaay.

29- tii Qabiil u teleftee, aabbaheed ab-tiriskiyo, Hooyadiis tu loo bogay, barta ay ku kala tegi, 
ku ekaysay Tolnimee, aabbaheeda Tala xume, Tirsigiya qabiilkiis, Tawbaddeeda mooddaay.

- taasina ay keenee, qabaliyo taraarkeed, inay Caro la toostoo, tafaheedu dibaaxshaan.  

30- Tafiirtii horeetiyo, Tu aan weli abuurrayn, yaa cadaawe ii tusay, igu talax tegsiinaya, marna tii an oraney.

31- Safarrey tubtoodiyo, Toobiyaha istaagaay, goortey tukanayaan, Tacaalooyin ku dhigaay,
- Tooxey ayeeyiyo, Tuur caddihi awoowgeed, Toddobaatan jirradii, tacabkooda bi'isaay, 
- Dharka tii ka siibtee, tuujisay ayeeyoo, Zino ugu tegaysee, Taariikh ku reebtaay, 
- Toddobaatankoodi, Xubnahoodi tarankoy, Calal qura u taageyn, tooreeya tiriyaay,
- Taa ruux dareemee, Jiririco tasooboo, Tallaabadu cuslaysana, tii aan ka waayaay .

32- Tamuuxday u dhalatiyo, Berrinkii Tagooggeed, Dulum tuu ka qixiyee, tuugsiga ka aaddaay.
33- meeshay ku tarantiyo, Tafiirtii awowgeed, tan martida ka noqotoo, kulyoon loogu taliyaay.
34- Turaabtay lahayd &, Taariikhaheedii, waxay uga tahriibee, marna tii an garanay.
35- halka kale ay tiigsani, qaxa ugu tegeysana, waxay ugu tahriibee, marna tii an garanay.
36- Tubtey iyadu seegtiyo, Taakadey ka booddaba, Tobannaan malyuun &, Deriskeed u tiirshaay.

37- Taariikhdi hore &, Tagtadii illowdee, Timaaddada an garanoo, Berri aan tebeynaay.
38- Tubtii ay ku hoogtiyo, Tarab-tarab wixii baday, marna taan ka tegin ee, Tii uun ku joogtaay.
39- Koox aan la toyan oon, Cid taqaanna jirin baa, madaxaa ka toogtiyo, Tuhun lagu dhammeeyaay.
40- Nibiriga turqaayiyo, Halaqii ka tooxsaday, wixii Mayd la tiiriyey, Cidi tiri kareynaay.

41- Tashigiyo midnimadiyo, Tolka wada jirkiisiyo, Soomaloo tu kaliya ah, Tii ay dhibaysaay.
42- Ha is taakulaynine, Tagoogaha is jebi &, Tafaraaruqeeda un, Tuu faraxa geliyaay.
43- kii Taws u keeniyo, Ruuxa Tuubbo geliyee, ka tirjiya arwaaxdiyo, tuugada u jecelay.
44- Taajkiyo Siraajkiyo, Tabbat & Quluuxiyo, Toobiyihii Rasuulkii, Tii ugu necbayday.

45- Qawlkeeda tooskiyo, Toobiyaha ku beegaay, Ficilkana wax tuurliyo, tuugada ku muujaay.
46- Reero kale Tumaatidi, Taws gelinta laylkii, Tii uun u taagane, Tab kaleeto weysaay.

47- Dumar wada tabcaaniyo, Carruur wada tabaalaa, Qaxa uga tallaabiso, Talyaaniga xadkiisaay.
48- Kuwey qaati taagtee, uga tegey Dhulkoodii, Aano loogu toogtiyo, Tahlukada u beeraay.
40- Kii ay ku tacaddiday, Tubti horumarkiisiyo, Tawbaddiisi seejiday, Taageero ka sugaay.
50- Bililiqo ku toogiyo, xoolahay Tun xoogliyo, Xaaraan ku tawalliday, kuma taajiraysaay,
51- Taana kuma ay deysee, Dullinnimada teedaa, Tahriibkiyo qaxootigi, uga daba tegeysaay.

52- Ciddaan teeda wadin &, Cid la tabar yaraataba, Xantaa & tustuskiyo, Toosh la daba gelaysay.
53- Tabar aysan lahayn &, Faan aan waxba tareyn, Doqonnimo ku tooqaay, ku tafiir go-aysaay. 

54- Ciyaalkii la tuuree, Waalidkiis takooreen, Tabtoodii giddaafiyo, Gidaarrada u tubaney.
55- Habeenkoo bar tegay &, Cadceeddoo tahluukaa, siday Baalle weyn tahay, Shaarica taloognaay.
56- Yurub & Talyaanigoo, dhar toliyo xamaaliya, Hurdo biil ku tooxsiga, tii sharaf ka dhigataay.
57- Tabcan mayso Beertiyo, Dhulka tay ka joogtee, Deris gacan togaalaha, Tabcashada u diidaay.
58- Taqsiin & sigaar ay, Canka uun la tuushtiyo, ii taag shaxaadkaa, ku taqaanno dunidaay.
59- kuwa Tareenka ka dhecee, Waddammadu takooreen, Mootaleyda tuugtaa, tay iska barteenay.

60- haddii ay tasbiixsee, ama Sheeko tirinee, Codka tororogeeyee, sida Tanag la yeeriyey,
     ku tolayso samadaa, deriskii ka toosoo, Hurdo taami waayoo, Dunidii ka talashaay.
61- lafteeduna la tiicdoo, Xididdada taloogmee, kasoo tooxmay qoortaa, sida dheri taqaynaya,
   ama Gaari tararoo, Buur dheer tafaayoo, la tartaray kulaylkii, Candhuuf uun tufaysaay.

62- sida Tiifka digirtey, soo tumatay Beerreey, Xildhibaan Tarmuusliyo, markey Talada qaybsani,
   Reer hebel tuguunbaa, hal qof Tirada naga badan, tiraabtaasi mooyee, kuwo Tayo maannu helin,
   Tii aan aqoon ee, Taa looga quustaay.

63- Tani & Itoobiya, Angooliya Tanzaaniya, Turki & Giriig &, Taalyaanigiyo Maaltiyo,
  Bermuudiyo Talaabiib, Xabsiyada Tiriiboli, Tiiyoo ku hoogtoo, Tarabtarab u taal oo,
  indhahaa un taagee, Tii loogu tegayay.
64- inay Tiih ku sugantoo, Talo cayn wareegtoo, Dibka dunida uga taal, marna Tii an garaney.

ASBAABTA AY SIDAA KU MUTAYSATAY

Tusaalaha caddeyntiyo, daliishii ta'deydiyo, waxan Taab ka dhiganayo, iga hooda waa tane: 65- Turxaan laawe Rixinkiyo, Hooyada tafiirteed, goortay tufeen buu, Tawaabkey Raxiimkey, isagoo u turay uu, Quluubtii taxaaboo, Quful Tobanle seeraa, uga taagay laabtaa. 66- Dhegahoodu Tawbiyo, Tiraab khayr leh ma maqlaan, indhahoodu Tooskiyo, Tubta khayrka ma arkaan. 67- Ruuxa taasi diidee, taagaya fartiisow, bal adiguba taagtaa, Tusaalaaha Qur'aankiyo, axaadiista noo taal, & weli Tu sii dheer, intaad kula taloonbido, Car ha kaa tashiisheen. 68- Tii British ee beri, Teleefoonka duulaya, Booliis u tebisee, tiri SOOS boliisow, walax Timo madow &, Tufulaanful u egoo, Tafahana u dheer baa, ku tashaaya hoostoo, gidaarkeyga tuban oo, Halis baan ku taagnahay. 69- kolkey soo tawaaneen, halkuu Taarku ka yimina, Toos u soo abbaareen, labo hoos tuhaantuhey, waa Tarabbi Raagiyo, Talxe Geeddi Kaariye, Ta'doodii su'aashana, soo tuur Boliiskii, wuxu yiri bal tuugyahay, labo gaari Teetow, Reer madow Tukaalow, maxaa meeshan idin tubay ? 70- Tarabbibaa jawaab yiri, maya Taliye sheekiyo, Tamashlaan ku joognee, Tu kaleeto may jirin, Geeddina is tooxyoo, Tunka giir ka kiciyoo, Feer & Tatoomuu, isla soo turaanturay, Tol la'aay ayuu yiri, ma anoo Tahluukiyo, reer tuuga badan oo, Tobaneeyo dilay buu, Ingiriis tal-huumaa, i soo taaban karayaa ? 71- Taliskii ku bood oo, Dhul intey ku tuureen, kabo Taako dheer &, Tunka Buud ka saareen, tigtigeenna gebigood, bay yireen bal tuugyahay, Gaajahay tahriibkaa, maxaad tari karaysaa ?. 72- Halkii aad ku taranteed, Toltol aad ku ololisay, waxad uga timaadood, uga soo tahriibtana, inad Tiirarkaygiyo, Taababkayga siibtee, ninka tiisi soo gubay, ma tayduu u turayaa ? Hooyadiis Tiriig &, Tusantiisi uu dhalay, ninkii soo tahriibshee, Turriinshay ka waayeen, Taajartaa an dhalay &, Tayda uma naxaayee, yuu Turaabta teennaa, meel qura ka taabannin. ------------------------------------------------------------------------ 73- Eebbow Tawaabow, Taajirkii i uuntow, Tabya xoog ma waayow, siduu taamo yeelow, inkastood Taloog dheer, Taabab adag ka taagtood, tiri Tiimamkii an, tanaadkaan ka dhigay &, rogin Teebabkoodaa, kama taabto khaykaa, oo daliisha teeduna, Xattaa yugayir ay tahay, Ta'deeduna Anfaal &, Racdi ay ku taallana. 74- ha yeeshee Tawaabow, wuxu doono tire &, Eebbe taag leh baad tahay, waxa tawadinaysana, Cid ku toyan karaysoo, ku turtuuri may lahan. 75- inkastoon Tolkaygii, markan Eebbe tuugiyo, Taajirkiin iraahdaba, magacyaan teggaygiyo, Taariikhda ii gelin, ila tiigsanaayaan, 76- Tannaagadi midaa yiri, Itixaad ayaad tahay, Tol wahaabiyaad tahay, Awliyaad tiraysaa. 77- Tiraab kale mid baa yiri, suufi Teedki baad tahay, Tahliilaha tufaayiyo, Tusbaxlihi ayaad tahay. 78- mid kalaygu taagsaday, yiri reer Tagooriyo, reer Taako weyniyo, reer Talaado baad tahay. 79- anna Weli an tiro &, Tii wacanba daa ee, haddey Tayda noqon lahayd, Taladeey la qaadani, Gaaladaa turfaysiyo, Muslinkaa talluucaba, inay Nabad ku taamaan, Tu walbaan ka jecelahay. 80- Ciddii tooda eegtaba, waxa ay tiraahdaa, yaa magacan kaa tira, Qolo kalena kugu tola - ciddii Tawba eegtiyo, Taqilliyo Xaddiiskiyo, Ambiyadii tubtoodii, Samir bay tiraahdaa. 81- si kastaba Tawaabow, iyagoo i tuuryeyn, waxan taamina an hubin, misna gaajo Tiih &, Abaar looga tegay &, Qabiil baa ku talax tegoo, Teed baa u kala rogan, waa na Tii Muntina tay, wada daba turfaayaan, oo ay Tub khayrliyo, Toodii ku seegeen, 82- ee Allow Tawaabow, taagtaada adigoo, adeegsanaya naga tuur, Tiihiyo habaarkaan, Mirif noo tiraayoo, naga fuulay Tuurtaa. EEG abwaan Afguriye.. ama EEG abwaan Afguriye..
(1) ilcaddeeye: waa neefka ka baqtiya xoolaha baabuurta lagu raree magaalooyinka loo iib geeyo sida xamar oo kale, kuwaas oo uu kirishboygu majin jaad ah ka siisto maqaayadaha waddaday ku safrayeen ku hareera yaalla, siiba kuwa aan Alle & qiyaame aqoon. Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk